Xadeyn iyo mamnuucid

Halkan waxaad ka heleysaa waxyaabo la ururiyay oo ku aaddan xadeynta iyo mamnuucidda laga dhaqangeliyay Iswiidhan, feyruska corona awgiis.

ID10

Hoyga dadka waayeelka ah

Mamnuucidii booqashada hoyga dadka waayeelka ah waxay joogsan doontaa 1 Oktoobar. Ilaa iyo inta ka horeysa, inta mamnuucida booqashada weli ansax tahay, waa suurtagal in la iska qaleeyo mamnuucidan haddii ay jiraan xaalado gaar ah.  La xiriir degmadaada ama cidda hawsha mas’uulka ka ah ee arrinta ay hoygu khuseyso si aad u ogaatid waxa ansaxa ah.

Dad laga reebay mamnuucidda booqashada

Talooyinka guud ee ku aaddan dadka laga reebay mamnuucidda booqashada waxaa la cusbooneysiiyay bishi Luulyo oo iminka qofka da’da ah hoygiisa waa lagu soo booqan karaa. Talooyinka Hey’adda hagta caafimaadku waa in ay markaas booqashadu ka dhacdo dhismooyinka dibaddooda. Waxaa sidoo kale mamnuucidda booqashada hoyga dadka da’da ah laga reebi karaa qofka aan lahayn calaamado cudur ee leh unugyada difaaca jirka ee ka dhanka ah covid-19. 

Waa qofka hawsha hoyga mas’uulka ka ah cidda qiimeyn ku sameyneysa in ay booqasho suurta gal tahay iyo in kale iyo in hoygu u fulin karyo si aamin ah iyo in kale. 

Marka laga hadlayo difaaca jirka iyo booqashada hoyga dadka da’da ah, in qofka uu infekshin horay ugu dhacyay maaha qiil ku filan si dhismooyinka gudohooda uu dad ugu booqdo, ayey Hey’adda hagta caafimaadku u aragtaa marka la eego talooyinkeeda.

Hey’adda hagta caafimaadka, ku saabsan booqashooyin aamin ah oo lagu tago hoyga dadka da’da ah (boggu waa af-Iswiidhish)

N5

Mamnuucida kulamada dadweyne ah in ka badan 50 qof

Laga bilaabo axada 29 Maarso waa in kulamada dadweynaha iyo xafladaha dadweynaha aanay ka badan 50 ka qayb-qaate.  Go’aankan waxay dawladu gaartay jimcihii (27 Maarso).

Booliisku wuxuu joojin karaa ama kala dareerin karaa kulan dadweyne ama xaflad dadweyne oo ay joogaan in ka badan 50 ka qayb-qaatayaal.  Qofkii qaban-qaabiya xaflad jebinasa mamnuucidan waxaa lagu xukumi karaa ganaax ama xarig xabsi ah ugu badnaan lix bilood.

Ka hor waxaa jirtay xadayn ahayd 500 qof dhanka kulamada dadweynaha, laakiin taas waa la badalay iminka ka dib codsi ka yimi Hey’adda arrimaha caafimaadka.  Sababtu waa in la xadeeyo faafinta cudurka karoona faayraska covid-19.

Kulan dadweyne

Kulan dadweyne micnahiisu waa:

  • kulamada ah mudaharaadyo ama sideedaba loo qabto in lagu wada-xaajoodo, lagu cabiro fikradaha ama soo bandhigid guud ama arrimo gaar ah
  • muxaadarooyinka iyo casharo la jeedinayo kuwaas oo loo qabtay waxbarasho ahaan ama loogu talogalay soo gudbin fikrado guud ama muwaadin ahaan
  • kulamada loo qabto diin ahaan
  • soo bandhigyada masrax, bandhigyada shaneemo, bandhig heeso iyo kulamada kale ee loogu talogalay in lagu soo gudbiyo alaab farshaxan ah
  • kulamada kale ee xoriyada kulanka lagu dhaqmayo

 

Xaflad dadweyne

Xaflad dadweyne micnaheedu waa:

  • tartamada iyo soo bandhigyada isboortiga, ciyaaraha iyo duulista
  • bandhigyada dhaansiga
  • bandhigyada qalaamaa rogadka kolba meel taga iyo xaflad
  • suuqyada iyo carwooyinka
  • kulamada xafladaha kale ee aan loo arkin kulamo dadweyne ama bandhigyada qalaamaa rogadka kolba meel taga

Iskoolada, gaadiidka dadweynaha, munaasabadaha shakhsiga ah iyo booqashada dukaamada ma ku jirto arimahaas.

ID14

Mamnuucid ku meel gaar ah oo ku saabsan safar ku imaashada Iswiidhan

Dawladu waxay go’aamisay in la joojiyo safarada aan loo baahnayn ee lagu imanayo Iswiidhan lagagana imanayo dalal ka baxsan Midowga Yurub. Ulajeeddadu waa in la khafiifiyo cawaaqibka faayraska koroona baahidiisa loona yareeyo faafinta covid-19

Kuwa soo socda ayaa soo gelid ka mamnuucidda laga reebay:

  • muwaadiniinta iswiidhishka ah
  • xubnaha qoysaska muwaadiniinta Iswiidhishka ee u shaqeeya shirkad Iswiidhish ah, hey’ad dowladeed oo Iswiidhish ah ama ururrada caalamiga ah ee dibadda, haddii shaqa bixiyhuhu uu halkan ugu yeeryay qofka shaqaalaha ah iyo/ama ciddi la socota
  • muwaadiniinta u dhashay waddan kale oo ka mid ah waddamada EES, Ingiriiska ama Switzerland ama xubno ka tirsay qoysas u dhashay waddamada EES ama Ingiriiska ama Swtitzerland
  • dadka sharci deganaansho ama xaqa deganaansho ku leh Iswiidhan ama Midowga Yurub
  • dadka haysta fiise qaran oo ansax ku ah in loogu soo safro Iswiidhan.
  • Dadka ajaanibta ah ee qaaba baahida gaarka ah ama Iswiidhan ka qabanaya hawlo lagama maarmaan ah waa laga reebi karaa mamnuucidda, tusaale ahaan.
  • shaqaalaha caafimaadka
  • dadka ka shaqeeya gaadiidka badeecooyinka daabbula, tusaale ahaan cuntada iyo dawooyinka
  • badmaaxiinta shaqada ku jira iyo kuwa ka baxaya iyo darawallada xirfaddoodu tahay gaadiid wadidda ee gaadiidkooda iyo xamuulkoodu uu Iswiidhan ku suganyahay
  • dadka leh sababo qoys oo wax khasbaya.
  • Ciidamada xudduudaha ee Iswiidhishka ayaa go’aaminaya sida qiil u dayidda loo macneynayo iyo go’aamada la gaarayo.
  • Shaqaale xilliyada qaar ka shaqeeya beeraha, dhir-beerista, nafaqeynta jardiinooyinka (ka reebitaanku wuxuu shaqeynayaa laga billaabo 8 Juun).

ID30

Talooyin ku socda maqaayadaha iyo meelaha lagu sharaabo

Si loo yareeyo faafitaanka covid-19 waxaa sidoo kale baararka, biibitooyinka iyo maqaayadaha khuseeya sharciyo cuscusub.

  • Maaha in ay dadka ciriir ku noqdaan safafku, miisasku ama meelaha cuntada lagu soo gurto ama miisaska lacagta lagu bixiyo, booqadayaashu waa in ay masaafo isu jirsan karaan.
  • Booqaduhu waa in uu dadka kale ee ay isla joogaan u jirsadaa ugu yaraan hal mitir.
  • Meelaha miiska leesugu soo adeego waa in ay dadka u suurta geliyaan in ay gacmaha saabuun iyo biyo ku dhaqdaan ama marsadaan aalkolada gacmaha.
  • Meelaha miiska leesugu soo adeego waa in ay booqadayaasha ku wargeliyaan sida ay u yareyn karaan khatarta faafitaanka cudurka.
  • Booqadayaashu waa in ay iyagoo miis fadhiya wax cunaan, waxna cabaan. Shaqaaluhu waa in ay waxyaabaha la dalbaday dadka u geeyaan.
  • Haddii ay suurta gal tahay in martidu ay cuntada iyo cabitaanka dalbato oo ay qaadato waa la oggolyahay taas, ilaa inta aysan taasi keeneyn ciriiri ama safaf.
  • Cuntada la qaadano waa caadi, ilaa intii sidaas la samayn karo iyadoo ay bilaa ciriiri tahay dadka dhexdooda.
  • Maqaayadaha iyo meelaha ku yaal meelaha ciyaaraha barafka lagu qabsado xeerarka wey soo gelayaan.
  • Sharciga ku meel gaarka ee talaabooyinka ka hortagida cudurada faafa ee dhanka meelaha hortooda wax lagu cuno/cabo micnahiisu waa in maqaaxiyaha cuntada iyo meelaha kafeega ay mas’uul ka yihiin inay qaataan talaabooyinka lagaga hortagayo faafida covid-19.  Boggana intarnatka wuxuu aadayaa Hey’adda caafimaadka bulshada, boggan waa af-Iswiidhish.
  • Dhanka regeringen.se waxaa ku jira macluumaad dheeraad ah kuna saabsan nidaamyada loogu talogalay hoteelada, maqaaxiyaha cuntada iyo meelaha la dego marka hawo geddiska loo baxo.

Sida xeerka cusub ku cad degmooyinka ayaa mas’uul ka ah ka warheynta meelaha miiska leesugu soo adeego. Haddii aad u aragtid in aan sharciga la raaceyn waxaad la xiriiri kartaa degmada ay ku taal meesha dibadda leesugu soo adeego.

Uppdaterades