Macluumaad iyo taageero ku socda xigtada

Corona awgiis wey adkaan kartaa in nolosha dhammaadkeeda xigtada lala kulmo. Xitaa duugista waxaa dhici karta in aan iminka loo fulin sidii loo qorsheeyay. Sidaas darteed ayaan ururinnay macluumaad iyo talooyin ka kala socda qeybaha bulshada ee xaajadu ka go’do.

ID10

Booqashada hoyga daryeelka waayeelka ee goobaha caafimaadka

La xiriir hoyga daryeelka waayeelka ey quseyso si aad u oaagto waxa leyska rabo haddii aad qorsheyneyso booqasho. Qofka howl wadeenka ka ah goob shaqo isaga ayaa masuul ka ah in cudur la is qaadsiiyo uusan soo gelin isla markaana uusan ku faafin hoyga daryeelka waayeelka iyo shaqaalaha. Sidaas darteed waxaa dhici karta in la xididdo booqashada hoyga dadka waayeelka iyo goobaha caafimaad. Warbixin ku saabsan booqashada xarumaha caafimaadka waxaad kala xiriiri kartaa isbitaalka ey markaas quseyso. ama ka eeg (bogga gobolkaaga). din regions webbplats.

ID20

Macsalaameynta ugu dambeysa dhimashada ka hor

Iyadoon sababta dhimashada la eegeyn sida talooyinka Hey’adda caafimaadka bulshada ku cad ma jiraan wax xigtada ka reebaya in ay marka ugu dambeysa macsalaameeyaan qofka dhimanaya. Xigtada rabta in ay goobta sagootin shakhsi ah ku qaataan waxaa loo sheegi doonaa ruutiinnada jira iyo haddii ay u baahanyihiin in ay qaataan qalab difaac oo shakhsi ah. Khatarta ah in qof dhintay laga qaado covid-19 waxaa loo arkaa in ay yartahay.

ID21

Xafladaha duugista


Laga soo billaabo 29 Maarso waxay ahayd mamnuuc in guud ahaan ay isu yimaadaan in ka badan 50 qof. Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay xitaa bulshada kula talineysaa in ay ka gaabsadaan in ay ka qeyb qaataan kulamada dadka badani isugu imaanayaan. Laakin waxaa jirta si uu qofku ku macsalaameyn karyo xigtada iyo qofka uu jecelyahay xitaa iyadoo xaalado ad-adag lagu jiro iminka. 
Kaniisadda Iswiidhan waxay xigtada kula talineysaa in ay sameeyaan ducooyin aasitaan ama tacsi yar oo la duubayo, toosna loogu baahinayo baraha bulshada. Haddii horbaba meydka la gubay wey dhici kartaa sidoo kale in ducada aasidda ama tacsida dib loo dhigo oo gadaal dambe laga dhigto. Duugista iyo xafladaha sagootinta ee dhaqamada kale ee aysan kaniisadda Iswiidhan qabaneyn, kala hadal urur diimeedkaaga. Marka laga hadlayo aasidda madaniga ah waa Kaniisadda Iswiidhan, ama mararka qaarkood degmada, cidda kuwaas mas’uulka ka ah.


ID22

Ma jiraan tallaabooyin badbaado oo gaar ah si loo maareeyo alaabta guriga


Cidda wax ka qabaneysa alaabta guriga cid la hubiyay in ay u dhimatay covid-19 uma baahna in ay qaaddo tallaabooyin badbaado oo aan ka hayn kuwa caadiga ah - adeegso goolafyada gacmaha ee hal mar la isticmaalo, gacmahana ku dhaq saabuun iyo biyo.

Uppdaterades