Dawada iyo daaweynta

Waxa aad halkan ka helaysaa macluumaad ku saabsan dawada iyo daaweynta covid-19.
Uppdaterades

ID119

Waxyaalaha ku saabsan caymiska haddii saameyn xun la yeesho

Haddii aad u aragto inuu dhaawac kaa soo gaadhay dawo ayaad xaq u leedahay inaad la xidhiidho Svenska Läkemedelsförsäkringen AB si kharash la'aan dacwadaada loogu eego. Waxay iyagu baaritaan ku sameyn doonaan arinta iyadoo haddii loo arko inay tahay waxyeelo dawadu keentey, aad magdhow heli karto. Waxay xitaa taasi khuseysaa talaalka mid ka mid ah talaallada loo ansixiyay covid-19.

Wax dheeraad ah ka akhri  Läkemedelsförsäkringens Boggaga internedka (ku qoan af Iswiidhish)

Macluumaadka ku saabsan heshiiska khuseeya dhaawacyada ka yimaada istalaalista covid-19 ee bogga internetka ee xukuumada (af iswiidhish)

ID39 

Daawo

Laba dawo  oo loogu talogalay in covid-19 lagu daaweeyo ayaa Yurub la anxisiyey. Taas waxa weeye dawada fayruska ku lidka ah ee Veklury Veklury (remdesivir) iyo Dexametazone, taas oo ah dawo caabuqa yareysa/dhimeysa oo hoos u dhigta difaaca jirka.

Läkemedelsverket macluumaadka ku saabsan Veklury (remdesivir) iyo Dexametason (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Soo sheeg waxyeellooyinka/saameynta xun


Haddii dawooyinka laguu siiyey si covid-19 lagaaga daaweeyo ay waxyeellooyin/saameyn xun kuu keenaan ayay muhiim tahay inaad kuwaas soo wargalisid Läkemedelsverket. Soo gudbi warbixinta adigoo soo maraaya bogga internetka ee Läkemedelsverkets.

ID40

Daweyn


Dadka uu ku dhacyo cudurka covid-19 badankoodu waxay iska dareemaan calaamadaha caadiga ah ee hergebka ama durayga, mana u baahdaan in ay daryeel caafimaad raadsadaan. Koox yar oo ka mid ah dadka cudurka la qaadsiiyo ayaa aad u xanuunsada, una baahan kara in daryeel isbitaal lagu siiyo. Si dhakhsi ah laamaha caafimaadka ula xiriir haddii si lama filaan ah ay xaaladdaadu u xumaato ama ay neefsashadu kugu adkaato xitaa adigoo nasanaya.

ID41

Is daryeelidda marka la isku arko calaamado cudur oo yar-yar


Haddii aad isku aragtid calaamado cudur oo yar-yar waxay 1177 ku talineysaa waxyaabo fara badan oo aad adigu sameyn kartid si aad wacnaan u dareentid:

  • Aad wax u cab. Aadbey muhiim u sii tahay haddii aad qufaceysid ama feebaro ku heyso.
  • Kor u qaad sariirta madaxeeda adigoo hoos gelinaya barkin dheeraad ah.
  • Isticmaal dawo feebaraha dejineysa.
  • Si aad ah u naso laakin iska ilaali in aad waqti dheerna meel jiiftid. Taasi waxay xumeyneysaa fursadaha ay sambabuhu ku shaqeyn karaan, waxayna adkeyn kartaa ka bogsooshada cudurka.

Talooyin badan waxaa laga heli karaa 1177.

ID42

Daweynta marka uu cudurku khatar yahay


Qaar ka mid ah dadka uu ku dhacyo covid-19 waxaa ku dhaca caabuq sambabaha ah oo khatar ah, waxaana ku adkaan karta in ay neefsadaan. Haddii aad, aad u xanuunsatid waa lagu daweynayaa si loo taageero shaqada sambabaha iyo xubnaha kale ay uu cudurku saameyn karyo. Waxay tusaale ahaan daweyntu ku saabsanaan kartaa in nakhas dheeraad ah lagu siiyo ama neefsashada lagaa caawiyo iyadoo la adeegsanayo qalabka fududeeyo neefsashada. Halkan waxay 1177 uga sheekeyneysaa sida la isugu daweynayo qalabka fududeeya neefsashada.

ID49

Baxnaaninta ka dambeysa covid-19

Waqtiyada xannaaneynta bukaannada qaba covid-19 waa ay dheeraan karaan, gaar ahaan qofka si is daba joog ah loo daryeelayo.

Covid-19 ka dib, muddo dheer ayaa mararka qaarkood la dareemi karayaa calaamado cudur. Haddii cudurka lagu qaadsiiyay oo aad jir ahaan ama maskax ahaan u dareemeysid dhibaato aan dhammaaneyn waxaad u baahan kartaa in aad la xiriirtid laamaha caafimaadka. Rugtaada caafimaadka ama Hagaha caafimaadka 1177 ayaa macluumaad dheeraad ah ka siin kara halka ay tahay in aad baxnaaninta kala xiriirtid.

Hey’adda caafimaadku waxay shaqaalaha baxnaaninta ee laamaha caafimaadka u soo saartay taageero aqooneed oo ka kooban talooyin la taaban karo oo ku aaddan tababarka iyo daweynta ka dambeysa covid-19.