Safarada wadanka dibadiisa iyo soo joogitaanka wadanka dibadiisa
Marka laga bilaabo 1 Abriil 2022 ayaanay wax xayiraad ahi safarada soo galitaanka Iswiidhan saarnen. Waddamada kale ayay xayiraado ka jiri karaan markaas ayay safaaradda Iswiidhan la soconaysaa macluumaadka ku saabsan waxa meesha aad u socoto ka shaqeynaaya. Waxaanu halkan ku soo ururinay macluumaadka hay'adaha dawlada ee safarada soo galitaanka iyo ka bixitaanka Iswiidhan ku saabsan.
F2
In wadanka dibadiisa loo safro
Is diyaarsi oo si wanaagsan wararka ula soco.
- Ha safrin haddii aad callaamado leedahay.
- Si wanaagsan wararka ula soco. Xayiraado iyo xeerarka maxali ah ayaa jira kuwaas oo dhakhso iskugu bedeli kara.
- La soo deg barnaamijka/app-ka UD Resklar si aad u hesho macluumaad hadda jira ee ku saabsan halka aad u socoto. Waxay sidoo kale ay safaaradahu hayaan macluumaadka socdaalka ee xilligaas taagan oo ku jira Sweden Abroad.
Wasaarada Arimaha Dibadda ama hey'adaha ajaanibta ee Iswiidhan ma awoodi doonaan inay kaa caawiyaan xagga gaadiidka Iswiidhan loogu soo laabanaayo haddii ay kugu adkaato inaad dalka dib ugu soo laabato xaaladda jirta darteed.
Haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah, wac adeegga gurmadka qunsuliyada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda lambarka taleefanka: 08-405 50 05.