Saambi qaadid

Halkan waxaad ka heleysaa warbixin uruursan oo ku saabsan waxa leyska rabo xilliga saami qaadidda caabuqa covid-19, haddii ey ahaan laheyd infekshin socda iyo lijireedka.

ID106

Sidan ayaad ballan tijaabo qaadista u qabsan kartaa

Sida tijaabo qaadista loo sameynaayo ayaa kala duwan karta iyadoo ku xiran gobolka aad ka tirsan tahay. Gobollada qaarkood ayay tahay inaad ballan qaadista tijaabada qabsato adigoo soo galaaya 1177.se iyadoo gobollada kalena ay tahay inaad rug caafimaad la soo xiriirto si aad ballan uga qabsato. Macluumaadka ku saabsan tijaabo qaadista ee gobolkaaga ayaa laga heli karaa 1177.se. Waxa la soo wici karaa 1177 haddii aad su'aalo daryeelka caafimaad ku saabsan qabto laakiin adigu ma weydiin kartid su'aalo ku saabsan jawaabta tijaabadaada. Waxay 1177 ku jawaabtaa luqado kale oo aan Iswiidhish aheyn, riix 4 si aad u aado liiska luqadda.

ID43

Istijaabi haddii aad calaamado leedahay

Si loo kordhiyo raad gurka/raaca infegshanka oo looguna yareeyo faafitaanka infegshanka ayay Folkhälsomyndigheten ku boorinaysaa dhamaan dadka calaamado leh inay iska eegaan/tijaabo iska qaadaan inay leeyihiin caabuqa socda, waxa loo yaqaano baaritaanka PCR-ka. Waxa ay xataa taasi khuseysaa da'yarta iyo carruurta dugsiga ku jirta illaa fasalka dugsiga ka horeeya (förskoleklass ) in hoos loogu daadego. Carruurta aan laga helin ayaa si ka dhakhso badan dugsiga ugu laaban kara haddii xaaladoodu ay guud ahaan taas u oggolaan doonto.

Gobollada ayaa ka mas'uul ah in tijaabada PCR-ka la sameeyo iyadoo tijaabada badanaa laga qaado shaqaalaha daryeelka caafimaadka. Mararka qaar ayaad adigu guriga iska qaadi kartaa tijaabada PCR-ka, waxa loo yaqaano tijaabo iska qaadista. Gobolkaaga kala xiriir wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan cida meesha aad degan tahay is tijaabin karta.

Ka fikir waxyaalahan:

  • Is tijaabi kaliya haddii aad calaamado leedahay ama ay raad gurka fayrusku taas kaa dalbato.
  • Keliya tijaabo iska qaad haddii aad leedahay calaamado aan kaa tagin habeen iyo maalin oo aanay sabab u ahayn wax kale oo la og yahay/la garanaayo, tusaale ahaan xasaasiyad ama goonjab/dhanjafka.
  • Haddii aad calaamado leedahay, guriga joog oo iska ilaali inaad dadka kale la xiriirto. Talooyin dheeraada ah 
  • Qof caafimaad qabaa ha kuu soo qaado xirmada tijaabo iska qaadista.
  • U dhaqan sidii oo aad cudurka qabtid laga bilaabo marka aad calaamado isku aragto illaa aad ka heleyso natiijada baaritaanka ee sheegeysa inaan lagaa helin ama aad caafimaad qabto.
  • Haddii lagaa helo, iska ilaali inaad tijaabo cusub dalbato. Guriga joog oo iska ilaali inaad dadka kale la xiriirto ugu yaraan toddoba maalmood marka laga soo bilaabo markaad calaamadaha ugu horeeya aad heshay. Waa inaad bilaa qandho aheyd labadii maalmood ee ugu dambeeyay. 
  • Haddii aad natiijooyinka baaritaanka sugeyso oo aad leedahay ballan booqashada daryeelka caafimaadka ah, booqashada ka hor u sii sheeg daryeelka.

Linkiyada macluumaadka gobollada ee ku saabsan qaadista tijaabada (Macluumaadku waxa uu ku qoran yahay Iswiidhish)

Macluumaadka Folkhälsomyndighetens ee ku saabsan qaadista tijaabada (Macluumaadku waxa uu ku qoran yahay Iswiidhish.) 

Macluumaad ku saabsan sida qaadista tijaabada loo sameeyo ee 1177 Hagaga daryeelka caafimaadka (Vårdguiden) (Macluumaadku waxa uu ku qoran yahay Iswiidhish)

Unugyada difaaca jirka ee ka hortaga covid-19

Baaritaan seerolooji ah wuxuu muujinayaa haddii uu kugu soo dhacay covid-19 oo aad yeelatay unugyada difaaca jirka ee ka hortaga cudurkan. Haddii aad tahay bilaa calaamad oo leedahay unugyada difaaca jirka ee IgG wey yartahay khatarta inaad qaado covid-19 oo sidaas ay yartahay khatarta inaad dadka kale qaadsiiso.

Maxay ka dhigantahay haddii layga helo unugyada difaaca ee cudurka lidka ku ah ama infekshin markaas igu jira ama goor dhaweyd iga baxay?

Qofka laga helo infekshin markaas socda laakin caafimaaday iyo dadka laga helo unugyada difaaca ee cudurka lidka ku ah waxaa loo arkaa in ay cudurka ka difaacanyihiin, ugu yaraan lix bilood. Ka dib marka uu qofka infekshinku ku dhacyo waxay u badantahay in uu jirkiisu yeesho wax uun difaac ah xitaa haddii uusan lahayn unugyo difaac oo laga qiyaas qaadan karo, sida ay qabto Hey’adda caafimaadka bulshadu.

Qofka loo arko in uu leeyahay wax uun difaac ah, gebi ahaanna ka maran calaamadaha cudurka waa ay yartahay khatarta uu ugu jiryo in isaga cudurka la qaadsiiyo ama uu sii faafiyo. Waxay taasi ka dhigantahay in dadka kale waqti lala qaadan karo, xitaa dhismooyinka gudohooda, iyadoo aan taas loo eegeyn in kuwa lala kulmayo ama qofka naftirkiisu uu ka tirsanyahay koox khatar ku jirta iyo in kale.

Qof walba waa in uu mar walba sameeyo qiimeyn isaga u gaar ah oo ku aaddan kuwa uu waqtiga la qaadanayo. Waa in dhammaan la sii wadaa raacitaanka talooyinka ku aaddan yareynta faafitaanka cudurka. Xagga laamaha caafimaadka iyo daryeelka waa in ruutiinka la xiriira nadaafadda iyo qalabka badbaadada la raacaa.

ID44

Baaraan

Hey’adda dawooyinku waxay dadka kala talineysaa in ay soo iibsadaan waxyaabo uu qofku keligiis isaga baari karyo covid-19 oo loo xayeesiiyo si guryaha loogu isticmaalo. Baaritaannadaas waxay keeni karaan dhaawac ka badan faa’iidadooda maxaa yeelay ma buuxinayaan shuruudaha Hey’adda dawooyinku u dhigtay tijaabooyinka noocaas ah. Xitaa Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay sheegeysaa in isbaaristaas ay aad u yartahay inta lagu kalsoonaan karo marka la barbar dhigo baaritaannada laamaha caafimaadka.
(kooxda TB-ga ee khatarta ku jirta)

Uppdaterades