Kronoberg

ID104

Talo bixinta guud oo laga sii adkeeyey

Qof kasta oo gobolka jooga waxa lagu dhiirigelinayaa inuu:

  • Haddii ay suurtogal tahay iska ilaali xiriir jidhka/taabasho ahaaneed oo aad la yeelato dadka kale ee aan ahayn kuwa aad la nooshahay. Waxa uu taas micnaheedu yahay waxa ka mid ah in lagaala talinaayo inaad qabanqaabisid ama ka qeybqaadatid xaflad ama kulamada kale ee bulshada.
  • Waa in sidoo kale laga fogaado waxqabadyada qaarkood aan la sameyn karin iyadoo aan masaadafa dadka kale laga fogaanaynin, sida xiriirka isboortiga ama daryeelka caafimaadka ama sidoo kale daryeelka caafimaadka iyo is qurxinta oo aan caafimaadka xiriir la laheyn.
  • Iska ilaaliso joogitaanka bay'adaha gudaha sida dukaamada, xarumaha ganacsiga, matxafyada, maktabadaha, goobaha dabaasha iyo jiimka. Booqashooyinka daruuriga ah ee tusaale ahaan lagu tagaayo dukaamada raashinka iyo farmashiiyaha ayaa la sameyn karaa.
  • Iska ilaali inaad ka qeybqaadato, tusaale ahaan shirarka, riwaayadaha, bandhigyada, tabobarada isboortiga, kulamada/ciyaaraha iyo tartamada. Laakiin taasi ma khuseyso tabobarada isboortiga ee carruurta iyo dhalinyarada dhalatay 2005 ama wixii ka danbeeyey.

Xiriirada dhowdhow ee daruuriga ah, sida tusaale ahaan  booqashooyinka daryeelka caafimaadka iyo baaritaanka caafimaadka, ayaan ku jirin talooyinka la soo jeedinaayo. 

Go'aanka waxa sidoo kale ku jira talo bixinta guud ee laga sii adkeeyay ee la xiriirata goobaha shaqada iyo waxqabadyada sida tusaale ahaan dukaamada, xarumaha ganacsiga iyo goobaha isboortiga dhexdooda ku yaala:

  • Waxqabadyada iyo loo shaqeeyeyaasha waxa inay qaadaan talaabooyin si uu qof kastaa ugu raaci karo talooyinka guud ee kor ku xusan. Talaabooyinka loo shaqeeyayaashu waxay noqon karaan ku dhiirrigelinta shaqaalaha inay guriga ka soo shaqeeyaan, iyadoo ls siiya fursado dheeri ah oo ay guriga kaga soo shaqeynayaan iyo in dib loo dhigo safarada shaqadu dadka dirto, shirarka iyo kulammada kale ee jir aheed/tooska ah.
  • Waxqabadyada kale waxay dhimi karaan tirada soo booqdayaasha ah ee isla waqti joogta, lagu beego saacadaha furitaanka oo la soo bandhigo fursadaha waxqabadka dhijitaalka ah.

 

R233

Ugu badnaan sideed qof dhacdooyin iyo shirar

Laga bilaabo 24 Noofambar 2020 waa inay keliya sideed qof ay ka qeybqaataan isku imaadyada/isku ururida dadweynaha iyo kulamada guud. Waxay taasi sidoo kale khusaysaa dadweynaha wax daawanaaya ee fadhiya. Go'aanku waxa uu sii shaqeeyo doonaa ilaa muddo. Waxa laakiin ka reebanaan loo sameynaaa aaska. Halkaas waxa la oggol yahay ugu badnaan 20 ka qeybqaate.

Uppdaterades