Baaritaanno, talaal iyo daweyn

Halkan waxaad ka heleysaa macluumaad urursan oo ku aaddan waxyaabaha khuseeya saami qaadidda, baaritaannada unugyada difaaca ee cudurka lidka ku ah, tallaal, dawo iyo daweynta covid-19.

ID43

Saami-qaadid iyo baaritaanno

Si kor loogu qaado raadraacidda cudurka, loona yareeyo faafitaanka waxay Hey’adda caafimaadka bulshadu ku boorrineysaa dhammaan dadka leh calaamadaha cudurka in ay iska baaraan infekshin markaas haya, waxa loogu yeero baaritaanka PCR-ka. Taasi xitaa wey khuseysaa dhallinyarada iyo carruurta ku jira da’da iskoolka ilaa iyo fasalka dugsiga xannaannada.

Waxaa jira laba nooc oo baaritaan looguna talogalay covid-19:

  • Baaritaanka PCR waxaa loo isticmaalaa in lagu eego haddii aad adigu qabto ama mar dhawayd lahayd caabub socday oo ah covid-19.
  • Baaritaanka seerolojiiga (baaritaanka unugyada difaaca) wuxuu taas badelkeeda muujiyaa haddii uu kugu soo dhacay covid-19 oo aad yeelatay unugyada difaaca ee ka hortaga faayraskan oo sidaas aad si buuxda ama qayb ahaan ku yeelatay difaaca ka hortaga covid-19.  

Sidan ayaa loo sameeyaa baaritaanadan

Goboladu waxay mas’uul ka yihiin fulinta baaritaanka PCR xilliga caabuq markaas socda oo baaritaankan badanaaba waxaa qaada shaqaalaha caafimaadka.  Mararka qaarkood adiga laf ahaantaada ayaa baaritaanka PCR iskaga qaadi kara guriga, waxa lagu magacaabo baaritaanka qofku keligii qaado.  Laakiinse ma jiraan wax ah baaritaan seerolooji (baaritaanka unugyada difaaca) oo adigu aad guriga iskaga qaadi karto oo ay ku talinayso Hey’adda caafimaadka bulshada.  La xiriir gobolkaaga si aad u hesho macluumaad dheeraad ah kuna saabsan qofka is baari kara meesha adigu aad ku nooshahay. Jihadu waa in dadka oo dhan loo soo bandhigo baaritaanka unugyada iska difaaca cudurkan oo lagu helo kharashka bukaan socodka ee caadiga ah.

Halkan waxaa ku jira isku xirayaasha baraha intarneetka ee goballada oo leh macluumaad ku aaddan covid-19 iyo bogagga Hagaha daryeelka caafimaadka1177 oo leh macluumaad ku aaddan sida aad covid-19 isaga baari kartid gobalkaaga. Bogaggu waa af-Iswiidhish.

Akhri dheeraad ku saabsan sida baaritaanku u dhaco kuna qoran 1177 Hagida Daryeelka

Unugyada difaaca jirka ee ka hortaga covid-19

Baaritaan seerolooji ah wuxuu muujinayaa haddii uu kugu soo dhacay covid-19 oo aad yeelatay unugyada difaaca jirka ee ka hortaga cudurkan. Haddii aad tahay bilaa calaamad oo leedahay unugyada difaaca jirka ee IgG wey yartahay khatarta inaad qaado covid-19 oo sidaas ay yartahay khatarta inaad dadka kale qaadsiiso.

Maxay ka dhigantahay haddii layga helo unugyada difaaca ee cudurka lidka ku ah ama infekshin markaas igu jira ama goor dhaweyd iga baxay?

Qofka laga helo infekshin markaas socda laakin caafimaaday iyo dadka laga helo unugyada difaaca ee cudurka lidka ku ah waxaa loo arkaa in ay cudurka ka difaacanyihiin, ugu yaraan lix bilood. Ka dib marka uu qofka infekshinku ku dhacyo waxay u badantahay in uu jirkiisu yeesho wax uun difaac ah xitaa haddii uusan lahayn unugyo difaac oo laga qiyaas qaadan karo, sida ay qabto Hey’adda caafimaadka bulshadu.

Qofka loo arko in uu leeyahay wax uun difaac ah, gebi ahaanna ka maran calaamadaha cudurka waa ay yartahay khatarta uu ugu jiryo in isaga cudurka la qaadsiiyo ama uu sii faafiyo. Waxay taasi ka dhigantahay in dadka kale waqti lala qaadan karo, xitaa dhismooyinka gudohooda, iyadoo aan taas loo eegeyn in kuwa lala kulmayo ama qofka naftirkiisu uu ka tirsanyahay koox khatar ku jirta iyo in kale.

Qof walba waa in uu mar walba sameeyo qiimeyn isaga u gaar ah oo ku aaddan kuwa uu waqtiga la qaadanayo. Waa in dhammaan la sii wadaa raacitaanka talooyinka ku aaddan yareynta faafitaanka cudurka. Xagga laamaha caafimaadka iyo daryeelka waa in ruutiinka la xiriira nadaafadda iyo qalabka badbaadada la raacaa.

ID44

Baaraan

Hey’adda dawooyinku waxay dadka kala talineysaa in ay soo iibsadaan waxyaabo uu qofku keligiis isaga baari karyo covid-19 oo loo xayeesiiyo si guryaha loogu isticmaalo. Baaritaannadaas waxay keeni karaan dhaawac ka badan faa’iidadooda maxaa yeelay ma buuxinayaan shuruudaha Hey’adda dawooyinku u dhigtay tijaabooyinka noocaas ah. Xitaa Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay sheegeysaa in isbaaristaas ay aad u yartahay inta lagu kalsoonaan karo marka la barbar dhigo baaritaannada laamaha caafimaadka.
(kooxda TB-ga ee khatarta ku jirta)

ID39 

Tallaal iyo dawo

Waqtiga iminka ah ma jiraan wax tallaallo ah ama dawo la oggolyahay oo ka dhan ah covid-19. Laacibiin fara badan oo caalamka ah ayaa siyaabo kala duduwan u shaqeynaya si ay tallaal u soo saaraan. Laakinse in tallaal la soo saaro waxay qaadaneysaa waqti dheer, mararka caadiga ah sanooyin fara badan. Xitaa haddii si xoog ah loo wado cilmi baaris ku aaddan covid-19, waxaa ay tahay in lagu xisaabtamo in aan inta lagu jiro 2020 la heleyn tallaal diyaar u ah in la adeegsado.

Hey’adda dawooyinku waxay iskaashi la leedahay hey’adaha kale ee dawooyinka ee Yurub iyo caalamka intiisa kale si looga fogaado in dawooyin kala duduwan wax lagu daweeyo, iyo si gacan looga geysto dadaalka loogu jiro in tallaal loo helo cudurka.

Hey’adda dawooyinka, ku saabsan tallaal ka dhan ah covid-19 (boggu waa af-Iswiidhish)

Hey’adda dawooyinku waxay halkan ku ururisay su’aalo iyo jawaabo ku saabsan covid-19 iyo dawooyinka.

ID40

Daweyn


Dadka uu ku dhacyo cudurka covid-19 badankoodu waxay iska dareemaan calaamadaha caadiga ah ee hergebka ama durayga, mana u baahdaan in ay daryeel caafimaad raadsadaan. Koox yar oo ka mid ah dadka cudurka la qaadsiiyo ayaa aad u xanuunsada, una baahan kara in daryeel isbitaal lagu siiyo. Si dhakhsi ah laamaha caafimaadka ula xiriir haddii si lama filaan ah ay xaaladdaadu u xumaato ama ay neefsashadu kugu adkaato xitaa adigoo nasanaya.

ID41

Is daryeelidda marka la isku arko calaamado cudur oo yar-yar


Haddii aad isku aragtid calaamado cudur oo yar-yar waxay 1177 ku talineysaa waxyaabo fara badan oo aad adigu sameyn kartid si aad wacnaan u dareentid:

  • Aad wax u cab. Aadbey muhiim u sii tahay haddii aad qufaceysid ama feebaro ku heyso.
  • Kor u qaad sariirta madaxeeda adigoo hoos gelinaya barkin dheeraad ah.
  • Isticmaal dawo feebaraha dejineysa.
  • Si aad ah u naso laakin iska ilaali in aad waqti dheerna meel jiiftid. Taasi waxay xumeyneysaa fursadaha ay sambabuhu ku shaqeyn karaan, waxayna adkeyn kartaa ka bogsooshada cudurka.

Talooyin badan waxaa laga heli karaa 1177.

ID42

Daweynta marka uu cudurku khatar yahay


Qaar ka mid ah dadka uu ku dhacyo covid-19 waxaa ku dhaca caabuq sambabaha ah oo khatar ah, waxaana ku adkaan karta in ay neefsadaan. Haddii aad, aad u xanuunsatid waa lagu daweynayaa si loo taageero shaqada sambabaha iyo xubnaha kale ay uu cudurku saameyn karyo. Waxay tusaale ahaan daweyntu ku saabsanaan kartaa in nakhas dheeraad ah lagu siiyo ama neefsashada lagaa caawiyo iyadoo la adeegsanayo qalabka fududeeyo neefsashada. Halkan waxay 1177 uga sheekeyneysaa sida la isugu daweynayo qalabka fududeeya neefsashada.

ID49

Baxnaaninta ka dambeysa covid-19

Waqtiyada xannaaneynta bukaannada qaba covid-19 waa ay dheeraan karaan, gaar ahaan qofka si is daba joog ah loo daryeelayo.

Covid-19 ka dib, muddo dheer ayaa mararka qaarkood la dareemi karayaa calaamado cudur. Haddii cudurka lagu qaadsiiyay oo aad jir ahaan ama maskax ahaan u dareemeysid dhibaato aan dhammaaneyn waxaad u baahan kartaa in aad la xiriirtid laamaha caafimaadka. Rugtaada caafimaadka ama Hagaha caafimaadka 1177 ayaa macluumaad dheeraad ah ka siin kara halka ay tahay in aad baxnaaninta kala xiriirtid.

Hey’adda caafimaadku waxay shaqaalaha baxnaaninta ee laamaha caafimaadka u soo saartay taageero aqooneed oo ka kooban talooyin la taaban karo oo ku aaddan tababarka iyo daweynta ka dambeysa covid-19.

ID87

Digniin ku aaddan badeecooyin dadka luminaya

Hey’adda raashinku waxay dadweynaha ku boorrineysaa in ay iska jiraan dawooyinka nafaqada iyo raashinka kale ee la sheegto in ay reysinayaan ama ka hortagaan covid-19. Badeecooyin fara badan ayaa soo baxay gaar ahaan kuwa elekteroonig ahaan loo iibiyo, laakin in la sheegto in dawooyin nafaqo iyo raashin kale ay reysinayaan ama ilaaliyaan covid-19 waa sharci darro maxaa yeelay wax caddeyn cilmiyeed ah taas looma hayo. Hey’adda raashinku waxay la shaqeysaa hey’adaha kale ee dowladda si iibinta waxaas loo joojiyo.

Haddii aad aragtid badeecooyin noocaas ah waxaad ashtako u gudbin kartaa isbatoorayaasha raashinka ee degmada ama waxaad Hey’adda raashinka e-mail ugu diri kartaa registrator@slv.se.

Uppdaterades