Sidan ayaad faafidda ku yareyn kartaa

Si loo hakiyo faafinta cudurka cusub ee faayraska karoona waxaa muhiim ah in aynu si wada-jir ah isu caawino.

ID1b

Caawimaad ka geyso in la yareeyo faafinta cudurkan

Si loo hakiyo faafinta faayraska karoona ee cusub waa muhiim in aynu si wada-jir ah isu caawino. 

  • Guriga joog xitaa haddii aad dareemayso wax yar oo hargab ah. Halka hoose ee boggan ka eeg liistada dhanka calaamadaha.
  • Gacmaha badanaaba ku dhaq saabuun iyo biyo ugu yaraan 20 ilbiriqsi. Dhowr ah talooyinka nadaafada ayaad halkan ka helaysaa.
  • Ka durug dadka kale marka aad joogto meel gudaha ah iyo banaanka labadaba.
  • Ka durug dadka kale markaad saarantahay baska, tareen, tareenka hoosta mara, tareenka korka mara iyo gaadiidka kale ee dadweynaha. Iska ilaali inaad safarto wakhtiga saxmadda.
  • Iska ilaali inaad booqato dadka gaboobay ee qaraabada ah. Dadka ka weyn 70 sano waa kooxda ugu badan ee khatarta ugu jirta inay si khatar ah ugu xanuustaan dhanka covid-19.
  • Iska ilaali xafladaha, aasaska, xafadaha magac u bixinta ilmo, xaflad dhalasho ama aroos.
  • Ka durug dadka kale marka aad joogtid goobaha isboortiga, hoolka dabaasha iyo meesha jirka lagu dhiso oo iska ilaali inaad dharka ku badasho qolalka dhar iska badalka ee dadweynaha ka dhaxeeya.
  • Safar haddii oo keliya ay tahay lagama maarmaan. Dheeraad ku saabsan safarada dalka gudihiisa ka akhri halkan. 

ID2

Calaamadaha caadiga ah ee covid-19

• qufac

  • xummad
  • dhibaato neefsashada ah
  • diif
  • cabur sanka ah
  • cuno xanuun
  • madax xanuun
  • xanuun muruqyada iyo laabatooyinka ah
  • yalaalugood, lallabood (yaayaqsood)

Qofka u xanuusada covid-19 waxaa ka muuqan karta hal ama dhowr ka mid ah calaamadahaas. Aad ayay caadi u tahay in qofku uu waayo dareenka urta iyo dareenka dhadhanka xilli wakhti ah iyadoo tani la xiriirta infekshanka qaybta sare ee marinka hawada. Xitaa waxaa la sheegay shuban. Dadka badankooda waxaa ku dhaca dhibaato khafiif ah taas oo u iman karta si tartiib ah oo keligeed iskaga dhamaata iyadoo qofku isku daryeelo guriga. Dadka qaarkoodna si khatar ah ayay u xanuusadaan, tusaale ahaan dhibaatooyin in la neefsado iyo barar dhanka sambabada ah.  

ID13

Haddii aad buktid

Aad bey muhiim u tahay in aad joogtid guriga haddii aad xanuun dareemeysid iyo ilaa inta aad buktid, si aadan dad kale cudur u qaadsiin. Waa inaad ugu yaraan toddoba maalmood gurigaaga iska joogto, tiriskaas oo laga soo bilaabo maalinta ugu horeeyso ee aad calaamadaha cudurka dareento. Tan kale, kaddib markii aad bogsato waa in labada maalmood ee ugu dambeyso aadan dareemin wax qandho ah.

Haddii aadan iskula filneyn in aad guriga isku daweysid waxaad waceysaa 1177 si aad talo caafimaad u heshid. Waxay ku jawaabayaan Iswiidhish iyo Ingiriis. Iyadoo ku xiran meesha aad deggantihid waxaa jiri karta fursad ah in aad xitaa luqad kale ku hadashid. Caawimaad weydiiso qof qaraabo ah ama saaxiib haddii aadan adigu wici karin.

Hay`adda arrimaha caafimaadka dadwaynaha [Folkhälsomyndigheten] waxay ku talinaysa in dadka waawayn, ilmaha iyo dhallinyarada dugsiga dhigtaan (xitaa kuwa dhigtaan dugsiyada xannaanadda), oo leh calaamadaha cudurka (Covid-19), in shaybaar laga qaado oo la hubsado haddii ay infeekshanka u xannuunsan yihiin. Haddii natiijada shaybaarka ilmaha ay noqoto waxkamajiraan, hab dhaqsi badan ayay dugsi-dhigashada u bilaabi karaan haddii caafimaadkooda guud u wanaagsan yahay.

Adigaaga qaba infekshin covid-19 oo la xaqiijiyay waa in aad guriga joogtaa ugu yaraan toddoba maalin, ka dib marka aad xanuunsatid, sidoo kale waa in aad feebaro la’aan noqotid laba maalin, aadna si cad u dareentid in aad fiicantihid. Calaamadaha sida af qallalka iyo urka- iyo dhedhenka oo kaa taga waa ay sii jiri karayaan ka dib marka aad gebi ahaanba ka reysatid infekshinka covid-19.

ID92

Haddii aad la kulantay qof la hubo in uu ku dhacay cudurka [Covid-19]

  • Haddii laf ahaantaada aad dareento calaamadaha cudurka, waa inaad is go´domisaa kaddib la xiriirta xarumaha daryeel-caafimaadeedka oo aad shaybaar iska qaada. Xilliga aad natiijada baaritaanka sugayso waa inaad gurigaaga iska joogta oona iska ilaalisa xiriir yeelashada.
  • Haddii aad wax calaamado dareemin, iyadoo sidaasi tahay waxaa haddana suuraggal ah in fayruuska lagu qaadsiiyay. Sidaas awgeed, waa inaad iska ilaalisa inaad waqtiyada hore aad xiriir la yeelato dad kale. Haddii ay suuraggal noqon karto hawlaha shaqada ku dhaqaaq adigoo gurigaaga ku sugan.

ID46

Haddii cid qoyska ka mid ah ay leedahay calaamad cudur ama covid-19 la xaqiijiyay

Marka uu qof cidda ka mid ahi qabyo cudur wata feebaro, qufac ama calaamadaha kale ee covid-19 waa in uu guriga isku takooraa. Haddii ay suurta gal tahay waa in qofku uu isku takooro qolkiisa.

Ciddi calaamad cudur leh waa in ay xitaa isku sameysaa baaritaanka PCR-ta si loo eego in ay wuxu yihiin covid-19.

Ha illoobin in:

  • Aad isku daydid in aad masaafo ugu yaraan gacan dhererkeed ah u jirsatid qofka buka.
  • Aad ugu yaraan 20 ilbiriqsi gacmaha ku dhaqdid saabuun iyo biyo intii ugu badan ee suurta gal ah.
  • Gacmaha dhaqo mar kasta cuntada ka hor, marka aad cunto farafareynsid iyo marka aad musqul ka soo baxdid.
  • Ku qufac, kuna hindhis laabatada xusulka ama istiraashada sanka oo warqad ah. Mar kasta istiraashada sanka ee warqadda ah ku tuur salladda qashin qubka, dabadeedna gacmaha dhaqo.

Haddii aad la deggantihid qof qaba covid-19 aad bey muhiim u sii tahay in aad u feejignaatid haddii aad calaamado cudur isku aragtid. Waxay taasi khuseysaa inta uu qofka soo ridanayo cudurku oo dhan (2-14 maalin, sida badanse 5 maalin). Haddii ay suuraggal tahay gurigaaga ka soo shaqey.

ID93

Carruurta sii yar-yar

Calaamadaha cudurka ee ugu badan marka uu canug ama dhallinyaro ku dhacyo covid-19 waa kordhaya qufac iyo/ama feebaro dheeri ah. Dhibaatooyinka kale ee ugu badan waa dhuun xanuun, dhibaato xagga neefsashada, xanuun murqaha oo dhan ah, sanka oo uu diif ka socda, curan iyo madax xanuun. Dhibaato xagga caloosha-mindhicirka ah, gaar ahaan shuban iyo mantag, ayaa ugu badan carruurta marka la barbar dhigo dadka waaweyn.

Haddii calaamadda cudurku ay khafiif tahay, canugguna uu sidiisa kale firfircoonyahay maaha in loo arko in uu qabyo covid-19. Haddii dhibaatadu ay u muuqato mid taagnaaneysa maalintaas oo dhan waxay taasi noqon kartaa infekshin cusub oo soo kordhay, canugguna waa in uu guriga aadyo ama guriga joogyo.

Carruurta ku jirta da’da fasalka dugsiga xannaannadu waa in ay guriga joogaan haddii ay xanuunsanyihiin. Laakin looma bahna in laga baaro covid-19.

ID94

Maxaa khuseeya dugsiga xannaanadda? 

Markii qof ilmo ah oo lagu xannaanadeeyo dugsiga xannaanadda ama xannaanadda-maalinlaha ah (dagbarnvårdare) u xannuunsado, waa in cunugga kaddib markii u xannuunka ka bogsado uu ugu yaraan 2 maalmood gurigiisa iska jooga. Waxaa mararka qaarkood dhacda in ilmaha da`dooda u dhaxayso 1-6 sano, in ay dareemaan calaamado fudud kuwaasoo durbadiiba ka bogsadaan oona aynan ahayn calaamadaha cudurka. Xaaladdaas cunugga uma baahna in uu gurigiisa iska joogo oona usan aadin dugsiga xannaanadda ama xannaanadda-maalinlaha ah (dagbarnvårdare). Calaamadaha waxay noqon karaan in uu mararka qaarkood qufaco ama uu calaamadaha hargabka muujiyo kaddib markii u dibadda ka soo laabtay. Waa dhibaatooyin fudud oo durbadiiba laga bogsado. Sidaas awgeed, waa in shaqaalaha ay qiimayntooda inyar hakiyaan oona hubsadaan in dhibaatada aynan ahayn mid joogto ah kahor inta cunugga aan laga codsan in uu gurigiisa ku laabto.

Ilmaha Infeekshan dartiisa aan dugsiga xannaanadda 7 maalmood tegin, oo kaddib ka bogsado oona firfircooni muujiyaa way tegi karaan dugsiga xannaanadda xitaa haddii weli ay muujinayaan calaamado fudfudud sida kuwa hargabka ama qufac. Haraaga calaamadaha hargabka iyo qufaca oo sabab ah hargabka waa caadi, waxaana dhacdo in ilmaha qaarkood ay calaamadahaas muujiyaan dhawr toddobaadyo. Waa calaamado aan ka xayiri karin in ay tagaan dugsiga xannaanadda. Dhammaan qodobadaan waxay hirgalayaan haddii ilmaha aan laga baarin cudurka (Covid-19). Ilmaha jira da´da dugsiga xannaanadda, 1-6 sano, uma baahna in shaybaarka cudurka (Covid-19) laga qaado markii ay xannuunsan yihiin, waa haddii qof dhakhtar ama kalkaalisada caafimaadka aynan arrintaas ku talinin.

ID47

Talo ku aaddan af-dhawraha

Sida ay qabto Hey’adda caafimaadka bulshadu xaaladaha caadiga ah ee bulshada dhexdeeda ah looma baahna af-dhawre, maadaama ay taas ka fiicantahay in masaafo loo jirsado dadka kale iyo in si fiican gacmaha loo dhaqihaayo.

Waxaa jirta khatar ah in adeegsashada af-dhawrku uu keenyo kalsooni bug ah oo keeneysa in uusan qofku raacin talooyinka kale sida in uu guriga joogyo marka uu leeyahay calaamado cudur iyo in uu masaafo dadka ku jirsado. Khatar kale waa in uu qofku taabanayo af-dhawrka, sidaasna uu cudurka gacmaha kula faafinayo, in ka badan haddii uusan haysan lahayn af-dhawre.

Af-dhawre waa in loo arkaa in uu dhameystir u yahay tallaabooyin kale oo udub dhexaad u ahay yareynta faafitaanka cudurka. In uu qofku guriga joogyo marka uu leeyahay calaamado cudur iyo in si fiican loo nadiifiyo gacmaha waa in mar walba lagu dhaqmaa, waana muhiim in meheradaha iyo dadku ay midba goonidiis u qaataan mas’uuliyadda masaafo isu jirsashada gudaha iyo dibadda dhismooyinka. Laakinse waxaa dabcan jiri kara xaalado ay adagtahay in laga fogaado ciriiriga iyo in leesu dhawaado waqti dheer. Halkaas oo uu af-dhawrku noqon karyo wax qiimo leh, sida ay qabto Hey’adda caafimaadka bulshadu.

Marka aad safreysid waxaa dhici karta in shardi laga dhigo af-dhawre, tusaale ahaan garoonka diyaaradaha iyo marka aad diyaarad saarantihid.

ID90

Infeekshan oo calaamadaha cudurka aan lahayn  

Infeekshanada waa lays qaadsiin karaa iyagoo calaamadaha cudurka leh ama aan lahayn. Iyadoo lagu salaynayo khibradaha imminka laga haysto cudurka loo yaqaanno [Covid-19], ayaa qiimaynta waxay tahay in heerka fayruus faafinta ee dadyowga aan lahayn calaamadaha cudurka uu ka hooseeyo kuwa dadyowga la dhiban calaamadaha cudurka.

Warbixin dheeraad oo arrintaas ku saabsan waxaad ka aqrisan kartaa barta internetka ee Hay`adda arrimaha caafimaadka dadwaynaha [Folkhälsomyndigheten] (warbixinta af-iswiidish ayay ku qoran tahay)

ID7

Haddii aad kari karto hawlaha shaqada ka qabo adigoo hoygaaga ku sugan

Kaddib markii aad la tashato shaqo-bixiyaha ku dhaqaaq in hawlaha shaqada aad qabato adigoo gurigaaga ku sugan. Waa tallaabo kaalin ka geysanayso hoos u dhigidda tirada xiriirka iyo heerka ciriiriga ee gaadiidka dadwaynaha. Ulajeeddada waxay tahay in hoos loo dhigo xawaaraha u fayruuska ku faafo.

Dad badan fursad uma haystaan in hawlaha shaqada ku dhaqaaqaan iyagoo guryahooda ku sugan, sida tusaale dadyowga ka hawlgala laamaha adeegyada ama laamaha daryeel-caafimaadeedka iyo xannaanada. Sidii ammaankooda u sugi lahaayeen markii goobta shaqada u socdaan ama ka soo labtaan awgeed, ayaa waxaa muhim ah in ay ku dadaalaan ka weecashada ciriiriga.

Uppdaterades