Warar la xiriira feyruska corona

Uppdaterades

2021-07-14 N162

Dhalinyarta ayaa bisha Ogostotallaalka covid-19 loo soo bandhigi karaa.

Waxay Hay'ada Caafimaadka Bulshadu ku wargalinaysaa in dhalinyarta dhalatay 2005 ama wixii ka horeeyey loo soo bandhigi karo inay iska tallaalaan covid-19 laga bilaabo todobaadka 32.

Waxa la qorsheynayaa in tallaalladu bilaabmaan laga bilaabo todobaadka labaad ee Ogosto. Waxay taasi sidoo kale khuseysaa carruurta da'da ilaa 12 jirku ugu hooseyso ee leh khatar gaar ah ee uu covid-19 ugu xumaanaayo.

Tallaalka la siin doono waa tallaalka Pfizer/Biontech ee mRNA da ku saleysan kaas carruurta ay da'da ugu hooseysa 12 jir tahay loo ansixiyey.

Waxay ujeeddada guudi tahay sidii dhalinyarta laftooda cudurka looga illaalin lahaa, iyo xitaa sidoo kale yareynta faafitaanka infegshanka ee bulshada dhexdeeda ka dhacaaya.

Wax dheeraad ah ka akhri bogga internetka ee Hay'ada Caafimaadka Bulshada. (Boggagu waxay ku qoran yihiin af Iswiidhish)

2021-07-12 N161

Talobixin cusub oo la soo jeedinaayo oo ku saabsan in tijaabo la iska qaado ka dib marka safar wadanka dibadiisa ah laga yimaado

Qofka u safray wadamada Waqooyiga Yurub ka baxsan ayaa loo soo jeedinayaa inuu tijaabo covid-19 ah iska qaado marka uu Iswiidhan yimaado, sida laga soo xigtey Hay'ada Caafimaadka Bulshada. Xitaa dadka muwaadiniinta dhalashada Iswiidhishka ah haysta ayaa ku jira talobixinta taas oo shaqeynaysa laga bilaabo taariikhda 12 Luulyo ilaa iyo 31 Ogosto.

Dadka hal doos lagu tallaalay ugu yaraan seddex todobaad ka hor intaanay Iswiidhan imaanin ama dadka covid-19 qaadey lixdii bilood ee la soo dhaafay ayaa ka reeban talobixinta.

- Waxay Hay'ada Caafimaadka Bulshadu heshay warbixinno ku saabsan dhowr kiis oo covid-19 ah halkaas oo ay dad infegshanka ka soo qaadeen wadanka dibadiisa nolosha banaanka ee kilaabada/goobaha cawyska, baararka iyo meelaha kale ee xiriirada cusub ka dhacaan.  Waxay taasina ka dib sii kordhinaysaa halista faafitaanka infegshanka iyo inuu Iswiidhan ka dillaaco, halkaas oo faafitaanka wadanka gudahisa ee covid-19 uu hadda marayo heer aad u hooseya, ayuu dhahayaa Anders Tegnell, oo ah khabiir cudurada aafada ee qaranka oo Hay'ada Caafimaadka Bulshada ka tirsan.

Waxa cusub waxa weeye in hadda talobixinta ay sidoo kale khuseyso safarada Midowga Yurub dhexdooda ah.

Warka oo dhan ka akhri bogga internedka ee Hay'ada Caafimaadka Bulshada  (Boggu waxa uu ku qor af Iswiidhish)

Ka akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan waxa shaqeynaaya safarada wadanka dibadiis ah (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-06-30 N160

Marka laga bilaabo kowda Luulyo ayay suurtogal tahay in la helo cadeynta tallaalka covid ah

Maalinta khamiista ee taariikhda 1 Luulyo ayay dhaqan galaysaa cadeynta tallaalka covid ku. Taasi waxay muujineysaa in covid-19 lagaa tallaalay waxaana looga baahan yahay safarada Yurub dhexdeed ah. Waxay mustaqbalka xitaa Cadeynta Tallaalka Covid ku jiri doonta macluumaad ku saabsan natiijada tijaabada iyo ka bogsashada covid-19.

Qofka is tallaalay ayaa laga bilaabo 1 Luulyo adeega www.covidbevis.se. kala soo degi kara Cadeynta Tallaalka Covid. Waxa cadeynta lala soo degi karaa toddoba maalmood tallaalka ka dib.

  • Ku soo gal aqoonsi dhijitaalka ah www.covidbevis.se (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)
  • Soo qaado, daabac ama keydso cadeyntaada tallaalka. Markaad soo qaadato cadeynta ayaa sidoo kale toos loogu dirayaa sanduuqaaga dhijitaalka ah, haddii aad mid leedahay.

Cadeynta tallaalku waxay ka kooban tahay lambar QR-ah oo uu  macluumaad daruuri ahi ku jiro. Kaas ayaa si dhakhso ah loogu akhriyi karaa loona xaqiijin karaa. Qofka musaafirka ah ayay masuuliyadi ka saaran tahay inuu hubiyo waxay yihiin sharciyada waddanka aad u safreyso ka shaqeynaaya.

Laga bilaabo bartamaha bisha Luulyo ayay suurtogal tahay in la helo caddeynta tijaabada muujineysa inaan lagaa helin. Ugu danbeyn 12 Ogosto ayaa sidoo kale la heli doontaa cadeyn muujineysa inaad ka bogsatey.

Wax dheeraad ah oo ku saabsan Cadeynta Tallaalka Covid ka akhriso Krisinformation.se ama bogga internetka ee eHälsomyndigheten. (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-06-29 N159

Dhowr xayiraadood ayaa 1 Luulyo la khafiifinayaa

Talodii aheyd in kaliya lala dhaqmo dad kooxo yaryar ah ayaa la bedelayaa. Waxa taasi bedelkeeda talodu noqonaysaa in laga bilaabo 1 Luulyo, loo wada dhaqmo hab aan infegshanka lagu kala qaadeynin, tusaale ahaan in banaanka lagu kulmo. Taas ayay Xukuumada iyo Folkhälsomyndigheten warsaxaafadeed la qabtay 28 Juunyo ku sheegeen.

In tirada dadka Iswiidhan la tallaalay ay sii kordheyso isla markaana uu faafitaanka infegshanku hoos u sii dhacaayo ayaa keeneysa in Folkhälsomyndigheten ay qiimeyso in waafajinta tallaabooyinka xakamaynta infegshanku ugu sii socon karto sidii loogu talogalay.

Laga bilaabo 1 Luulyo ayaa waxa dhacaaya isbeddelo kala duwan. Halkan waxa ku yaala dhowr tusaale:

  • Xadidaadii saarneyn baaxada dadka wada socda ee makhaayadaha banaanka ayaa meesha laga saarayaa.
  • Meelaha gudaha ayay dadka wada socdaa makhaayada ku wada fadhiisan karaan sideed qof.
  • Xadeynta saaran xilliyada furitaanka ee goobaha adeega/makhaayadaha ayaa meesha laga saarayaa.
  • Tirada ka qeybqaateyaasha ee kulamada gaarka ah ee lookaalada la kireysto ayaa kor loogu sii qaadayaa ilaa 50.
  • Meelaha gudaha ayaa ilaa 50 ka qeybqaate loo oggol yahay munaasibadaha kala duwan.
  • Haddii ka qeybqaateyaasha boos loo qoondeeyo ayaa saqafku noqon doonaa 300 qof.
  • Waxa meelaha gudaha loo ogol yahay 3000 oo ka qeybqaate oo fadhiya
  • Waxa banaanbaxyada dibada la isku ogol yahay 1800 ka qeybqaate.
  • Waxa orordka jimicsiga ah shaqeynaaya ugu badnaan 900 ka qeybqaate.

Ka akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan talooyinka iyo xayiraadaha shaqeynaaya cudurka aafada ah dartiis.

Ka akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan waxa shaqeynaaya laga bilaabo 1 Luulyo bogga internetka ee Folkhälsomyndigheten (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Ka akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan xayiraadaha wax la waafajiyey Bogga Xukuumada (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-06-24 N158

Waxay wasaarada arrimaha dibaddu sii dheereysay kala talinta safarada

Waxay Wasaarada Arimaha Dibadda (MFA) sii dheereysay inay dadka kala taliso safarada aan muhiimka aheyn ee lagu tagaayo wadamada aduunka ee ka baxsan EU, EEA, Schengen iyo Boqortooyada Ingiriiskabadankooda. Waxa ay kala talintu shaqeynaysaa ilaa iyo 1 sibtembar 2021. Wadama badan ayaa sidoo kale laga saaray kala talinta.

Laga bilaabo 24 ka Juunyo ayaanay Wasaarada Arrimaha Dibaddu dadka kala talinaynin safarada lagu tagaayo Albaniya, waqooyiga Macedoniya, Serbia, Mareykanka, Hong Kong, Macao iyo Taiwan.

Waxa muhiim ah in si wanaagsan safarka la iskugu diyaariyo, xitaa marka la tagaayo wadamada aanay Wasaarada Arimaha Dibadu dadka kala talineynin in loo safro. Waxay sidaas darteed Wasaarada Arrimaha Dibaddu dhamaan musaafiriinta ku boorineysaa inay wax sii akhristaan safarka ka hor, ay raacaan xeerarka deegaanka ka jira oo ay horey ugu sii qorsheeyaan safarkooda soo laabadka.

Waxay Wasaarada Arrimaha Dibadda dhamaan musaafiriinta ku boorineysaa inay sii wataan raacitaanka talooyinka guud ee Folkhälsomyndigheten xitaa markay wadanka dibadiisa joogaa. Masaafad u jirso, gacmaha dhaq oo iska illaali kulamada/munaasibadaha bulshada ee waaweyn.

 Boggagan soo socda ka akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan shuruudaha khuseeya soo gelitaanka Iswiidhan, waxyaabaha ka reeban mamnuucida soo gelitaanka iyo waxa ay tahay inaad ka fikirto ka hor iyo ka dib safarka wadanka dibadiisa. (Boggagu waxay ku qoran yihiin af Iswiidhish)

2021-06-22 N157

Waxa tallaalka covid-19 loo soo bandhigayaa dadka laga bilaabo 16 sanno jirka ah

Xitaa dhalinyarta 16 iyo 17 jirka ah ayaa Iswiidhan tallaalka loo soo bandhigayaa. Taasi ayay Folkhälsomyndigheten go'aansatay. Waxay ujeeddada guudi tahay sidii cudurka dhalinyarta looga illaalin lahaa, iyo sidoo kale yareynta faafitaanka infegshanka ee bulshada dhexdeeda ka dahcaaya.

Waxa tallaalka la bilaabi doonaa marka dadka 18 sanno jirka iyo wixii ka weyn tallaalka loo soo bandhigay sida qeybta ka ah wajiga 4. Waxa la filayaa inay taasi dhacdo mar uun bisha Ogosto gudaheeda.

– Waxay dooda ugu weyn ee in tallaalka la siiyo laga bilaabo da'da 16 jirka ay tahay, faa'iidada shakhsi ahaaneed. Dhallinyartu waxay leeyihiin khatar ka hooseysa ta dadka waaweyn oo ay si xun covid-19 ugu jiranayaan, laakiin khatari way jirtaa, inay si degdeg ah si xun ugu jiradaan iyo inay yeeshaan dhibaatooyin muddo dheer waara labadaba, ayuu dhahayaa Johan Carlson, Agaasimaha Guud ee Folkhälsomyndigheten.

Sababaha kale ee go'aan qaadashada Folkhälsomyndigheten keenay waa in tallaalku waliba hoos u sii dhimi doono halista faafitaanka infegshanka, ee ugu horeyn dhalinyarta, iyo laakiin sidoo kale kooxaha kale ee bulshada ka midka ah.

Waxay Folkhälsomyndigheten sida ugu dhakhsaha badan ee macquulka ah ay soo sheegi doontaa markay goboladu guud ahaan ay bilaabi karaan inay tallaallo u soo bandhigaan dadka dhashay laga bilaabo 2005. Helitaanka tallaalka ayaa saameynaaya wakhtiga la bilaabi doono.

Waxay Folkhälsomyndigheten sidoo kale soo jeedinaysaa in hadda laga bilaabo tallaalka lagu sii fidinaayo carruurta xaaladaha caafimaad qabta qaarkood, laga bilaabo da'da 12 jirka sida ku xusan liistada ay Urrurka Dhakhaatiirta Carruurta ee Iswiidhan (Svenska Barnläkarföreningen) soo saareen.

Warka oo dhan ka akhri bogga internedka ee Folkhälsomyndigheten.. (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-06-10 N156

Tirada kiisaska covid-ka nooca delta oo Iswiidhan sii kordhaysa

Waxay Folkhälsomyndigheten dib u eegis ku samaynaysaa talaabooyinka xakameynta infegshanka maadaama oo ay jiraan korodh ku yimid tirada kiisaska nooca delta ee fayruska covid-19 keena oo laga helay Iswiidhan.

Nooca delta ayaa markii ugu horeysay laga helay Hindiya iyadoo faafitaan baahsay ku yeelatay wadamada ay Boqortooyada Ingiriisku ka midka tahay. Guud ahaan wadamada Midowga Yurub ayaa noocan laga helay iyadoo todobaadkana kiisas sii kordhay laga helay Värmland iyo Blekinge. Waxay taasi keentay in gobollaasi adkeeyeen talaabooyinkooda xakameynta infegshanka ku wajahan. Waxay Folkhälsomyndigheten dib u eegis ku sameyneysaa waxa loo baahan yahay in heer qaran ahaan la sameeyo. Isla mar ahaantaana waxay hey'adu qaadatey go'aan khuseeya sii kordhinta kormeerida qaran ahaaneed ee nooca delta, iyadoo loo soo maraayo kala soocida noocyada ee PCR-ka.

Nooca fayruska ee delta ayaa la rumeysan yahay inuu kor u sii qaadey awoodiisa fiditaanka marka noocyada kale la barbar dhigo. Waxay falanqeynta hordhaca ahi muujineysaa in difaaca tallaalka ee ka dib marka hal daws la qaato uu waxoogaa nooca delta ka hooseeye, laakiin ay labada daws ee tallaalku difaac wanaagsan bixinayaan, ayey Folkhälsomyndigheten soo qoreysaa.

Marka la qaado talaabooyinka laga sii adkeeyey ee xakamaynta infegshanka ee gobolka iyo kor u qaadista dabagalka/la socodka ayay qiimeyntu tahay in ku soo laabashada ay bulshadu sidii caadiga aheyd ku soo laabaneyso ay ugu shaqey doonto sida ku xusan qorshaha muddada fog. Laakiin waxay Folkhälsomyndigheten xasuusinaysaa muhiimadda ay leedahay in la raaco talooyinka iyo talobixinta.

Wax dheeraad ah ka akhri bogga internetka ee Folkhälsomyndigheten (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

 2021-05-28 N155

Waxa tallaalka Covid-19 ee Comirnaty loo soo jeedinayaa  carruurta ay da'doodu tahay 12 illaa 15 jirka

Waxay Hey'ada dawooyinka Yurub (EMA) soo jeedinaysaa in tallaalka covid-19 ee Comirnaty ee ay shirkada Pfizer/Biontech soo saarto loo ansaxiyo  carruurta ay da'doodu tahay 12 illaa 15 jirka.

Waxa go'aanka gundhig u ah daraasad lagu sameysay 2,260 dhallinyaro oo da'doodu u dhexeyso 12 illaa 15 jir, ayay Läkemedelsverket soo qoreysaa.

Tallaabada xigta ayay Guddiga Yurub go'aanka rasmiga ah ee ansaxinta qaadan doontaa. Waxay Folkhälsomyndigheten mas'uul ka tahay talobixinta ku saabsan isticmaalka tallaalada covid-19 ee Iswiidhan.

Waxa Comirnaty (Pfizer / Biontech) ay guddiga yurub ansixiyay taariikhda 21 Diseembar 2020 iyadoo ah tallaal loo ansixiyay si looga hortago covid-19 uu keeno fayruska sars-cov-2. Waxa hadda Comirnaty loo ansixiyey in la siiyo dadka waaweyn iyo dhalinyarada laga bilaabo 16 jirka iyo wixii ka weyn. Waxa uu tallaalku ka caawiyaa habka difaaca jirka (difaaca uu jirku leeyahay) inuu bilaabo inuu sameysto unugyada difaaca jirka ee fayruska ka hortagaaya, kaas oo jirka ka taageeraaya inuu covid-19 iska difaaco.

Waxaad wax dheeraad ah oo ku saabsan daraasadda ka danbeysa ka akhrisan kartaa bogga internedka ee Läkemedelsverket adigoo linkiga hoos ku yaala soo maraaya.

Warka ka akhri bogga internedka ee Läkemedelsverkets (Boggu waxa uu ku qor af Iswiidhish)

2021-05-28 N154

Isbedelada soo gelitaanka Iswiidhan khuseeya

Waxay dawladu maanta soo bandhigtay dhowr isbedel oo soo galitaanada Iswiidhan khuseeya. Mamnuucida soo galitaanada ee wadamada ka baxsan Midowga Yurub ayaa la sii dheereynayaa. Shuruuda musaafiriinta ka yimid Norden ee aheyd in la haysto tijaabo muujineysa inaan la qabin covid ayaa meesha laga saarayaa.

Mamnuucida soo galitaanada Iswiidhan ee wadamada ka baxsan Midowga Yurub iyo EES ayaa la sii kordhinayaa ilaa iyo 31 Ogosto. Shuruuda saaran in la haysto tijaabo muujineysa inaan la qabin covid ee qofka Iswiidhan uga soo safraaya waddamada kale ee Midowga Yurub iyo EES dhexdooda ayaa illaa 30 Juun la sii dheereynayaa. Laakiin marka laga bilaabo taariikhda 31 Maayo ayaa meesha laga saarayaa shuurada saarneyd musaafiriinta ka imaanaaya Danmark, Finland, Norway iyo Island ee aheyd inay tijaabo muujineysa inaan covid la qabin tusaan. Waxaana sidoo kale khuseynin talobixinta ay soo jeedineyso Folkhälsomyndighetens ee ku saabsan is tijaabinta iyo is-karantiimeynta ee ay dadka aan calaamadaha laheyd sameynayaan safarka ka dib.

Talobixinta ku saabsan is tijaabinta iyo is-karantiimeynta

Marka laga bilaabo 1 Juun ayaa laga reebayaa dadka aan calaamadaha laheyn ee ka soo safraaya Midowga Yurub/EEA, aaga Schengen, Boqortooyada Ingiriiska iyo qaar ka mid ah wadama saddexaad ee kale inay is-tijaabinaay oo ay is-karantiimeeyaan markay Iswiidhan soo galaan.

Dadka musaafiriinta ah ee wadamada kale oo dhan ka yimaada waxa wali sii jira talobixinta aheyd inay is tijaabiyaan oo ay is karantiimeeyaan hal todobaad ka dib markay yimaadaan, xitaa haddii aanay calaamado lahayn.

Dadka tallaalada wada dhameystay ee aan calaamado laheyn ayaa talobixinta laga saarayaa iyadoon loo eegeynin meesha la soo joogay ka hor intaan Iswiidhan la imaanin.

Wax dheeraad ah oo khuseeya waxa khuseeya ka akhri hey'ada dawlada ee ay khuseyso. (Boggagu waxay ku qoran yihiin af Iswiidhish)

2021-05-27 N153

Qorshaha xukuumada ee baabi'inta/meesha ka saarida xayiraadaha

Maalintii Khamiista ee taariikhda 27 Maayo, ayay soo ban dhigtey xukuumadu qorshaheeda ku wajahan baabi'inta xayiraadaha loo soo rogay cudurka aafada ah ee Korona dartiis.

Qorshaha xukuumadu waxa weeye in la baabi'iyo/Meesha laga saaro xayiraadahii loo soo rogay si loogu dhimo faafitaanka infegshanka covid-19. Waxa uu qorshuhu ku salaysnaanayaa shan tallaabo. Waxa tallaabo kasta ka hor la sameyn doonaa qiimeyn lagu saleeyey faafitaanka infegshanka, culeyska saaran daryeelka caafimaadka iyo heerka tallaalka ee bulshada.

  1. Waxay tallaabada ugu horreysaa bilaabmeysaa 1 Juun 2021 taas oo ay micnaheedu tahay in dhowr wax la fududeyn doono, tusaale ahaan tirada  ugu badan ee cusub ee ka qeybqaatayaasha kulamada bulshada iyo xafladaha dadweynaha. Waxa intaas dheer inaanay Folkhälsomyndigheten kala sii talin doonin koobabka iyo xeryaha/kaamamka loogu talogalay carruurta saaran.

  2. Waxa tallaabada xigta la qorsheynayaa ilaa 1 Luulyo 2021, halkaas oo tusaale ahaan saacadaha furitaanka ee goobaha adeega/maqaayadaha mar kale la sii dheereyn doono, talobixinta aheyd in kaliya lala kulmo dadka kugu dhow dhow ayaa meesha laga saari doonaa.

  3. Tallaabada sadexaad waxa si ku meel gaar ah loogu dejiyey taariikhda 15 luulyo 2021. Xayiraadaha saarnaa gaadiidka dadweynaha ee meelaha fogfog aada iyo kala nidaaminta sida xadidaada in hal mitir oo laba jibaaran qofkiiba loo qoondeeyey bay'adaha gudaha iyo dibedda ayaa la qorsheeyay in meesha laga saaro. 

  4. Waxa tallaabada afaraad inay dhacdo lagu tirinayaa ilaa Sibtembar 2021.  Waxa ka mid ah waxa uu qorshuhu yahay in meesha laga saaro xayiraadaha ka qeybqaadashada kulamada bulshada iyo xafladaha dadweynaha iyo kulamada gaarka loo leeyahay. Xitaa xayiraadahii saarnaa waaxda makhaayadaha ayaa sidoo kale la fududeyn doonaa.

  5. Tallaabada shanaad ayaan laheyn taariikh xadidan. Waxay tallaabadaasi tahay in xayiraadaha jira meesha laga saaro. Waxay taasi khuseyso waxa ka mid ah xeerarka saxmada ee goobaha dukaamaysiga iyo waxqabadyada dhaqanka iyo wakhtiyada firaaqada. Talooyinka guud ee Folkhälsomyndigheten ka socda ee khuseysa in saxmada la iska ilaaliyo, guriga lagu shaqeeyo oo nadaafadda gacmaha la wanaajiso, ayaa laga qaadi doonaa.

Haddii ay xaaladu is bedesho ama ay ka sii darto ayaa loo baahan karaa in qorshaha la beddelo.

Boggagan soo socdaa waxay ku qoran yihiin af Iswiidhish

Wax dheeraad ah ka akhri regeringen.se

Qorshaha xukuumada ee baabi'inta xayiraadaha

Folkhälsomyndigheten: Tirada ka qeybqaateyaasha ee ugu badan

Folkhälsomyndigheten: Wax waafajinta tallaabooyinka xakamaynta infegshanka

 

 2021-05-25 N152

Haweenka uurka leh ayaa tallaalka covid-19 loo soo bandhigi karaa

Ka dib markii dib u eegis lagu sameeyay xaalada aqoonta hadda jirta, ayay Folkhälsomyndigheten qiyaaseysaa in haweenka uurka leh tallaalka covid-19 la siin karro markay ay wajiga/qeybta afaraad ee uurka ku jiraan, taas oo ah da' la mid ah ta shakhsiyaadka kale.

May soo bixin wax khatar sii korodhay oo saameyn xun u keeneysa dumarka uurka leh markay tallaalka qaataan haddii la garab dhigo shakhsiyaadka kale ee daraasada ka tirsad ee gundhiga u ahaa oggolaanshaha tallaallada.

Tallaalada mRNA ah ee maanta loo isticmaalo dadka da'doodu ka yar tahay 65 jirka ayaa loo ansaxiyey in la siiyo dumarka uurka leh dhamaan intay uurka leeyihiin. Dumarka uurka leh ee aan lahayn cudur kale oo u hooseeya ayaa tallaalka loo soo jeedinayaa todobaadka 12 aad ee uurka.

Waxay Folkhälsomyndigheten xasuusineysaa in dumarka uurka leh ee aan la tallaalini ay aad uga taxadiraan siddi ay infegshanka iskaga ilaalinaayeen.

2021-05-24 N151

Kala talinta safarka ayaa illaa 1 Luulyo la sii kordhinayaa

Waxay Wasaarada Arrimaha Dibadu (Utrikesdepartementet) ay go'aansatay inay sii kordhiso kala talinta wixii safarada aan muhiimka aheyn ilaa 1 Luulyo. Kala talinta safarku waxay wali khuseysaa wadamada aduunka badankooda.

Waxa kala talinta safarka loo sii kordhinayaa maadaama oo ay xaaladda infegshanka ee meelo badan adduunka ahi tahay mid aan la hubin. Waxay kala talintu khuseysaa safarada aan muhiimka aheyn ee wadamada aduunka intooda badan ee ka baxsan EU/EEA/Schengen iyo Boqortooyada Ingiriiska ilaa iyo 1 Luulyo.

Waxa isla markaasna kala talinta laga saarayaa dhowr wadan marka laga bilaabo 1 Juun. Sida Wasaarada Arrimaha Dibad laga soo xigtay ayaa xaaladaha in si amaan ah loogu safro ay wadamadaasi sareysaa. Laga bilaabo 1 Juun, waxa kala talinta laga qaadayaa:

  • Australien
  • Israel
  • Nya Zeeland
  • Rwanda
  • Singapore
  • Sydkorea
  • Thailand

Waxa dadka doorta inay safraan lagula talinayaa inay safarka si taxaddir leh ugu qorsheeyaan oo ay la soo degaan barnaamijka UD Resklar. 

Wax dheeraad ah oo ku saabsan kala talinta ka akhri bogga dowladda  (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-05-20 N150

Dad ka tiro yar ayaa laga tallaalay dadka wadanka dibadiisa ku dhashay

Dadka la tallaalay ee 65 sano jirka iyo wixii ka weyn ah ee ku dhashay wadamada kale ee aan Iswiidhan aheyn ayaa wali ka yar marka la garab dhigo kuwa Iswiidhan ku dhashay. Taas mid la mid ah ayaa ka jirta xitaa da'aha 60 ilaa 64 jirka ah.

Waxay Folkhälsomyndigheten soo saareysaa tirokoob dib loo cusbooneysiiyey ee tirada laga talaalay Covid-19 iyadoo wadanka lagu dhashay lagu saleynaayo. Waxa uu tallaalku hoos u dhigayaa faafitaanka infegshanka iyo halista jirada lagu qaadaayo, iyadoo ayna muhiim tahay in dhammaan dadweynaha la gaarsiiyo heerka aad ugu sareeya ee ugu siman ee ugu suurtogalsan.

In tallaalka lagu kafeeyo guud ahaan dadka da'doodu tahay 65 jir iyo wixii ka weyn ayaa dhamaan kooxaha oo dhan sii kordhay, laakiin waxa wali ka hooseeyaa dadka wadanka dibadiisa ku dhashay marka loo eego kuwa Iswiidhan ku dhashay. Taas qaab la mid ah ayaa sidoo kale lagu arkaa kooxaha ka da'da yar, 60 ilaa 64 jirka.

Daraasado badan ayaa muujiyey inay caadi ahaan ka khatar badan tahay in si xun loogu jirado oo loogu dhinto covid-19 marka laga soo jeedo kooxaha dhaqaale ahaan nugul. Halkaas oo dadka wadanka dibadiisa ku dhashay ay ugu badan yihiin marka loo eego dadka Iswiidhan ku dhashay.

Wax dheeraad ah oo is tallaalida ku saabsan ka akhri bogga internetka ee Folkhälsomyndigheten.

Vaccinationstäckning i undergrupper (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Warka oo dhan ka akhri bogga internedka ee Folkhälsomyndigheten.
Fortsatt färre vaccinerade bland utrikesfödda (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-05-12 N149

Xaddidaadaha wax la waafajiyey ayaa 1 Juun la soo rogi doonaa

Faafitaanka infegshanka ayaa Iswiidhan wali heer sare sii maraaya. Taariikhda marka wax waafajinta xayiraadaha iyo mamnuucidu ay dhaqan geli karto ayaa ilaa 1 Juun dib loogu dhigayaa.

Waxa laga bilaabo 1-da Juun, la soo jeedinayaa inuu dhaqan waxyaalahan soo socdaa shaqeeyaan:

  • Xadidaado cusub oo khuseeya isku imaadyada/kulamada dadweynaha iyo munaasibadaha ayaa bilaabmeysa inay shaqeeyaan. Dhacdooyinka guri dhexdiisa/gudaha ee leh meelo fadhiga loo qoondeeyay ayaa saqafka/xadka ugu sareeya kor loogu qaadayaa ilaa 50 ka qeybqaate. Dhacdooyinka guri dhexdiisa/gudaha ee aan lahayn meelo fadhiga loo qoondeeyay, ayay xadidaadu sii tahay siddeed ka qeybqaate. 
  • Dhacdooyinka bannaanka ee leh meelo fadhiga loo qoondeeyay ayaa tirada kor loogu qaadayaa 500 ka qeybqaate. Dhacdooyinka bannaanka ee aan lahayn meelo fadhiga loo qoondeeyay, ayaa saqafka kor loogu qaadayaa ilaa 100 qof.
  • Sharciyo gaar ah oo loogu talogalay isboortiga iyo dhacdooyinka tartamada bannaanka, tusaale ahaan tartamada orodka jimicsiga, ayaa la soo rogayaa taas oo micnaheedu yahay in tirada ka qeybqaatayaasha kor loogu qaadaayo ilaa 150 ka qeybqaate.
  • Waxay Folkhälsomyndigheten yeelan doontaa fursada ay go'aan kaga gaareyso saqafka/xadka ugu sareeya ka qeybqaateyaasha ee gobol ahaan.
  • Suuqyada iyo jardiinooyinka ciyaaraha/madadaalada ayaa la furi karaa, laakiin waxay sii saarnaan doonta shuruuda tallaabooyinka xakamaynta cudurka.
  • Waxqabadyada kaamamka ee loogu talogalay carruurta iyo da'yarta ayaa loo ogolaanayaa heer/tiro aan badneyn.

Waxay isla markaas Folkhälsomyndigheten soo jeedinaysaa xiliyo furitaanka makhaayadaha:

  • Waxay makhaayadaha loo soo jeedinayaa inay furnaadaan illaa 22.30. Bixinta khamriga ayaa la oglaan doonaa ilaa 22:00.

Waxay Folkhälsomyndigheten warbixin xukuumada ugu soo qoreysaa in la qiyaasaayo in bulshadu xaalad caadi ah Sibtembar 2021 dhexdeeda dib ugu laabato. Waxaase loo baahan yahay in dadaalka loogu jiro tallaalku uu ugu sii socdo sidii loogu talogalay oo dhamaan dadka oo dhami ay sii wataan inay raacaan xeerarka iyo talooyinka jira. Wax waafajinta tallaabooyinka xakamaynta infegshanka ayaa la soo jeediyay inay si tartiib tartiib ah ugu dhacdo iyadoo taasi xaalada ku xiran ayna bilaabmi doonto 1 Juun waxayna u dhici doontaa iyadoo ku saleysan heer saddex tallaabo u qeybsan.

Warka ka akhriso Folkhälsomyndigheten (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Wax dheeraad ah oo xadidaadaha iyo xeerarka shaqeynaaya hadda (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

 2021-04-28 N148

Carruurta iyo dhalinyarta ayaa tartamo banaanka ku ciyaari kara

Hadda ayaa ciyaaro dhif ah iyo tartamada isboortiga ee banaanku ay u suurtogali doonaan carruurta iyo dhalinyarta dhalatay 2002 ama wixii ka danbeeyey. Taasi ayay Folkhälsomyndigheten go'aansatay.

Kooxaha ka shaqeeya isboortiga kooxaha ayay u suurtogali doontaa inay qabanqaabiyaan hal ciyaara ama tartan maalin dhacaaya kooxdiiba iyo todobaadkiiba ee isboortiyada kooxaha oo banaanka loogu qabto carruurta iyo dhalatay dhalatay 2002 ama  wixii ka danbeeyey.

Ciyaaraha qofku kalidii sameeyo ayaa waxa shaqeynaaya in carruurta iyo dhalinyaradu ay tartami karaan ama ka qeybqaadan karaan hal ciyaar oo banaanka ka dhaceysa ugu badnaan hal mar todobaadkii. Kulamada iyo tartamada waa in lagu qabtaa deegaanka dhexdiisa, ama la xadidaa safrida.

Waxyaalaha isbedelada cusub ee lagu sameeyey talobixinta guud waxay shaqeynayaan laga bilaabo taariikha 28 Abriil 2021. Waxay Folkhälsomyndigheten isbedelka u sameynaysaa maadama oo ay u aragto inay muhiim tahay in carruurta iyo dhallinyartu ay helaan fursado wanaagsan oo ay isboorti ku sameynayaa xitaa marka uu cudurku aafada ahi jiro.

Wax dheeraad ah ka akhri bogga internetka ee Folkhälsomyndigheten.  (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

 2021-04-27 N147

Haweenka uurka leh ee ka tirsan kooxaha khatarta ugu jira ayaa la tallaali karaa

Waxay Folkhälsomyndigheten ku talobixinaysaa inaan wakhtigan xaadirka ah dhamaan dumarka uurka leh covid-19 laga tallaalin, laakiin kuwa leh khatarta ay cudurka aad ugu jiranayaan ayaa la tallaali karaa, ayay dawladu soo sheegeysaa.

Haweenka uurka leh ee kooxaha khatarta ku jira ka mid ah ayaa covid-19 lagaga tallaali karaa tallaalka mRNA inta lagu jiro wajiga 3. Taasi waxay khuseysaa markay haweeneydu leedahay xaaladaha soo socda mid ka mid ah ama cuduro laga yaabo inay ku keenaan khatar sii kordheysa oo covid-19 aad loogu jiranaayo:

  • Cudurada wadnaha iyo xididada dhiiga ee jiitama, oo ay ku jiraan istarooga (dhiiga maskaxda ku furma) iyo dhiig karku.
  • Cudurada sanbabada ee jiitama sida cudurka KOL ee sanbabada iyo hawomareenada saameeya iyo sidoo kale xiiqda xun ee aan xasilooneyn.
  • Xaaladaha kale ee keeni kara shaqada sanbabada oo hoos u dhacda ama awooda qufac oo hoos u dhacda iyo xab ku fadhiisinta.
  • Cudurada beerka ee jiitama- ama kalyaha oo fadhiista.
  • Sonkorowga nooca 1 & nooca 2
  • Xaalad saameeya hab dhiska difaaca jirka ku keenta oo ay jirro ama daaweyni keento.
  • Ka weyn 35 jir
  • BMI-gu ka sareeyo 30

Gobolkaaga kala xiriir wixii macluumaad ah ee ku saabsan tallaalada laga helaayo meelaha adiga kugu dhowdhow.

2021-04-23 N146

Waxa weli la sii hakinayaa tallaalka Janssen

Waxay Folkhälsomyndigheten go'aansatey inay sugto isticmaalka tallaalka uu Janssen soo saaro ee dhamaan kooxaha da' kasta ah. Tallaalka looma soo jeedinaayo dadka 65 jir ka yar iyadoo kuwa 65 ka weyna ay markaas heli doonaan tallaalada kale ka hor inta aan Janssens la keenin.

Waxay Folkhälsomyndigheten go'aansatey in tallaalka Janssen ee covid-19 kaliya loo isticmaalo dadka 65 jir ka weyn.  Sababtuna waxa weeye iyadoo ay suurtogal tahay inuu xiriir la leeyahay keenitaanka xinjirowga dhiigga oo ay la socdaan unugyada xinjirowga dhiiga sameeya oo heerkoodu hoos u dhacsan yahay, taas oo lagu sifeeyay inay tahay wax aad u dhif ah laakiin saameyn xun oo khatar ah. Saameyntan noocan ah ayaa badanaa lagu soo sheegay dadka da'doodu yar tahay, iyadoo ay isla markaasna dadka waayeelka ahi leeyihiin khatar aad ugu sii kordhaysa oo ay covid-19 ugu dhimanayaan ama ay si xun ugu jiranayaan.
Maadaama oonu qadar aad u badan oo tallaalka Janssen Iswiidhan soo gaari doonin illaa bisha Maayo markaas oo dadka 65 jir ka weyn ay badankoodu heleen tallaalkii labaad ayay Folkhälsomyndigheten hadda soo jeedinaysaa in isticmaalka tallaalka Janssen ee dhammaan kooxaha da kasta ah la joojiyo.
– Waxaanu u aragnaa inay ka fiican tahay in la soo jeediyo tallaalada ay daryeelka caafimaadka hadda isticmaalkooda la qabsadeen. Dadka da'doodu 65 jir ka weyn tahay ayaa wali awoodi doona inay saddexda nooc ee tallaalada kale helaan, ayuu dhahay Anders Tegnell, oo ah khabiir cudurada aafada ee qaraka.

Warka ka akhri bogga internedka ee Folkhälsomyndigheten (Boggu waxa uu ku qor af Iswiidhish)

 2021-04-22 N145

Xayiraadaha oo la sii kordhinaayo kaas oo ay sabab u tahay faafitaanka fayruska oo aad u sareysa

Waxay xukuumada iyo Folkhälsomyndigheten xayiraadaha dalka sii kordhinayaan illaa iyo 17 Maayo. Waxa taasi u sabab ah faafitaanka covid-19 oo weli sii sareeyaa iyo xaalada daryeelka caafimaadna oo aad u cakiran.

Waxa hadda jira bukaanno badan oo covid-19 qaba oo cisbitaalada la dhigay kuwaas oo ka badan tiro ahaan marka loo eego xilligii deyrta iyadoo ay tiraduna sii kordheyso. Culayska saaran qeybta la dhigo dadka ay xaaladoodu aadka u khatarta tahay ayaa aad u badan iyadoo ay tirada dhimashada ee todobaadkiina aanay waxba iska sii dhimeynin. Waxa uu Länsstyrelserna marar ka sii badan ku soo waramayaa inaanay dadweynuhu talooyinka raaceynin. Sidaa darteed ayaa hadda xayiraadaha loo sii dheereynayaa illaa 17 Maayo, markaas oo laga sii fududeyn karo haddii faafitaanka infegshanka uu yaraado oo cadaadiska saaran daryeelka caafimaadku uu hoos uga soo dhaco.

Sida go’aan ay xukuumadu hore ugu gaartey ku xusan ayay kamuunada wadanku mamnuuci karaan inay dadku ku sugnaadaan/joogaan goobaha ay khatarta saxmada badani ka jirto. Qofka jebiya mamnuucid joogitaanka ee noocaas ah ayaa lagu xukumi karaa ganaax. Fasaxyada soo socda ee sida Valborg, ayay tusaale ahaan Uppsala iyo Lund mamnuucis noocaas ah soo rogeen. 

Waxay Folkhälsomyndigheten ay xitaa sidoo kale sii kordhinaysaa  xeerarka qaar dhici lahaa 3 Maayo, tusaale ahaan in goobaha adeega sameeya ee maqaayadaha ay illaa 20.30 uun furnaan karaan iyo inay ugu badnaan hal qof dadka wada socdaa ahaadaan goobaha maqaayadaha ee ku yaala suuqyada iyo dukaamada waaweyn dhexdooda. 

Macluumaad dheeraad ah waxa laga akhrisan karaa Bogga internetka ee Regeringen iyo Folkhälsomyndigheten. (Boggagu waxay ku qoran yihiin af Iswiidhish)

2021-04-20 N144

Waxa uu tallaalka Astra Zeneca wali sii lahaan doonaa xadka da'da oo 65 sanno jir ah

Talobixinta aheyd in dadka da'doodu ka yar tahay 65 sanno jir aan lagu tallaalin, tallaalka Astra Zeneca ee Vaxzevria ayaa wali sii jirta, ayay Folkhälsomyndigheten ku soo wargalinaysaa.

Xogta la isticmaalay waxay ka timid Hey'ada Daawooyinka Yurub ee EMA waxaana sidoo kale wada tashi lala sameeyey Läkemedelsverket. Qiimeynta ay EMA sameynayso waxa weeye in faa'iidada tallaalku ay ka culus tahay khatarta, halkaas oo uu tallaalku dhimi karo jiro xun iyo dhimasho. Waxa jirta saameyn dhif ah oo laakiin xun oo ay Vaxzevria leeyahay halkaas oo Folkhälsomyndigheten ay sameynayso qiimeynta ah in tallaalka aan guud ahaanba loo soo jeedin karin dadka da'doodu ka yar tahay 65 sano jir. Talobixintu waxay sii shaqeyn doontaa ilaa ogeysiis danbe.

Wax ka yar 180,000 qof oo da'doodu ka yar tahay 65 ayaa lagu tallaalay hal daws oo Vaxzevria ah, badankooduna waa shaqaalaha daryeelka bukaanka iyo caafimaadka. Talobixina loo soo jeedinaayo kooxdaas waxa weeye inay daws labaad oo tallaalka mRNA-da ah qaataan 12-15 toddobaad ka dib Vaxzevria. Taas ka dib ayaa loo baahnayn wax qadar kale oo ku kordhin dheeraada ah oo tallaalka mRNA ah.

Wax dheeraad ah ka akhri bogga internetka ee Folkhälsomyndigheten (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-04-16 N143

Tabobixinada cusub ee tallaalka

Waxa dadka la tallaalay saddex todobaad ka dib markay dawska koowaad qaataan ay la kulmi karaan dadka ka tirsan dhowr qoys oo kala duwan. Waxa sidoo kale la sameyn karaa in dukaanka laga soo adeegto. Dadka la tallaalay ee ku jira daryeelka waayeelka ayaa hoyga ka bixi kara si ay ehelkooda ugu soo booqdaan. Taas ayay Folkhälsomyndigheten ku soo qortey talobixinteedii la cusbooneysiiyey ee tallaalka.

Qofka lagu tallaalay dawskii koowaad ayaa saddex toddobaad ka dib la kulmi kara dadka ka tirsan dhowr qoys oo kala duwan. Dadka la tallaalay waxay leeyihiin difaac wanaagsan oo ka ilaalinaaya inay jiro xun yeeshaan/aad ugu xanuunsadaan waxayna ka soo adeegan karaan dukaanka, laakiin waa inaanay dadka kale saxmad/ciriiri badan u keenin. Waxa sidoo kale suurtogal ah in carruurtaada iyo carruurta ayeeyda/awoowga loo yahay lala qaato wakhti iyadoo aan masaafad la isku jirsaneynin, haddii aan wax calaamad ah la laheyn, sida ay sheegtay Folkhälsomyndigheten. (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Dadka la tallaalay ee ku jira daryeelka waayeelka ayaa hoyga ka bixi kara oo ehelkooda soo booqan kara. Waxa weli muhiim ah in laga fikiro sidii loo ilaalin lahaa dadka ka tirsan kooxaha la wada dhaqmo ee ka midka ah kooxda khatarta ugu jira iyadoo la raacaayo talooyinka ku saabsan sida naftaada iyo ta dadka kaleba loo ilaalinaayo. 

Maadaama oo faafitaanka infegshanka ee bulshada dhexdeedu uu weli aad u badan yahay, oo ay wakhti qaadan doonto ilaa inta tiro badan oo dadweynaha ah la tallaalaayo, waa in la qabsiga tallaalku ugu dhacaa si tartiib tartiib ah. Talooyinka aasaasiga ee ah in guriga la joogo haddii la jiran yahay, gacmaha la dhaqo, masaafad la isku jirsado oo la is tijaabiyo haddii calaamado la leeyahay ayaa wali dhamaan dadweynaha sii khuseysa.

Wax dheeraad ah ka sii akhriso Folkhälsomyndigheten  (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-03-31 N142

Wasaaradda Arrimaha Dibadda (UD) waxa ay dadka kala talinaysaa wixii safarada aan muhiimka aheyn ee dhamaan waddamada ka baxsan Midowga Yurub (EU/EEA)/aaga Schengen iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda (UD) waxa ay sii kordhisay kala talinta dadka lagala talinaayay wixii safarada aan muhiimka aheyn ee dhamaan waddamada ka baxsan Midowga Yurub (EU/EEA)/aaga Schengen iyo Boqortooyada Ingiriiska. Waxay kala talinta safarku shaqeynaysaa ilaa 31 Maayo 2021.

Waxa kala talinta safarka loo sii dheereynayaa sababta ku lugta leh faafitaanka fayruska Korona iyadoo shaqeynaysa ilaa iyo 31 Maayo 2021. Waxa safarka aan muhiimka aheyn loola jeedaa safarada booqashooyinka iyo dalxiiska ah.

Waxay sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda (UD) go'aansatey in laga bilaabo 31 Maarso meesha laga saaro talobixinta qaarka aheyd ee khuseeyay safarka Norway iyo Boqortooyada Ingiriiska. Taasi waxa u sabab ah waa iyadoo aaney hadda halkaasi waxba meelaha kale ee inagu dhow dhow uga sii ammaan darneyn. 

War saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-03-31 N141

Waxay Folkhälsomyndigheten soo jeedinaysaa in  talaabooyinka saxmad/ciriiri looga hor tagaayo la sii dheereeyo

Waxay Folkhälsomyndigheten qiyaaseysaa in loo baahan yahay in talaabooyinka looga hor tagaayo saxmad/ciriiri ee dukaamada iyo goobaha adeega sameeya/makhaayadaha ka dhasha loo baahan yahay in la sii kordhiyo illaa iyo 3 Maayo. Maadaama oo faafitaanka infegshinku uu gobolada badankooda sii kordhaayo.

Taariikhda 6 Maarso ayay inay shaqeeyaan bilaabmeen dhowr xayiraadood oo ganacsiga saarnaa si loogu yareeyo saxmadda iyo khatarta faafitaanka. Waxay talaabooyinku dhacayaan taariikhda 11 Abriil. 

Hadda ayay Folkhälsomyndigheten soo jeedinaysa in talaabooyinka la dheereeyo oo ay bilaabmaan inay shaqeeyaan 12 Abriil ilaa 3 Maayo. 

Sida soo jeedinta ku xusan waa in tirada ugu badan ee shanta boqol oo qof ee iskugeynta badka waxqabadka ee guud ay sii shaqeyn doonto. Dukaammada, suuqyada waaweyn iyo xarumaha ganacsiga waa inay sidoo kale qaadaan talaabooyin ay soo dadka booqdayaasha ahi kali kali ugu imaanayaan. Carruurta iyo dadka taageero u baahan ayaanay aheyn inay kaligood dukaameystaan. 

Goobaha makhaayadaha ee qeybta ka ah xarumaha ganacsiga, waa inaanay qof wax ka badani dadka ugu wada socon. Waxay taasi micnaheedu yahay in kali ahaan wax loo cuno. Taasi waxaanay dabcan khuseynin carruurta ama dadka taageero u baahan. 

Goobaha adeega waa inay cuntada iyo cabitaanada miiska la iskugu geynaayo xiraan inta u dhaxaysa saacada 20.30 iyo 05.00. Waxa sideeda kale suurtogal ah in loo sii furnaado in meesha cuntada laga qaato. 

Wax dheeraad ah ka sii akhriso Folkhälsomyndigheten  (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-03-30 N140

Kiisaska covid-19 ee dadka iyagoo la talaalay qaadeen oo aad u yar

Waxa ay talaallada covid-19 bixinayaan difaac wanaagsan oo infegshanka kaa ilaalinaaya, ayay sheegeysaa Folkhälsomyndigheten. Boqollaalka kun ee la tallaalay ayaa ku dhawaad 200 laga helay covid-19 ka dib markii ay dawskii labaad qaateen.

- Ma jiro talaal bixiya difaac 100% ah, iyadoo dadka infegshanada qaadey iyagoo la talaalay laga helo dhamaan nooc kasta oo talaal ah. Marka talaalka covid-19 laga eego ayay baaritaanadii ugu horeeyey muujiyeen in tirada dadka infegshanada qaadey Iswiidhan iyagoo talaalka la siiyey ay heerka meeshii laga filaayay joogto, ayuu dhahayaa Anders Tegnell, khabiirka cudurada faa'fa ee qaranku.  

Lama kala oga tirada inta qof ee dadka laga helay ka mid ah kuwaas oo calaamado lahaa ama daryeel caafimaad u baahdey. Xogta la soo ururiyay ayaanay ku caddayn sababta dadkaas tijaabada looga qaaday. Waxa laga yaabaa inay taas loo sameeyey sabab calaamadaha darteed ah ama markii lagu jiray raadgurka infegshanka.

Maadaama oo aanay wali kala caddeyn illaa heerka dadka la tallaalay ay fayruska faafin karaan, ayay muhiim tahay in qof kastaa, xitaa dadka la talaalay ay sii wataan inay xeerarka iyo talobixinta raacaan si loogu yareeyo faafitaanka covid-19.  

Warka ka akhriso Folkhälsomyndigheten (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-03-29 N139

Dabaaldegyada guga - Filimo ay ku jiraan dhowr hoggaamiyeyaal ka kala socda ururada diimaha ah.

Waxa MSB iyo Folkhälsomyndigheten iyagoo wada shaqeyn la leh SST (Hey'adda Taageerta Ururada diimaha) ay wadajir dhowr hoggaamiyeyaal oo ka socda ururada diimaha ee kala dudwan ugu duubeen laba filim.

Hadda ayaa la soo saaray filimadii kuwaas oo ku saabsan talobixinta Folkhälsomyndigheten ee ku wajahan påsken iyo ciidaha diiniga ah ee kale ee xilliga guga dhaca. Taasi waxay gaar ahaan muhiim u tahay maadaama oo ay ciidahaasi yihiin munaasibado caadi ahaan dad badan isku keena. Waxa filimaantaas laga helayaa Boggaga internedka ee SST.

Waxay iskugeyn ahaan, iyadoo uu filimka talaalka ka hadlayaa ku jiro yihiin 36 filim waxayna wakiiladu ku hadlaan luqadaha soo socda: Mandarin, Fiidnaamiis, Taylaandiis, Carabi, Daari, Isbaanish, Ingiriisi, Iswiidhish, Suuri iyo Xabashi.

2021-03-25 N138

Dadka 65 jirka aha ama ka weyn ayaa qaadan kara talaalka Astra Zeneca

Waxay Folkhälsomyndigheten soo jeedinaysaa in talaalka Astra Zenecas ee covid-19 mar labaad isticmaalkiisa la bilaabo si dadka 65 jirka ama ka weyn looga ilaaliyo. Faa’iidada talaalka ayaa ka weyn khatartiisa, sida laga soo xigtey Hey'ada dawooyinka Yurub (europeiska läkemedelsmyndigheten ama EMA).

Waxaan meesha laga saari karin in xaaladaha saameynta xun ay qaarkood xiriir la leeyihiin talaalka. Kuwaas ayuunbaa ilaa hadda dadka da'doodu yar tahay laga soo sheegay.
Isticmaalka talaalka Astra Zeneca ee dadka da'doodu ka yar tahay 65 jirka ayaa la sii hakinayaa ilaa muddo.

Waxa marka isla dawska koowaad ee  Astra Zeneca la qaato ka dibba la yeeshaa difaac wanaagsan oo xanuun xun kaa ilaalinaaya. Qofka kaas qaatey ayaa illaa iyo saddex bilood suggi kara inuu dawska labaad qaato.

Waxay Folkhälsomyndigheten la soconaysaa xaaladda aqoonta ee talaalka ku saabsan iyadoona beddeli karta talooyinkooda.

Waxaad linkiyada hoos ku yaala ka heli doontaa macluumaad guud iyo macluumaad talaalka Astra Zeneca, kaas oo ka socda hey'ada talaalka ka masuulka ah ka socda.

Wararka laga helaayo Folkhälsomyndigheten  (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Läkemedelsverket macluumaadka ku saabsan talaalka Astra Zenecas (Sidan är på svenska)

Folkhälsomyndigheten iyo jawaabaha su'aalaha badanaa la  (Sidan är på svenska)

Folkhälsomyndigheten iyo macluumaadka ku saabsan talaalka Astra Zenecas (Sidan är på svenska)

Hey'ada Dawooyinka Yurub (EMA) iyo waxyaalaha talaalka ku saabsan (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Ingiriisi)

2021-03-24 N137 

Xeerarka safarka ee gaarka ahaa ayaa meesha laga saarayaa

Taariikhda 31-ka Maarso ayaa waxa xeerarkii gaarka u ahaa ka soo safrista Noorway iyo Denmark lagu beddeli doonaa shuruudo la mid ah kuwa qabanaaya dadka musaafiriinta ah ee ka imaanaaya waddamada kale ee EES.

Waxay xukuumadu illaa iyo 31 Maayo sii dheereynaysaa mamnuucista soo gelitaanka Iswiidhan ee waddamada ka baxsan EEA iyo shuruuda ah tijaabada covid oo inaan la qabin ah ee dalalka EEA-da saaran labadaba.

Waxa isla markaana meesha laga saarayaa xeeraka soo galitaanke ee gaarka ahaa ee khuseeyey Denmark, Noorway iyo Boqortooyada Ingiriiska. 

Laga bilaabo 31 Maarso, ayaa waxa Denmark iyo Noorway khuseeya xeerar la mid ah kuwa dalalka kale ee EES iyadoo ay Boqortooyada Ingiriiska khuseyso xeerar la mid ah kuwa waddamada kale ee ka baxsan EES.

Qofka Iswiidhan uga soo safraaya waddamada kale ee ka tirsan EES-ta ayaa loo oggolaan doonaa inay soo gaalaan haddii ay tusi karaan cadeyn tijaabada covid-19 oo muujineysa inaan la qabin taas oo 48 saacadood jir ah.

Waxay xayiraadaha soo gelitaanku khuseysaa safarada ka imanaaya waddamada ka baxsan EES. Waxa waxyaalaha laga reebaayo ka mid ah dadka kale ee ajaanibta ah ee Iswiidhan degan, dadka sharciga deggenaanshaha haysta ama loo qiimeeyo inay jiraan sababo khasab/lagama maarmaan ah oo qoys ahaaneed. Waa inaas sidoo kale tusaan tijaabada covid-19 oo ah inaan la qabin si laguugu ogolaaado inaad soo gasho.  

Muwaadiniinta Iswiidhishka ah ayaaney xayiraada soo gelitaanku saameyneynin, laakiin waa inay raacaan xayiraadaha Folkhälsomyndigheten ee khuseeya dadka Iswiidhan dibabeeda uga soo safraaya oo dhan. 

2021-03-23 N136

Xayiraado cusub oo lagu soo rogaayo xadiiqadaha ciyaaraha/ madadaalada iyo matxafyada

 Waxa laga bilaabo 25 Maarso la soo rogayaa xayiraad cusub oo ku wajahan matxafyada, hoolalka farshaxanka, xadiiqadaha ciyaaraha/madadaalada, xadiiqadaha xawayaanka, jardiinooyinka iyo goobaha la midka ah. Ujeeddadu waxa weeye in faafitaanka covid-19la yareeyo.

Marka la soo koobo waa in goobahu laga bilaabo taariikhada 25 maarso ay:

  • Tiriyaan tirada ugu badan ee dadka soo booqdayaasha isla hal mar meesha wada jooga oo ay hubiyaan inaanay wax ka badani aaga waxqabadka/ganacsiga ku sugnaanin.
  • Kafaalo qaadaan/hubiyaan in shaqaaluhu helaan macluumaadka talaabooyinka nadaafadda ku saabsan oo ay isla markaasna dadka soo booqanaaya iyo macaamiisha siiyaan fursadaha ay gacmahooda ugu dhaqayaan saabuun iyo biyo ama dawada jeermiska gacmeed disha.
  • Ganacsiga/waxqabka leh ciyaaraha la fuulo, sida wiifow/leexada, waa inay qaadaan tallaabooyin lagu yareynayo saxmada badan ee ciyaaraha agtooda ka dhacaysa.

Waxa badanaa jirta in waxqabadyada sida xadiiqadaha, mawduuc gaara ku salaysan-iyo xadiiqada xawayaanka iyo xarumaha la midka ahi ay dhul bed balaaran/weyn leh leeyihiin, laakiin wali waxa imaan karta saxmad badan oo goobaha gaarka ee xarunta ka mid ah ka dhacaysa, tusaale ahaan iridda, meelaha wax xiiso badan la daawanaayo iyo goobaha dalxiiska markaan dadka booqanayaa aanay si siman ugu kala baahsanen aagga waxqabadka. Waxay sidaas darteed Folkhälsomyndigheten go'ansatay in loo baahan yahay bed 20 mitir oo laba jibbaaran qofkiiba si waxqabadka si amaan faafitaanka fayruska ka ah loogu waddo.

Waxa madxafyada iyo hoolalka farshaxanka ka shaqeynaaya 10 mitir oo laba jibbaaran qofkiiba, sida dukaamada oo kale, laakiin tirada dadka soo booqdayaashu waa inaanay wali dhaafin 500 oo qof, iyadoo intuu lookaalku leegyahay aan loo eegaynin.

2021-03-23 N135

Talaalada iyo dabaaldegyada guga - Filimo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha ururada diimaha ee kala duwan.

Waxa MSB iyo Folkhälsomyndigheten iyagoo wada shaqeyn la leh SST (Hey'adda Taageerta Ururada diimaha) ay wadajir hoggaamiyeyaal ka socda ururada diimaha ee kala dudwan ugu duubeen laba filim.

Waxa filimka koowaad ku jira macluumaad ku saabsan talaalka covid-19 iyo sidoo kale warbixin ku saabsan wax dhaleeceyn iyo macluumaad khaldan/marin habaabin ah. Waxa filimkaaas laga helayaa Boggaga internedka ee SST. (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Wax uu filimka labaad ku saabsan yahay sida loogu dhaqmaayo talobixinta Folkhälsomyndigheten inta lagu gudo jiro påsken iyo ciidaha kale ee diiniga ah ee xilliga guga dhacaaya. Taasi waxay gaar ahaan muhiim u tahay maadaama oo ay ciidahaasi yihiin munaasibado caadi ahaan dad badan isku keena. Waxa filimkan la soo galin doonaa dhammaadka toddobaadkan.

Waxay iskugeyn ahaan yihiin 36 filim waxayna wakiiladu ku hadlaan luqadaha soo socda: Mandarin, Fiidnaamiis, Taylaandiis, Carabi, Daari, Isbaanish, Ingiriisi, Iswiidhish, Suuri iyo Xabashi.

2021-03-16 N134

Talaalka Astra Zenecas ayaa la hakineyaa

Waxay Folkhälsomyndigheten go'aansatay in la hakiyo isticmaalka talaalka Astra Zeneca ee covid-19 illaa iyo inta uu soo dhamaanaayo baaritaanka ay hay'adda dawooyinka ee Yurub ku sameynayso saameynaha xun ee laga shakisan yahay.

Hay'adda Dawooyinka ee Yurub (EMA) iyo Läkemedelsverket ayaa baaritaan ku sameynaaya saameynta xun ee laga shakisan yahay ee  ku saabsan xinjiraha iyo dhiigbaxa ku yimid dadka qaar lagu talaalay talaalka Astra Zeneca ee covid-19. Waxa taasi loo sameynayaa si loogu go'aamiyo haddii uu jiro xiriir uu la leeyahay talaalka.

Saameynta xun ee laga shakisan yahay waa xinjiro (xinjirow dhiiga), oo ay weheliyaan heerka unugyada xinjiraha dhiiga sameeya (thrombocytopenia) oo dad tiro yar dhacsan. Iswiidhan ayaan ilaa hadda aan wax kiis noocaas ah la soo sheegin.

Sababta baaritaanka loogu sameynaayo waxa weeye inay muhiim tahay in talaalada la isticmaalaayo uu amaankoodu aad u sareeyo.

- Waxa jirta aqoon wanaagsan oo laga hayo talaalka waxase laakiin weli muhiim ah inaynu hadda talaalka hakino illaa iyo intay EMA baaritaan ku sameynayso haddii ay dhacdooyinkaasi talaalka xiriir la lahaan karaan, ayuu dhahay Anders Tegnell.

2021-03-11 N133 

Tallaalka Janssen ee fayruska korona ayuu komishanka Midowga Yurub ansixiyay

Talaal afaraad oo covid-19 ku lid ah ayaa 11-kii Maarso uu Midowga Yurub ansixiyay. Talaalka oo ay sameysay shirkadda Janssen ayaa hadda loo ansixiyay in dhamaan Midowga Yurub lagu isticmaalo dadka 18 jir ka weyn. Talaalka cusub, oo hal daws la isku siinaayo ayaa la filayaa in la bilaabo in bisha soo socota gudaheeda Iswiidhan la keeno.

Waxa ansixinta Komishanka Midowga Yurub la go'aamiyay ka dib markii ay gudidda Culuunta ee Hey'ad dawooyinka ee Yurub (EMA) ay soo jeedisay ansixinta talaalka Janssen. Waxa talaalka baaritaan ilaa iyo 1 Diseembar 2020 ku sameynaayey hey'ada EMA kaas oo muujiyay inuu talaalku buuxinaayo shuruudaha Midowga Yurub ee ammaanka, waxtarka, tayada iyo sameynta. Tijaabooyinka caafimaadka oo qiyaastii 44,000 oo ka qeybqaateyaal lagu sameeyey ayaa muujiyay inuu leeyahay difaac boqolkiiba 67 ah oo ka hortagga xanuunka Covid-19.

- Kani waa talaalkii ugu horreeyey ee hal daws uun la isa siinaayo, taas oo wax talaalista fududayn doonta, ayay dhahday Charlotta Bergquist, isuduwaha tallaalka ee WLäkemedelsverket. Marka talaalkani la bilaabmo in la keeno ayaynu heli doonnaa fursad ka sii wanaagsan oo talaalka loogu fuliyo sida jedwalka waafaqsan.

2021-03-10 N132

Talobixinada gaarka ah ee loo soo jeedinaayo Region Västmanland ayaa laga sii dheereeyey

Region Gävleborg waxa uu sii dheereynayaa talobixinta gobolka ee ku saabsan isticmaalka af gashiga/ af dhowraha meelaha aan muddo aad u dheer masaafada la dhowri karin, tusaale ahaan gaadiidka dadweynaha. Talobixinta ku wajahan in shaqaalaha waxqabad/meherad halkaas oo ay ka dilaacdey faafitaan badan ay tahay inay iska ilaaliyaan dhex socodka/joogista bulshada ayaa sidoo kale la sii dheereynayaa. Labaduba waxay sii shaqeyn doonaan ilaa iyo inta ogeysiis dambe laga soo saaraayo.

Talobixinta dugsiyada ku socota ee khuseysa waxbarashada masaafada ama meesha fog laga qaadanaayo ee hal todobaad fasaxa isboortiga ka dib ayaa la sii kordhinayaa. Waxa halkan taas bedelkeeda illaa iyo taariikhda 1 Abriil sii shaqeyn doona talobixinta Folkhälsomyndigheten ee ku saabsan waxbarashada masaafada iyo meesha fog laga qaadanayo.

Macluumaad dheeraad ah waxa laga akhrisan karaa boggaga internedka ee gobolka Gävleborg. (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-03-09 N131

Xayiraado cusub oo khuseysa tirada dadka ee dukaamada iyo goobaha ciyaaraha booqanaaya.

Ugu badnaan 500 oo qof waa inay hal mar wada booqdaan dukaamada waaweyn (dukaanada waaweyn ee wax walba gada/hayeha ah), dukaamada, barkadaha dabaasha, jiimka iyo goobaha isboortiga. Taasi waa sida laga soo xigtey Folkhälsomyndigheten oo soo rogtey xayiraadaha cusub si loogu yareeyo faafitaanka fayruska. Dadka dukaamada iyo dukaamada waaweyn soo booqanaaya waa inay kaligood yimaadaan.

Tirada ugu badan ee lookaalada gaarka ah loogu talogalay ayaa la tirinayaa, sidii barigii hore, iyadoo 10 mitir oo labanlaaban oo aagga dhismaha lagu saleynaayo halkii qof ee soo booqanaayaba.

Xarumaha suuqyada dadan/Gallerior iyo xarumaha gancisga ayaa ka reeban maxaa yeelay waxa ku ooli kara goobo shaqo, xarumo daryeel iyo meelo ku xidhan gaadiidka dadweynaha oo aan si kale lagu heli karin.

Dukaamada waawayn iyo dukaamada ayaa qaadi doonta talaabooyinka ku haboon si loo hubiyo in dadku ay qofqof waxqabadyada ugu soo booqdaan iyagoo aanay cidi la socon. Carruurta iyo dadka taageero u baahan ayaa xayiraada ka reeban.

Waxay xeerarkuna shaqeynaysaa ilaa iyo 11 Abriil.

2021-03-05 N130

Talaalka AstraZeneca ayaa hadda xitaa dadka waaweyn loo soo jeedinayaa

Waxay Folkhälsomyndigheten beddeshay talobixinteedii hore ee talaalka AstraZeneca ee covid-19 khuseysay. Waxa talaalka hadda xitaa loo soo jeedinayaa dadka waaweyn  ee 65 jirka ka weyn.

Markii hore ayaa tallaalka kaliya loo soo jeedinaanay uun dadka da'doodu ka weyn tahay 65 jir maadaama oo aan la haynin macluumaad ku saabsan siduu talaalku waxtarka ugu leeyahay marka laga hadlaayo difaaca dadka waayeelka uu ka ilaalinaayo inay si xun ugu xanuunsadaan covid-19.
Daraasado cusub oo Boqortooyada Ingriiska laga sameeyay ayaa muujisay in talaalka AstraZeneca uu xitaa sidoo kale difaac wanaagsan siiyo dadka ka weyn 80 jirka, iyadoo sidaas darteedna ay hadda Folkhälsomyndigheten ay bedeshay talobixinteedii.

2021-02-26 N129

Talobixino gaar ah oo loo soo jeedinaayo Region Västmanland

Waxa uu gobolka Region Västmanland soo rogayaa xayiraado gaar ah taas oo ku saleysan faafitaanka fayruska:

  • Xadidaada tirada xiriirada dhowdhow ee cusub
  • Iska ilaali gaadiidka dadweynaha, xarumaha dukaameysiga iyo goobaha kale ee ay jiri karto khatar ay saxmad/ciriiri badan ku imaan karo.
  • Ka fogow/iska daa safarada aan daruuriga aheyn. Haddii aad u aragto inay qasab kugu tahay inaad safar lagama maarmaan ah sameyso, waa inaad markaas kaas sida amaanka faafitaanka fayruska ugu suurtogalsan ugu sameyso.
  • Waa inuu qofka dhashey 2004 iyo wixii ka horeeyey had iyo jeer isticmaalo af dhowr/af gashiga halka mar la xirto marka gaadiidka dadweynaha lagu dhex jiro.
  • Dugsiya hoose dhexe qeybtiisa sare (fasalka 7 – 9 aad) iyo dugsiyada sare ee gobolku waa inay waxbarashada masaafada fog isticmaalaan xilliga todobaadka 10 gudahiisa.
  • Sii wado inaad ilaa inta ugu badan ee suurtogalka ah guriga ku shaqeyso. Goobaha shaqada ee aanay suurogal aheyn in guriga laga soo shaqeeyo, waa in la iska ilaaliyaa saxmada/ciriiriga badan oo masaafad la isku jirsado. 

Macluumaad dheeraad ah waxa laga heli karaa boggaga internedka ee Region Västmanland. (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-02-26 N128

Talobixino gaar ah oo loo soo jeedinaayo Halland

Gobolka Halland waxa uu laga bilaabo 26 Febraayo soo rogayaa talobixin gaar ah. 

  • Waa in af dhowrka/af gashiga halka mar la xirto la isticmaalo xaaladaha dadka kale muddo dheer lala kulmo. Waxay taasi khuseysaa tusaale ahaan goobaha shaqada iyo gaadiidka dadweynaha markay saxmad/ciriiri badan yimaado.
  • Waxa xitaa horeyba ugu sii jiray talobixin degaanka/maxali ah oo af dhowraha/afgashiga la xiranaayo markaad booqashada daryeelka caafimaadka la sameynaayo ku saabsaneyd.

Macluumaad dheeraad ah waxa laga akhrisan karaa boggaga internedka ee gobolka Halland. (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-02-25 N127

Dadka waayeelka ah ee la talaalay oo nafisay

Waayeelka ku nool guryaha dadka waayeelka ah ee la talaalay ayaa hadda dib ugu laaban kara nolol waxoogaa caadi ah marka laga hadlaayo xiriirka dadka kale lala leeyahay, ayay Folkhälsomyndigheten soo qoraysaa.

Waayeelka la siiyey labadii daws ee talaalka ayaan hadda u baahnayn inay sidii hore ugu taxaddiraan marka laga hadlaayo xiriirada dadka kale. Laba toddobaad ka dib marka dawskii labaad ee talaalka la siiyo ayaa qofka talaalka qaatey uu la kulmi karaa dadka qaraabada ah ee aan calaamado lahayn oo ay jir ahaan isku soo dhowaan karaan.

Marka goobaha hoyga gaar ah la booqanaayo ayay muhiim tahay in dadka soo booqanaaya, shaqaalaha iyo kuwa degganba ay u dhaqmaan si ay ugu ilaaliyaan dadka kale ee deggen meesha ee aan la tallaalin.

Waxay Folkhälsomyndigheten soo qorsaysaa in qofka la talaalay aanu u baahnayn inuu sii wato raacitaanka xeerarka iyo talobixinaha jira ee loogu talogalay in lagu yareeyo halista faafitaanka infegdhanka. Tusaale ahaan sida in guriga la joogto oo la isbaaro marka calaamado la leeyahay, la xaddido tirada dadka lala xiriiraayo oo aad looga taxadiro nadaafadda gacmaha.

Wax dheeraad ah ka sii akhriso Folkhälsomyndigheten  (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-02-24 N126

Talobixino gaar ah oo loo soo jeedinaayo Sörmland iyo Uppsala

Sörmland

Waxa uu gobolka Region Sörmland soo rogay talobixino shaqeynaaya ilaa iyo 14 Maarso.

  •  Iska daa safarada aan muhiimka aheyn Ugu safar sida ugu suurtogalsan ee fayruska amaan ka ah marka ay safarada lagama maarmaanka ahi jiraan

  • Isticmaal afgashiga halka mar la xirto markaad gaadiidka dadweynaha ku safreyso iyo marka xiriir dhow ee gudaha gurhaha aan laga fursan karin. Afgashigu ma bedeli doono xeerarka in la iska ilaalio xiriirada dhowdhow iyo inaad masaafad u jirsato.

  • Xadidaada tirada xiriirada dhow ee cusub Kaliya la dhaqan/waqti la qaado kuwa aad caadiyan la kulanto.

  • Iska ilaali goobaha sida tusaale ahaan gaadiidka dadweynaha, xarumaha dukaameysiga iyo dukaamada leh khatar ay saxmad/ciriiri badan ku imaan karto.

  • Guriga ku shaqee illaa inta ay suurtogal tahay. Goobaha shaqada ee aanay suurogal aheyn in guriga laga soo shaqeeyo, waa in la iska ilaaliyaa saxmada/ciriiriga badan, masaafad la isku jirsadaa oo la isku deyaa in lala kulmo tirada dadka ee suurtogalka ahaan ugu yar.

  • Waa inay dugsiyadau qeyb ahaan waxbarashada masaafad fog ka sameeyaan inta lagu jiro todobaadka 9 iyo 10 oo aanay meel marin dhimistii suurtogal ahaan la qorshahii inta bodobaadyadaas lagu jiro. Haddii dugsi uu faafitaanku infegshanku ka dilaaco waa in markaa laga fikiro in la kordhiyo waxbarashada masaafada fog iyadoo dhakhaatiirta xakameynta infegshanka lala tashanaayo.

  • masaafad 1,5-2 mitir in la isku jirsado marka la shaqeynaayo iyo marka biririfta/nususaacaha lagu jiro. Waxay khuseysaa dhamaan dadka waaweyn ee ku sugan lookaalada dugsiga.

Macluumaad dheeraad ah waxaad ka helaysaaRegion Sörmland. (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Uppsala

Waxa uu gobolka Region Uppsala  soo rogay talobixino shaqeynaaya ilaa iyo 30 Maarso:

  • Isticmaal afgashiga halka mar la xirto marka aad gaadiidka dadweynaha iyo bey'adaha kale ee gudaha guriga ah ku dhex jirto, halkaas oo lagu sugan yahah wax ka badan 20 daqiiqo oo aan masaafad laba mitir ah dadka kale loo jirsan karin. Waxa taas ka reeban bey'ada dugsiga, halkaas oo talobixinta qaranku ay wali ka shaqeynayso.

  • Waxa uu gobolka Region Uppsala sidoo kale dadka kala talinayaa safarada gobolka iyo wadanka dhexdiisa ah ee aan lagama maarmaanka aheyn. 

Macluumaad dheeraad ah waxaad ka helaysaaRegion Uppsala. (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-02-23 N125

Talobixino gaar ah oo loo soo jeedinaayo Stockholms län

Waxa uu Region Stockholm ku wargalinayaa in talobixino gaar ahi ay Stockholms län ka shaqeynayaan ilaa 22 Maarso.

  • Waxa uu dhakhtarka xakameynta infegshanku soo jeedinayaa in dugsiyada hoose dhexe qeybtiisa sare iyo dugsiyada sare inay sameeyaan waxbarasho meesha iyo masaafada fog laga qaadanaayo inta lagu jiro todobaadka 10 aad si loo hakiyo silsilada faafitaanka infegshanka ee fasaxa isboortiga ka dib.

  • Waa in afgashiga halka mar la xirto marwalba gaadiidka dadweynaha dhexdiisa iyo bey'ada guriga gudaheeda marwalba loo xirnaado halkaas oo dadka kale muddo dheer lala kulmo.

  • Marka laga eego xaalada hadda taagan waa in kaliya la safraa uun haddii ay qasab kugu noqoto. Maadaama oo fasaxii isboortiga ee gobolku uu isla todobaadka soo socdaba bilaabmaayo ayay u muuqataa in dad tiroyar uun ay baajin doonto safarkooda.

Macluumaad dheeraad ah waxa laga akhrisan karaa boggaga internedka ee gobolka.(boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2001-02-22 N124

Talobixinta deegaanka/maxaliga ah oo lagu soo rogaayo Gävleborg

Waxa uu gobolka Region Gävleborg soo rogayaa talobixin deegaanka/maxali ah maadaama oo uu jiro faafitaan bulshada dhexdeed oo fayruska nooca Ingriiska ahi. Baahida daryeelka caafimaadka ee covid-19 ayaa sidaas darteed joogsatay inay hoos u dhacdo.

Talobixinahan soo socda ayaa shaqeynaaya laga bilaabo talaatada 23 Febraayo ilaa iyo 10 Maarso:

  • Isticmaal afgashiga halka mar la xirto markaad ku jirto xaaladaha uu xiriirka la isku dhow yahay jiro, marka wakhti dheer gudha guryaha lagu jiro, aanay suurtogal aheyn ina laga fogaado.

Waxay tusaale ahaan taasi noqon kartaa goobaha shaqada halkaas oo ay adag tahay in la kala fogaado. Af gashiga gaadiidka dadweynaha waa in hadda wakhti kasta la isticmaalaa, oon kaliya aheyn xilliga saxmada/ciriiriga badani jiro. Waxay taasi khuseysaa dadka dhashay 2004 ama wixii ka horeeyey Ogsoonow laakiin inaan afgashigu bedeli doonin xeerarka iyo inaad iska ilaaliso xiriirada dhowdhow oo aad masaafad u jirsada.

  • Dadka ka shaqeeya ama gobolka u qabanaaya hawl/waxqabad, taas oo lagu qiyaasaayo inuu jiro faafitaan xoogan, ayaa loo soo jeedinayaa inaanay bulshada dhex mushaaxin/socsocon si loogu dhimo kulanka iyaga iyo dadka kale ka dhaxeeya.

Dadka ka bogsaday ka dib markuu lixdii bilood eed ugu danbeeyey infegshanku covid-19 ku dhacay ayaa ka reeban talobixintan. Waxqabadyada ay khuseyso ayuu si gaara Region Gävleborg ula soo xiriiri doonaa.

Macluumaad dheeraad ah waxa laga akhrisan karaa boggaga internedka ee gobolka. (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-02-17 N123

Talobixinta deegaanka/maxali ah oo lagu soo rogaayo Västra Götaland

Waxa gobolka Region Västra Götaland uu soo rogayaa talobixinta maxaliga ah ka dib markuu faafitaanka covid-19 sii kordhay.

Talobixinahan soo socda ayaa shaqeynaaya ilaa iyo 14 Maarso:

  • Xadidaada tirada xiriirada dhowdhow ee cusub. Kaliya la dhaqan/waqti la qaado kuwa aad caadi ahaan la kulanto. Haddii aad dad kale la kulanto iska ilaali inaad isku dhawaataan. Dibada wakhti ku wada qaata, laakiin ka fikir inaad xitaa halkaas masaafad isku jirsataan.
  • Iska ilaali gaadiidka dadweynaha, xarumaha dukaameysiga iyo dukaamada haddii ay jiri karto khatar ay saxmad/ciriiri badan ku imaan karto. Dooro inaad soo adeegato wakhtiyada ay tirada ugu yar ee dadka kale dukaamada joogaan. Dukaanka ku jir wakhtiga ugu yar ee suurtogalka ah, waxaana la doorbisayaa inaad kaligaa soo adeegato.
  • Iska daa safarada aan muhiimka aheyn. Haddii ay qasab kugu noqoto inaad safarto, waa inaad taas u sameysaa sida faafitaanka ugu sugan ee ugu suurtogalsan. Isticmaal afgashiga halka mar la xirto markaad gaadiidka dadweynaha ku safreyso iyo marka xiriir dhow aan laga fursan karin. Ogsoonow laakiin inaan afgashigu bedeli doonin xeerarka iyo inaad iska ilaaliso xiriirada dhowdhow oo aad masaafad u jirsada.
  • Sii wado inaad guiga ku shaqee illaa intaad karto. Goobaha shaqada ee aanay suurogal aheyn in guriga laga soo shaqeeyo, iska ilaali saxmada/ciriiriga badan, masaafad u jirso oo isku dey inaad la kulanto tirada dadka ee suurtogalka ahaan ugu yar. Waxay sidoo kale taasi khusaysaa qolka lagu qaxweeye iyo qolka shaqaalaha. Guriga joog haddii aad leedahay calaamado hawo mareenka ah, xataa haddi ay yihiin qaar khafiif ah.
  • Waxay xakamaynta infegshanku soo jeedinaysaa in la sii wado waxbarashada dugsiga sare iyada oo ay ugu badnaan boqolkiiba 20 noqoto waxbarash goobta la joogo.

Wax dheeraad ah waxa laga akhrisan karaa Gobolka Västra Götalandsregionen (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-02-12 N122

Xukuumada: Mamnuucida khamriga ee laga bilaabo saacada 20.00 ayaa la sii kordhinayaa

Mamnuucida in khamro lagu bixiyo goobaha adeega ee mukhaayadaha iyo baararka inta u dhaxeysa 20:00 ilaa 11:00 ayaa la sii kordhiyay ilaa 28 Febraayo 2021.

Faafitaanka infegshanka ayaa Iswiidhan weli heer sare sii maraaya. Waxay xukuumada iyo Folkhälsomyndigheten ku qiyaasayaan in xayiraadaha iyo talaabooyinka hadda jira ay ugu yaraan 3-4 toddobaad sii jiraan.

In la dhex joogo makhaayadaha khamri, baararka iyo makhaayadaha cuntada ayaa noqon karta mid lala xiriirsiiyo khatarta sii kordheysa ee infegshanka faafaaya. Sidaas darteed ayaa hadda la sii dheereynayaa mamnuucida in khamro lagu bixiyo goobaha adeega ee mukhaayadaha iyo baararka inta u dhaxeysa 20:00 ilaa 11:00 ilaa 28 Febraayo 2021. Laga bilaabo 1 Maarso ilaa iyo 11 Abriil 2021 ayaa waxa mar labaad laga bilaabo saacada 22.00 jirta mamnuucid saaran bixinta khamrada.

Waxa mamnuucida laga reebayaa bixinta khamrada ee meelaha degaanada gaarka ah iyo adeega qolka ee huteelada loosameeyo ama baararka yaryar ee qolalka dhexdooda ku yaala.

Haddii xaaladda infegshanku ay ka sii darto ayaa waliba mamnuucista la sii dheereyn karaa. Haddii ay xaaladu ka soo roonaato ayaa mamnuucida laga qaadi karaa 11 Abriil ka hor.

Wax dheeraad ah ka sii akhriso Xukuumada (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-02-04 N121

Waxay xukuumadi sii kordhinaysaa xayiraadaha qaranka

Waxay xukuumadu go'aansatay inay sii kordhiso mamnuucida khamriga ee wixii 20:00 ka dambeeya lagu bixiyo goobaha baararka iyo makhaayadaha, waxayna soona jeedineysaa talobixino dheeraad ah iyadoo xeerka cudurka aafada la kaashanaayo.

Waxay xukuumada ka dib markii ay wadahadal la yeelatay Folkhälsomyndigheten go'aansatay inay kordhiso xayiraadaha iyo talobixinahan soo socda

  • Mamnuucida in khamro lagu bixiyo goobaha baararka iyo makhaayadaha ee wixii ka danbeeya 20:00 ayaa la sii kordhiyay ilaa 14 Febraayo. Waxay xukuumada isla markaas go'aandsatey in mamnuucida la sii kordhiyo illaa 28 Febraayo iyadoo talodana loo diray codsi talo ka soo bixin. Ka dib 28 febraayo 2021 ayaa la soo jeedinayaa inaan khamrada la bixin waxa ka danbeeya saacada 22.00.

  • Hawsha hey'adaha dowladda ee ku wajahan sii kordhinta saamiga dadka guriga ka soo shaqeeya ayaa la sii kordhinayaa illaa 31 Maajo 2021. Kaliya dadka shaqaalaha ah ee ay tahay inay goobta ka soo xaadiraan si ay shaqadooda ugu qabtaan ay dhex joogi kara dhismayaasha dawlada.

  • Gobollada iyo degmooyinka ayaa lagu sii boorinayaa inay sii wataan xidhnaanshaha waxqabadyada aan muhiimka aheyn ilaa iyo 21 Febraayo 2021 Waxay khuseysaa waxqabdyada dadweynuhu ay heli karaan. 

Waxay xukuumadu soo jeedinaysaa talaabooyin badan iyadoo xeerka cudurka aafada isticmaalaayo.

  • Xeerar badan oo ka waxkuoolsan oo khuseeya isku imaadyada/kulamada dadweynaha iyo munaasibadaha. Waxa la soo jeedinayaa in tirada ka qeybqaatayasha ay kala duwanaan karto iyadoo ku xidhan hadii munaasibadu tahay mid gudaha ama dibada lagu qabanaayo iyo inta uu lookaalku leegyahay. Waxay dawladu sidoo kale dib u eegis ku samey doontaa suurtogalnimada goobaha jimicsiga banaanka lagu ciyaaro. 

  • Waxay xukuumadu ka shaqeyneysaa inay dib u eegto haddii ay jirto baahi loogu soo jeedinaayo talaabooyin xakameynta infegshanka ee gaadiidka meelaha fogfog u baxa sida tusaale ahaan tareenada iyo basaska.

  • Waxay dawladu diyaarineysaa si xitaa loogu xidho dukaamada, jiimamka iyo makhaayadaha haddii xaalada fayrusku ka sii darto.  

Wax dheeraad ah ka sii akhriso Xukuumada (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-02-04 N120

Dhalinyarta dhigata dugsiyada sare ayaa ka qeyb qaadan karta waxqabadyada isboortiga

Waxay hadda Folkhälsomyndigheten fureysaa inay xitaa dadka da'da yar ee dhasha 2002 ama wixii ka dambeeyey ay ka qeyb galaan isboortiga la abaabulo iyo waxqabyada isboortiga, gudaha iyo dibaddaba labadaba. Qiimeyntu waxa weeye in waxyaabaha uu ku wanaagsan yahay waxqabadka isboortiga ee carruurta iyo dhalinyarta ay tahay in tirada lagu darsado oo sidaas darteedna isbeddel lagu sameeyo talobixinta guud.

Jimicsiga jidhka ayaa muhiim u ah caafimaadka carruurta iyo dhallinyarada ee jir iyo maskax ahaan, iyo caafimaadka bulshada ee mustaqbalka fog. 

Caqabadaha dhaqdhaqaaqa isboortiga

Caqabada kooxaha isboortiga haysata ee isqoritaanka iyo sii haysashada dhalinyarada dhowr iyo tobanada ah kuwooda waaweyn ayaa sii badatay inta lagu jiro cudurka aafada . Waxa jirta khatar weyn oo ah in dhalinyarada qaarkood ay iska joojiyaan oo aanay dib ugu laaban isboortiga.

- Waxay Folkhälsomyndigheten u aragtaa inay sidaas darteed muhiim tahay in carruurta iyo dhallinyarada ay ku laaban karaan isboortiga sida ugu dhakhsaha badan ee ay xaaladdu saamaxdo. Taasi waa iyadoo ay jirto talobixinta sida in masaafad la isku jirsado, guriga la joogo marka la jiran yahay, la yeesho nadaafadda gacmaha oo wanaagsan iyo wax ka sii badan waxaas in la raaco Anaga qiimeyntayada guud waxa weeye in dhinacyada wanaagsan ee furitaanka loo sameynaayo xitaa ardayda dugsiga sare ay ka badan yihiin, ayuu dhahay agaasimaha guud Johan Carlson.

Wax dheeraad ah ka sii akhriso  Folkhälsomyndigheten  (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-02-04 N119

Waxay Iswiidhan qorsheyneysaa shahaadada talaalka ee dhijitaalka ah

Xukuumada ayaa saddex hey'adood siisay shaqada ay ku soo saarayaan shahaadada talaalka ee dhijitaalka ah taas oo la rajeynayo inay 1 Juun 2021 hirgasho. Shahaadada noocan ah ayaa laga yaabaa in wadamada qaar galitaankooda la iska dalbado, ama tusaale ahaan jiraan bandhigyada dhaqanka iyo cayaaro.

- Marka la haysto shahaado talaalka ee dhijitaalka ah, ayaa si dhakhso ah oo fudud loogu tusi karaa talaalada la qaatey, ayuu warsaxaafadeed ku dhahay wasiirka dhijitaal gareynta ee Anders Ygeman.

Hey'ada maamulka dhijitaalka (Digg) ayaa loo xilsaaray inay shaqada mashruucaas maamusho. Hawsha waa in la fuliyaa iyadoo lala kaashanayo hey'adaha kale ee ay ka midka yihiin E-hälsomyndigheten, Folkhälsomyndigheten iyo Sveriges Kommuner och Regioner (SKR). Hadafku waxa weeye in xalalka farsamo ahaaneed ee lagu bixinaayo shahaadada talaalka ee dhijitaalka ahi ay diyaar noqdaan laga bilaabo 1 Juun ee sanadkan.

Wax dheeraad ah ka sii akhriso Xukuumada (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-02-04 N118

Qaar ka badan ayaa wajiga 2 la talaalayaa

Folkhälsomyndigheten ayaa beddeshay mudnaanta kala horeynta ee talaalka covid-19 Dhamaan dadka 65 sanno buuxiyey ayay tahay in mudnaan la siiyaa wajiga labaad ee shaqada talaalka. Markii hore ayaa dadka laga bilaabo 70 sanno jirka ah ay ka mid ahaayeen. Waxa hadda wejiga seddexaad ku jira dadka da'doodu tahay 60 jir iyo dadka cudurrada qaar qaba.

Mudnaanta kala horeynta ee Folkhälsomyndigheten ayaa hageysa shaqada ku saabsan talaalka ka hortagga covid-19 ee degmooyinka iyo gobollada. Ujeedadu waxa weeye in kuwa baahida ugu weyn ee in laga ilaaliyo cudur khatar galiya u baahan marka kowaad mudnaanta la siiyo.

Wax dheeraad ah ka sii akhriso  Folkhälsomyndigheten  (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-02-03 N117

Shuruud ah in la haysto tijaabada covid-19 oo muujinsya inaan cudurka la qabin si Iswiidhan loogu soo safro

Laga bilaabo Sabtida 6 Febraayo ayay muwaadiniinta ajaanibta ahi u baahan doonaan inay tusaan tijaabada covid-19 oo muujineysa inaan cudurka la qabin si loogu oggolaado inay Iswiidhan u soo safraan.

Waa inuu baaritaanku ugu badanaan noqdaa 48 saacadood jir oona la tusi karaa marka la soo dego. Waxa shuruudan loogu soo rogayaa si loogu yareeyo halista faafitaanka noocyada kala duwan ee fayruska waxayna taasi khuseysaa qof kasta oo ka weyn 18 sanno jir iyadoo aan loo eegaynin meesha laga soo safray. 

Waxa uu go’aanka xukuumada micnahiisu yahay in qeyb ahaan xayiraadii soo gelitaanka ee saarneyd ka soo safrida Danmark, Norway, Boqortooyada Ingiriiska iyo waxa wadamada sedexaad loogu yeero la kaabaayo, qeyb ahaan iyadoo ay Iswiidhan soo rogayso xayiraad cusub oo soo galitaanka ah oo wadamada kale ku wajahan.

Si aanay xeerarka cusubi ugu keenin xanibaad ka badan waxa loogu talogalay ayay waxa jira dhowr waxyaabo ka reebanaan ah. Kuwaasi liistada ay ka kooban yihiin oo dhameystiran waxa laga heli karaa bogga internedka ee xukuumada.

Akhriso war saxaafadeedka ka soo baxay xukuumada. (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Wax dheeraad ah ka akhri wayaabaha ku saabsan safarka iyo joogitaanka wadanka dibadiisa (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Ka akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan waxyaalaha ka reebanaanta ah ee xeerarka cusub (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-02-02 N116

Waa inaan talaalka Astra Zeneca la siinin dadka waayeelka ah

Waxay Folkhälsomyndigheten ku talobixineysaa in talaalka Astra Zeneca marka hore la siiyo dadka da'doodu u dhexeyso 18 ilaa 64 sanno jir. Dadka 64 sanno ka weyn waa in taas badelkeeda la siiyaa mid ka mid ah talaaladii hore loo ansixiyay ee Pfizer iyo Moderna.

Waxa Jimcihii la ansixiyey talaalka Astra Zeneca ee covid-19. Talaalku uma baahna in loo maareeyo si taxadir leh oo la mid ah sida talaalladii hore loo ansixiyey ee Pfizer/BionTech iyo Moderna.

Hase yeeshee waxa wali aan la haynin macluumaad ku saabsan waxtarka talaalka Astra Zeneca ee covid-19 ee kooxaha dadka waayeelka ah. Waxa xogta noocaas ahi inay soo baxdo la sugayaa xilliga guga. Inta taas la sugaayo ayay Folkhälsomyndigheten ku talobixineysaa inaan talaalka Astra Zeneca marka hore la siiyo dadka da'doodu ka hooseyso 65 sanno jir.

Macluumaad dheeraad ah oo laga helaayo Folkhälsomyndigheten (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Wax dheeraad ah oo ku saabsan talaalka Astra Zenecas ka sii akhriso Läkemedelsverket (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-02-02 N115

Calaamado muujinaaya faafitaanka fayruska nooca Ingiriiska oo sii kordhaaya

Waxay Folkhälsomyndigheten baaritaan ku sameyay 2000 oo kiis oo covid-19 ah si loo ogaado jiritaanka fayruska noocyada Ingiriiska ee isbeddeley ee Iswiidhan gudaheedaka jira. Boqolkiiba kow iyo toban ayay soo baxday inay yihiin noocyada Ingiriiska.

Wadamada kale ee Yurub ayaa ilaa 90% ay kiisasku ahaayeen kuwa Ingiriiska.

- Wali waa xilli hore in Iswiidhan wax go'aan ah laga qaato faafitaanka heer gobol ahaaneed. Laakiin in kiisas badan oo intaas lagu helo baaritaanka ayaa muujineysaa in sida dhowr wadan oo Yurub ah oo kale ay yeesheen faafitaan sii kordhay oo fayruska Ingiriiska ah, ayay dhahaysaa maamulaha qeybta ee Sara Byfors oo Folkhälsomyndigheten ka tirsan.

Waxay Folkhälsomyndigheten ku talobixinaysaa in dhamaan dadka u safray wadanka dibadiisa ay tijaabo iska qaadaan markay soo laabtaan iyo mar labaad shan maalmood ka dib markay dalka ku soo laabtaan. Waxa intaas sii dheer waa inay hal todobaad iska ilaaliyaan xiriirka dadka kale si loogu yareeyo khatarta in kiisas badan oo nooca cusub ee fayruska ahi uu wadanka soo galo.

Macluumaad dheeraad ah oo laga helaayo Folkhälsomyndigheten  (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Waxyaabaha ku saabsan safarka wadanka dibadiisa (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-01-29 N114

Talaalka AstraZeneca ayuu Midowga Yurub  ansixiyay

Komishanka Midowga Yurub ayaa ansixiyay talaalka AstraZeneca ee covid-19. Talaalka sedexaad ee hadda laga isticmaali karo Midowga Yurub dhexdiisa.

Waxa go'aanka Guddiga Yurub uu micnahiisu yahay in hadda talaalka AstraZeneca lagu isticmaali karo laga bilaabo dadka da'doodu tahay 18 sano jirka.

Qiimeynta Hay'ada Dawooyinka Yurub (EMA) ee talaalku AstraZenecas waxa uu muujiyay inuu talaalku buuxinaayo shuruudaha Midowga Yurub ee ammaanka, waxtarka, tayada iyo sameynta. 

- Waa wax aad u qiimo badan inaynu helno talaal  noocan ah marka lagu daro labada talaal ee horay loo ansixiyay ee mRNA ahaa. Talaalkani waa mid ay sahlan tahay in la keydiyo oo la maareeyo, wuxuuna leeyahay sumad amaanka oo wanaagsan, ayay dhahday Charlotta Bergquist, iskuduwaha talaalka ee Läkemedelsverket.

Waxay Läkemedelsverket qoraysaa in waxtarka difaaca ee talaalka AstraZeneca uu yahay boqolkiiba 60, kaas oo ka yar labadii horay loo ansixiyay ee talaalada covid-19. Laakiin waxa uu buuxineyaa shuruudda waxa loogu yeedho isku miisamidka/dheelitirka faa'iidada wanaagsan-halista.

Wax dheeraad ah ka sii akhriso  Läkemedelsverket (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Wax dheeraad ah ka sii akhriso Hay'ada Dawooyinka Yurub (EMA) (boggu waxa uu ku qoran yahay af Ingiriisi)

Wax dheeraad ah oo talaalka ku saabsan ka akhri krisinformation.se

2021-01-29 N113

Booliska iyo waxyaabaha ku saabsan marinada xuduudaha ee gaarka ah ee laga soo galaayo Denmark, Norway iyo Boqortooyada Ingiriiska

Xayiraad soo gelitaanka oo saaran ka imaanshaha Denmark, Norway iyo Boqortooyada Ingiriiska, laakiin waxaa jira waxyaabo ka reeban. Waxa uu kuwaas Booliisku u gudbinayaa marinada xuduudaha ee gaarka ah.

Sababta mamnuucida soo galitaanka loogu soo rogay  waa in la yareeyo faafitaanka nooc cusub oo fayruska keena covid-19 ah.

Qof degan ama ka shaqeeya Iswiidhan ama leh sababo qoys oo degdeg ah ayaa loo oggolaan karaa inuu soo galo.
Waxa sidoo kale ka reebanaan la siinayaa carruurta 18 sano jir ka yar ee u safreysa si ay waalid ku nool Iswidhan ula kulmaan iyo safarada gaadiidka daryeelka caafimaadka iyo bukaanka

Macluumaad dheeraad ah laga helaayo Booliiska (ku qoran Iswiidhish):

Khariidada tuseysa marinada gaarka ah/

Qoraalka warbixinta ku saabsan marinada xuduudaha

Macluumaadka ku saabsan xayiraada soo gelitaanka iyo waxyaabaha ka reeban

2021-01-26 N112

In dadka lagala taliyo u safrida waddamada ka baxsan Midowga Yurub/EEA ayaa la sii kordhiyay

Waxay wasaarada Arrimaha Dibadu (Utrikesdepartementet) ay go'aansatay inay sii kordhiso kala talinta wixii safarada aan muhiimka aheyn ee dhamaan waddamada ka baxsan Midowga Yurub (EU/EEA)/aaga Schengen iyo Boqortooyada Ingiriiska ilaa iyo 15 Abriil.

Kala talinta waxay micnaheedu tahay in si taxaddir leh looga fikiro haddii ay run ahaantii waqtigan hadda ku haboon tahay in safar noocaas oo kale ah la sameeyo. Dalal badan ayaa xuduudada xidhay ama ay aad u xadidan tahay fursadaha gelitaanka iyo ka bixitaanka, xeerar qasbayaan in la is karantiimeeyo iyo bandow.

Haddii hase yeeshee la doorto in la safro waa in saddexdan talo la raacaa:

  • Wax badan ka akhriso meesha aad u socoto.
  • Raac xeerarka deegaanka ka jira.
  • Qorshee safarka aad ku soo guryo laabaneyso.

Waxa musaafiriinta Iswiidhishka ah ee dalka dibadiisa ku sugan lagu boorinayaa inay iska diiwaangeliyaan liistada iswidhishka (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish). Waxa sidoo kale fiican in moobaylka lagula soo dego Appka Wasaarada Arimaha dibada ee UD Resklar. Waxa halkaas lagu soo ururinayaa macluumaadka safaarada ee ku saabsan safarada. U daar ogeysiisyada khuseeya waddanka aad joogto. 

Go'aannadii hore ee ahaa in dib loogu soo rogo kala talinta ku wajahan Boqortooyada Ingiriiska iyo Waqooyiga Ireland, iyo sidoo kale Norway, ayaa shaqeynaysa ilaa iyo inta ogeysiis dambe laga soo saaraayo.

Macluumaad dheeri ah waxaad ka helaysaa iyadoo la soo maraayo linkiyada soo socda (bogaggu waxay ku qoran yihiin af Iswiidhish)

Akhriso war saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibada
Su'aalaha & jawaabaha ku saabsan talobixinta safarka
Macluumaadka safaarada ee ku jira Swedenabroad.se

2021-01-25 N111

Dadka musaafiriinta ah ee ka soo safray Norway ayaa lagu boorinayaa inay is tijaabiyaan oo ay xiriirka dadka kale ka fogaadaan

Waxay Folkhälsomyndigheten dhamaan dadka Iswiidhan uga soo safray Norway ama dhawaan halkaas soo joogay ku boorineysaa, inay covid-19 iska eegaan/tijaabo iska qaadaan oo ay ka fogaadaan xiriirka ay dadka kale la leeyihiin.

Waxay hey'adaha Norway ka casbi qabaan inuu fayruska nooca Boqortooyada Ingiriisku si weyn uga dilaaco aaga Oslo.

Waxay Folkhälsomyndigheten ku guubaabineysaa dhammaan dadka dhawaan joogay Norway ama soo joogay 14 maalmood ee ugu danbeeyey inay ugu yaraan todoba maalmood guriga joogaan, inay ilaa inta la kari karro iska ilaaliyaan xiriirada dadka kale iyo inay sida ugu dhakhso badan tijaabo iskaga qaadaan ka dib markay yimaadaan Iswiidhan iyagoo baaritaan xiga sameynaaya shan maalmood ka dib markay yimaadaan. Xitaa dadka kale ee qoysku waa inay guriga joogaan ilaa inta natiijada tijaabada la sugaayo.

Dadka Norway maalin kasta u shaqo taga waa inay iska ilaaliyaan la kulanka dadka aan qoyskood ahayn markaan la joogin shaqada. Waxay Norway dalbaneysaa istijaabin joogto ah marka maalinkasta loo shaqo tago, iyadoo qofka maalin kasta u shaqo tagaa uuna u baahneyn inuu intaas wax ka badan istijaabiyo. Dadka la degan qofka maalin kasta u shaqo taga ayaan u baahneyn inuu la kulanka dadka kale iska ilaaliyo.

Wax badan ayaan ilaa hadda wali laga ogeyn nooca fayruska ee cusub iyadoo ay cilmibaarista socoto si loogu ogaado inuu tusaale ahaan si ka badan ugu faafaayo marka la garab dhigo noocyada kale.

Waxay Folkhälsomyndigheten horeyba ugu laheyd talobixin taas u dhiganta oo loo soo jeedinaayey dadka soo joogay Boqortooyada Ingiriiska, Koonfur Afrika iyo Baraasiil.

Wax dheeraad ah ka sii akhriso  Folkhälsomyndigheten  (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-01-25 N110

Ka soo gelida Norway laga soo safraayo oo si ku meelgaar ah xayiraad loogu soo rogey

Dowladu waxay sii balaarisay xayiraadii ku meelgaarka aheyd ee ka soo safrida Danmark saarneyd iyadoo sidaas oo kale ay Norway khuseysa. Macmuucida soo galitaanku waxay dhaqan galaysaa habeenka ay Isniinta 25 ka Janaayo soo galeyso ilaa iyo 14 Febraayo.

Waxay sidoo kale xukuumadu go'aansatay in xayiraada ku meelgaarka ah ee saarneyd ka soo safrida Danmark iyo Boqortooyada Ingiriiska la sii kordhiyo ilaa iyo 14 Febraayo.

Waxay wasaaradda arrimaha dibaddu dib u soo rogeysaa iyadoo isla markaana dadka kala talinaysa safarada aan muhiimka aheyn ee Norway loogu safraayo.

Hay'adaha caafimaadka ee Norwey waxay ka absi qabtaa inuu fayruska nooca Boqortooyada Ingiriiska ka soo baxay uu si ka weyn aaga Oslo ugu dillaaco.

Waxay Folkhälsomyndigheten sameynaysaa qiimeynta ah in dilaacista cudurka ee la filaayo oo ay weheliso xiritaanada ballaaran ay keeni karto halista ah in dad badani xadka dhanka Iswiidhan ku soo qulqulaan.

Waxay taasi sii kordhinaysaa halista ay kamuunada Iswiidhishka ay ee ugu dhowdhow ay saxmad/ciriiri badan ugu imaanayso oo fayruska noociisa isbeddelay uu Iswiidhan ugu sii faafaayo.

Xayiraada soo galitaanka ee Norway laga imanaayo ayaa loo qaabeeyey si la mid ah sida ta hore Danmark ugu shaqeynaysay. Ka reebanaan taas la mid ah ayaa shaqeynaysa, taas oo macnaheedu yahay, waxyaabaha ay ka mid yihiin in dadka Iswiidhan degan ama ka shaqeeya, shaqaalaha alaabta qaada iyo shaqaalaha kale ee waaxda gaadiidka iyo sidoo kale dadka haysta sabab qoys ahaaneed oo degdega ah.

Go'aanka xukuumada ee xayiraada soo gelitaanka

Waxay wasaarada arimaha dibaddu dadka kala talineysaa safarada aan muhiimka aheyn ee Norway lagu tagaayo

Macluumaadka ku saabsan mamnuucida soo gelitaanka oo booliska laga helaayo

2021-01-22 N109

Dadka musaafiriinta ah ee ka soo safray Baraasiil ayaa lagu boorinayaa inay is tijaabiyaan oo ay xiriirka dadka kale ka fogaadaan

Waxay Folkhälsomyndigheten soo jeedinaysaa in dadka Baraasiil tagay ee u soo safraaya Iswiidhan ay covid-19 iska eegaan iyo inay sidoo kale iska ilaaliyaan/ka fogaadaan xiriirka dadka kale.

Waxay talobixintu soo baxday ka dib markii ay Hey'adda Xakamaynta Cudurrada Faafa ee Yurub, (Europeiska smittskyddsmyndigheten ama ECDC), ay hadda liistada galisey nooc cusub oo fayruska ah kaas oo asal ahaan ka soo baxada Baraasiil. Waxa markii hore liistada la galiyey nooc asal ahaan ka soo jeeda Boqortooyada Ingiriiska iyo mid asal ahaan ka soo jeeda Koonfur Afrika.

Sidaas darteed waxa Folkhälsomyndigheten dadka musaafiriinta ah ee ka yimid Baraasiil, Boqortooyada Ingriiska iyo Koonfur Afrika ku boorineysaa inay guriga joogo ugu yaraan toddoba maalmood oo la iska ilaaliyo xiriirka xiriirka dadka kale ilaa iyo inta la kari karro. Waxa intaas sii dheer in la isku boorinaayo in sida ugu dhakhso badan tijaabo la iska qaado ka dib marka la soo noqdo iyadoo ay tahay in baaritaan xiga la sameeyo shan maalmood ka dib marka la yimaado. Sidoo kale dadka kale ee qoysku waa inay guriga joogaan ilaa inta natiijada tijaabada la sugaayo.

Wax badan ayaan wali laga ogeyn noocyada fayruska ee cusub iyadoo ay cilmibaarista ku socoto si loogu ogaado inay si ka badan ugu faafayaan.

Wax dheeraad ah ka sii akhriso Folkhälsomyndigheten  (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Talooyinka loo soo jeedinaayo qofka ka soo  safraaya ama ka soo safray wadamada leh nooca fayruska ee cusub  (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-01-21 N108

Xayiraadaha qaar ayaa la sii kordhinayaa

Xayiraadahan soo socda ayaa la sii kordhin doonaa iyadoo ay sabab u tahay faafitaanka covid-19, ayay ku wargelinaysaa xukuumadu.

  • Goobaha adeega bixiya ee sida makhaayadaha iyo baararka ayaan loo oggolayn inay wixii saacada 20 ka danbeeya khamro bixiyaan. Waxa mamnuucidaasi la sii kordhinayaa ilaa iyo 7 Febaraayo 2021. 

  • Hey'adaha dawladu waa inay qaadaan talaabooyin dadka shaqaalaha ah loogu kordhinaayo fursada ay shaqaaluhu guriga kaga soo shaqeyn karaan. Taasi waxa la sii kordhin doonaa ilaa iyo 7 Febaraayo 2021. Maadaama oo aanay dhammaan xirfadaha oo dhami haysan fursad ay guriga kaga soo shaqeyn karaan ayaa waxa jiri doona kantarool lagu sameyn doono goobaha shaqada ee khatarta leh.

  • Waxa talobixinta Folkhälsomyndigheten ee ku saabsan dugsiga sare la sii kordhinayaa illaa iyo 1 Abriil 2021. Taasi ayaa waxoogaa wax laga bedelayaa Waa in waxbarashada hadda loo sameeyo qaab isku dhafan oo iskugu jira waxbarashada masaafada fog iyo meesha fog laga qaato iyo waxoogaa waxbarista goobta/meesha la joogo ah.  

  • Waxay Folkhälsomyndigheten soo jeedinaysaa in la sii wato isticmaalka xidhashada af gashiga ee xilliyada saxmada gaadiida dadweynaha dhexdiisa la isticmaalo.  

  • Waxay xukuumadu kamuunada iyo goboladu ku boorinaysaa inay sii wataan inay waxqabdyada aan muhiimka aheyni ay sii xidhnaadaan ilaa iyo 7 Febraayo 2021. 

  • Waxay Folkhälsomyndigheten dalbatey in carruurta iyo dhallinyarada dhalatey 2005 mama wixii ka dambeeyay ay ka qeybqaadan karaan isboortiga iyo waxqabadka xilliga firaaqada ee meelaha gudaha iyo dibada labadaba ka dhaca iyadoo dalbatay in xukuumadu ay talobixinteedii hore fududeyso. 

Halkan waxa ku jira macluumaad dheeraad ah oo ku qoran af Iswiidhish:

Xukuumada iyo waxyaabaha ku saabsan xayiraadaha

Xukuumada iyo waxbarashda isku dhafan ee dugsiga sare

Xukuumada iyo kantaroolada dheeraadka ah ee goobaha shaqada khatarta leh

Folkhälsomyndigheten iyo waxyaabaha ku saabsan si tartiib tartiib ah ugu laabashada waxbarashadda meesha la joogo ee dugsiga sare

2021-01-15 N107

Waxa talaalada shirkada Moderna daboolaaya caymiska dawooyinka

Waxa la saxeexay heshiis cusub kaas oo keenaaya in dawladu ay qaado kharashka wixii saameynta khatarta ah/waxyeellooyin ka yimaada talaalka Moderna ee ku lidka ah covid-19.

Heshiiska oo ay Kammarkollegiet saxeexday iyadoo xukuumada ka wakiil ah, ayuu micnahiisu yahay in dhammaan talaalada covid-19 ee aan horay ugu jirin Caymiska dawooyinka ay hadda kaas ku jiraan.

Talaalka covid-19 ee Moderna ayaa sidaas darteed isla markiiba lagu soo darayaa Caymiska dawooyinka.

Waxa uu heshiiska shaqeyn doonaa muddo ku meel gaadh ah ilaa inta uu sharci cusubi meesha jiro.

- Waxa muhiim ah in kafeynta caymiska ee shaqsigu ay awood badan tahay haddii ay dhacdo cawaaqib xum oo uu talaal keeno, ayay dhahaysaa wasiirka arrimaha bulshada ee Lena Hallengren.

Wax dheeraad ah ka akhriso Xukuumada  (ku qoran af Iswiidhish)

Wax dheeraad ah ka akhriso Kammarkollegiet (ku qoran af Iswiidhish)

2021-01-14 N106

Xukuumada: Mamnuucida khamriga ee laga bilaabo 8da ayaa la sii kordhinayaa

Mamnuucida in khamro la bixiyo inta u dhaxeysa 20:00 ilaa 11:00 ayaa la sii kordhiyay ilaa 24 Janaayo. Ujeedada mamnuucidu waxa weeye in la yareeyo faafitaanka cudurka Korona.

 

Waxa go'aanka gundhig u ah heerka faafida fayruska keena cudurada Covid-19 ee aadka u sareysa. In la dhex joogo makhaayadaha khamri, baararka iyo makhaayadaha cuntada ayaa noqon karta mid lala xiriirsiiyo khatarta sii kordheysa ee infegshanka faafaaya.

Waxa taas laga reebayaa bixinta khamrada ee meelaha degaanada gaarka ah iyo adeega qolka ee huteelada loo sameeyo ama baararka yaryar ee qolalka huteelada dhexdooda ku yaala.

War saxaafadeedka xukuumada (waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-01-09 N105

Waxbarashada masaafada fog ee suurtogalka ah in lagu qaato dugsiyada hoose dhexe qeybtiisa sare

Waxay xukuumadu go'aansatay in dugsiyada hoose dhexe qeybtooda sare ((sannad dugsiyeeka 7-9 ee dugsiga aasaasiga ah) ay helaan fursad ay ku sameynayaan waxbarashada masaafada fog si looga fogaado saxmad/ciriiri badan oo ka dhaca lookaalada dugsiyada iyo gaadiidka dadweynaha dhexdooda. Go'aanku waxa uu shaqeynayaa laga bilaabo 11 Janaayo.

Waa inuu maamulaha dugsigu marka hore hubiyaa in talaabooyinka kale ee saxmad/ciriiri badan looga hortagaayo la wada sameeyey ka hor inta aan la tixgelin waxbarashada masaafada fog. Tusaale ka mid ah tallaabooyinka lagu yareynaayo halista faafitaanka infegshanka ee lagu xusay go'aanka xukuumada waxa weeye sida in jedwelka wax laga bedelo si aanay ardayda oo dhami hal mar dugsiga ugu wada joogin isla hal waqti, iyo iyadoo la isticmaalaayo lookaalada kale ee bannaan iyo in laga hortago waxqabadyada isku keenaaya dadka fasallada kala duwan iyo kooxaha macallimiinta ah ka socda.

Go'aamadani ma khuseeyo dugsiyada hoose dhexe ee gaarka ah iyo dugsiyada khaaska ah.

Waxa go’aanka xukuumada ku dhigan in dugsiyada hoose dhexe qeybtooda sare ay bixin karto waxbarasho meesha iyo masaafada fog laga qaato.

Waxay wakaalada waxbarashadu labadaas fikradood u sharaxaysaa sida soo socota:

  • Waxbarashada meesha fog ((habka waxarasho ee kombiyuuterka laga qaato) waa waxbarasha isdhexgal leh oo lagu sameeyo farsamada isgaarsiinta teknolojiyada iyo macluumaadka halkaas oo ardayda iyo macallimiintu ay kala maqan yihiin/meelo kala duwan joogaan laakiin ay wakhti ahaan wada joogaan.
  • Waxbarashada masaafada fog (habka waxarasho ee waraaqaha/casharada laguu soo diraayo) waxay noqon kartaa hab la mid ah/analoog ah iyo mid dijitaal ah labadaba. Ardayda iyo macallimiinta ayaa badanaa kala maqan, laakiin ay wada shaqeyn karaan isla waqti ama, tusaale ahaan shaqo ay tahay in la qabto waqtiga loogu talogalay gudahiis. Waxay ardaydu iyo macallimiintu badanaa isticmaalaan barxado/meelo la wadaagaayo sida dukumenti la wadaago, fiidiyowga la iska waco iyo chatt-ka. Waxay noqon karaan qaar goob ahaan iyo wakhti ahaanba kala qeybsan.

Linkiyada aad ka helayso macluumaad dheeri ah (ku qoran af Iswiidhish):

Warbixin ku saabsan go’aanka xukuumada

Macluumaadka ka socda wasaaradda Waxbarashada (pdf)

Wakaalada Dugsiyada iyo waxyaabaha ku saabsan waxbarashada masaafada fog

2021-01-08 N104

Xayiraad cusub oo lagu soo rogaayo dukaamada iyo jiimka

Laga bilaabo 10 Janaayo waa in dukaamada, suuqa laga adeegto, jiimka, barkada dabaasha ay tiriyaan tirada dadka soo booqanaaya si uu qof kastaa toban mitir oo laba jibbaaran ugu helo. Waxa intaas dheer in xadka ugu badan oo sideed qof oo ka qeybqaate ay sidoo kale shaqeyn doonto munaasabadaha gaarka ah ee lookaalada xafladaha iyo ururada/jaaliyadaha. Taasi ayay dawlada go’aansatay iyadoo kaashanaysa sharciga cusub ee cudurka aafada ah.

Ganacsiyada/waxqabadyada aan xayiraadaha u hoggaansamin ayaa la ganaaxi karaa. Waxa sidoo kale imaan karta in xayiraad la saaro Ganacsiyada/waxqabadyada aan xeerarka raacin.

Macluumaad dheeraad ah waxaad ka helaysaa Folkhälsomyndigheten (ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-01-08 N103

Waxa uu baarlamaanka haa dhahay sharci cusub oo cudurka aafada ah khusyeeya

Waxa uu barlamaanka haa dhahay rayiga ay dawladu soo jeedisay ee ku aadan sharci ku meel gaar ah oo xakameynta cudurka aafada ah. Waxa uu sharcigu suurtogalinayaa in la xadeeyo ganacsiyo/waxqabadyo ka badan kuwa maanta. Tusaale ahaan waxa iyadoo sharciga la kaashanayo la xidhi karaa suuqa laga adeegto iyo jiimka. Sharciga kumeelgaarka ah ee loo yaqaan sharciga covid-19 waxa uu shaqeynayaa laga bilaabo 10 Janaayo ilaa 30 Sibtembar 2021.

Haddii ay dawladda iyadoo sharciga cusub kaashaneysa ay ganacsi/waxqabad xirto ayay tahay inuu baarlamaanka muddo todobaad gudahiis ah uu go'aankaas ku eego.

Länsstyrelserna iyo kamuunada ayaa go'aan ka gaari kara talaabooyinka maxalliga ah, sida tusaale ahaan in ganacsiyada/waxqabadyada qaar la xiro. Waxa sidoo kale suurtogal noqon doonta in xadidaad lagu soo rogo lookaalada iyo goobaha shirarka gaarka lagu qabto.

Dawlada iyo xukuumada ayaa iyagoo sharciga cusub kaashanaaya go'aan ka gaari kara xeerarka xakameynta cudurada faafa oo khuseeya ganacsiyo/waxqabadyo ka badan kuwii hore. Tusaale ahaan, jiimka, goobaha isboortiga, maktabadaha, xeryaha kambinka, matxafyada, xadiiqadaha/beeraha xawayaanka, suuqa laga adeegto, dukaamada, goobaha adeegga sida timojarayaasha, lookaalada xafladaha iyo gaadiidka dadweynaha. Waxa uu sidoo kale sharciga cusubi suurtogalinayaa in la xadido tirada soo booqdayaasha iyo in la badalo saacadaha furitaanka si looga hortago saxmada.

Waxa ay sidoo kale xukuumadu heli doontaa fursado ka badan oo ay ku xakameynayso isticmaalka ay dadku isticmaalayaan goobaha dadweynaha. Waxay taasi noqon kartaa sida tirade inta qof ee iskugu soo ururi karta goobaha dadweynaha/fagaareyaasha umadda iyo mamnuucida in goobaha qaar la joogo/lagu sugnaado. Sida tusaale ahaan barkadaha dabaasha, xadiiqadaha/jardiinooyinka magaalada ama wixii la mid ah.

Wax dheeraad ah ka akhri go'aanka baarlamaanka ee ku saabsan sharci cusub ee cudurka aafada ah(waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2021-01-06 N102

Talaalka Moderna ayaa lagu ansixiyay Midowga Yurub

Hey'adda dawooyinka ee Yurub (europeiska läkemedelsmyndigheten) waxay soo jeedinaysaa in la ansixiyo talaalka Moderna ee covid-19 ku lidka ah. Komishanka Midowga Yurub waxa uu Arbacadii talaalka siiyey waxa loo yaqaano ogolaanshaha shuruudda leh.

Qiimeynta EMA ee talaalku waxay muujisay inuu talaalku buuxinaayo shuruudaha Midowga Yurub ee ammaanka, waxtarka, tayada iyo sameynta. Taasi waxay noqon doontaa talaalkii labaad ee covid-19 ku lidka ah ee uu Komishanka Midowga Yurub ansixiyo.

- Talaalada Moderna waxa uu ku saleysan yihiin  tiknoolajiyad la mid ah tii hore loo ansixiyey ee Comirnaty. Talaalka cusubi waxa uu covid-19 kaa difaacayaa boqolkiiba 94, waxa uuna muujiyey saamayn waxyaalaha la filayo oo la aqbali karo, ayay dhahaysaa Charlotta Bergquist, iskuduwaha talaalka ee Läkemedelsverket. 

Tijaabooyinka kiliinikada ee lagu sameeyey ku dhawaad 30 000 oo ka qeybqaateyaal ah waxa lagu baadhayay sida wanaagsan ee uu talaalka Moderna ugu difaacaayo dadka aan horey ugu qaadin covid-19. Waxay iskugeyn ahaan daraasadu muujisay in talaalku uu keenaayo difaad boqolkiiba 94 ah oo ku lid ah covid-19.

Macluumaadka shayga/alaabta ee af Iswidhishka ku qoran oo talaalka ah ayaa la soo saari doonaa sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, ayay soo qoraysaa Läkemedelsverket. Macluumaadka khuseeya xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka, warqad yar ee baakada la socota oo loogu talogalay dadweynaha guud iyo macluumaad ku saabsan shuruudaha ku xiran ansixinta talaalka.

Ansixinta shuruuda lehi waa hab maareyn ah si loogu fududeeyo helitaanka hordhaca ah ee dawooyinka buuxinaaya baahi caafimaad, sida cudurka aafada ee hadda socda.

Linkiyada aad ka helayso macluumaad dheeri ah (ku qoran af Iswiidhish):

Wax dheeraad ah ka sii akhriso  Läkemedelsverket

Komishanka Yurub iyo waxyaabo ku saabsan ogolaanshaha

Jawaabta Dawlada ee ku saabsan su'aalaha  su'aalaha badanaa la iska weydiiyo talaalka covid-19

2021-01-02 N101

Musaafiriinta ka yimid Boqortooyada Ingiriiska iyo Koonfur Afrika ayaa lagu boorinayaa inay tijaabada covid-19 iska qaadaan

Waxay Folkhälsomyndigheten ku guubaabineysaa dhammaan dadka dhawaan joogay Boqortooyada Ingriiska ama Koonfur Afrika inay ugu yaraan todoba maalmood guriga joogaan, inay ilaa inta la kari karro iska ilaaliyaan xiriirada dadka kale iyo inay sida ugu dhakhso badan tijaabo iskaga qaadaan ka dib markay yimaadaan iyagoo baaritaan xiga sameeya shan maalmood ka dib markay yimaadaan. Sidoo kale dadka kale ee qoysku waa inay guriga joogaan ilaa inta natiijada tijaabada la sugaayo.

Sababta keentay guubaabinta ay Folkhälsomyndighetens sameynayso waxa weeye in kiis ka mid ah nooca fayuska covid-19 ee Koonfur Afrika Iswiidhan laga helay. Waxa intaas dheer in dhowr kiis oo fayruska nooca Boqortooyada Ingiriiska laga helay Iswiidhan. Dhammaan kiisaskaas waxa lala xiriirsiinayaa dad joogay oo ka soo safray waddamada ay khusayso. 

- Kiisaska cusubi ma saameynayaan qiimeynta khatarta ee ay Folkhälsomyndighetens ku sameysan xaalada. Laakiin waxaynu xasuusinaynaa muhiimada ay leeyihiin in dhamaan dadka safrayaa/musaafiriinta ahi ay raacaan talooyinka khuseeya ka dib marka la soo joogay Boqortooyada Ingiriiska iyo Koonfur Afrika iyo in dhamaan dadka ka midka ah bulshadu ay raacaan taloda iyo talobixinta hadda shaqeynaysa si loogu yareeyo faafitaanka cudurka, ayuu dhahayaa Anders Tegnell, khabiirka qaranka ee cudurada aafada.

Linkiyada aad ka helayso macluumaad dheeri ah (ku qoran af Iswiidhish):

Wax dheeraad ah ka sii akhriso Folkhälsomyndigheten

Talo bixinta ku saabsan safarka marka la aadaayo ama laga imaanayo Boqortooyada Ingriiska iyo Koonfur Afrika

Wax dheeraad ah oo ku saabsan mamnuucida soo galitaanka  ka sii akhri

2020-12-30 N100

Af dhowre/af gashi la isticmaalaayo gaadiidka dadweynaha dhexdiisa laga bilaabo 7 Janaayo

Waxay Folkhälsomyndigheten ku talinaysaa in dadka musaafiriinta ah ay af dhowre/af gashi  isticmaalaan gaadiidka dadweynaha dhexdiisa. Talodu waxay khuseysaa safarada dhaca xiliga maalmaha shaqada inta u dhaxeysa saacada 7-9 iyo 16-18. Taloda cusubi waxay shaqeynaysaa laga bilaabo maalinta 7 Janaayo 2021.

Waxay taloda guud ee Folkhälsomyndighetens ku socotaa dadka ku safra gaadiidka dadweynaha halkaas oo aanay suurtogal ahayn in masaafad la isku jirsada iyadoo boos la xajisanaayo. Dadka safraayaa waa inay af dhowre/af gashi xirtaan xiliga lagu jiro waqtiyada ay dadka badan caadi ahaan safraan, inta u dhaxeysa saacada 7-9 iyo 16-18 ee maalmaha shaqada.

Dadka safrayaa iyaga ayaa mas'uul ka ah inay iyagu af dhowrehooda/af gashigooda soo qataan, waxaana la doorbidayaa ka leh sumada CE-ga. Shirkadaha ka shaqeeya gaadiidka dadweynaha, ayaa si kastaba ha ahaatee lagula talinayaa inay hubiyaan inay hayaan af dhowre/af gashi ay siiyaan dadka safraaya ee aan helin fursada ay iyagu kooda ku soo qaadanayaan.

Talodu waxay ku wajahan tahay dadka da'da dugsiga sare ku jira (dhashay 2004 iyo wixii ka horeeya) iyo wixii ka weyn.

Linkiyada aad ka helayso macluumaad dheeri ah (ku qoran af Iswiidhish):

Folkhälsomyndighetens warka ku saabsan af dhowreha/af gashiga ee gaadiidka dadweynaha dhexdiisa

Macluumaadka Folkhälsomyndighetens ee ku saabsan isticmaalida afgashiga

2020-12-26 N99

Nooca Covid-19 ee ka soo baxay Ingiriiska ayaa Iswiidhan laga helay

Gobolka Sörmland ayaa xaqiijiyey hal kiis oo nooca fayruska cusub ee covid-19 ee isbeddelay ee markii ugu horeysay Ingiriiska laga helay. Raad gurka infefshanka ayaa isla markiiba kiiska la xaqiijiyey lagu sameeyey waxaana la qiyaasayaa in halista faafitaanka ay aad u hooseyso.

Qofka laga helay waxa uu Sörmland ugaga soo safray Boqortooyada Ingiriiska si uu xiliga Kirismaska ugu soo booqdo. Fayruska, oo magaciisa la yidhaahdo VOC202012/01, ayaa loo maleynayaa inuu yahay mid ka faafitaan badan noocyada kale ee fayruska covid-19 ka, laakiin wali waxa socota baadhitaanka lagu sameynaayo sifooyinkiisa.

Waxay Folkhälsomyndigheten dhammaan dadka safarka ku yimid ee Boqortooyada Ingriiska joogay marka laga soo bilaabo 12 Diseembar ku boorinaysaa inay todoba maalmood guriga joogaan, inay ilaa inta suurtogalka ah iska ilaaliyaan xidhiidhada dadka kale iyo inay sida ugu dhakhso badan tijaabo iskaga qaadaan ka dib markay yimaadaan iyadoo baaritaan xigana ay tahay in la sameeyo shan maalmood ka dib markii la yimid.

Linkiyo ay ku qoran yihiin waxyaabo Iswiidhish ahi:

Macluumaad dheeraad ah waxaad kahelaysaa Folkhälsomyndigheten

Booliiska iyo waxyaabaha ku saabsan mamnuucida soo galitaanka ee ka imaanshaha Boqortooyada Ingiriiska iyo Denmark

Talooyinka loo soo jeedinaayo qofka ka soo  safraaya ama ka soo safray Boqortooyada Ingiriiska ee Iswiidhan yimid

2020-12-22 N98

Taloda ku wajahan dukaamada, suuqyada laga adeegto iyo goobaha isboortigaoo laga sii adkeeyey

Folkhälsomyndigheten ayaa cusbooneysiisay talooyinkeeda ku saabsan waxqabadyada. Waxa hadda ka cad inay ganacsiyadu go'aamiyaan tirada dadka ugu badan ee ku dhex jiri kara lookaalada isla hal mar.

Laga bilaabo 23 Diseembar ayaa waxa shaqeynaaya talo bixin cusub oo khuseeya dukaamada, suuqyada laga adeegto iyo goobaha isboortiga. Taloda la cusbooneysiiyay waxay micnaheedu tahay in dadaal dheeri ah la sameeyo si loogu yareeyo saxmad/ciriiriga badan halkaas oo ay caadi ahaan dad badani isugu yimaadaan. Tirada dadka ee ku dhex jira lookaalada waa in lagu beego cabirka dhismaha, qalabaynta iyo nidaamka hawo qaadista.

– Waxa muhiim ah in la xasuusnaado in dad badan wax si wanaagsan u sameynayaan oo ay leeyihiin bey'ad sugan. Laakiin waxa aanu rumeysanahay in taloda laga sii adkeeyey ay waliba hoos u sii dhigi karto faafitaanka infegshaka ee xaalada xasaasiga ah ee aynu hadda ku jirno ee xiliyada fasaxyada hadda soo socda, ayuu dhahayaa Anders Tegnell oo ah khabiirka qaranka ee cudurada aafada.

In la yareeyo faafitaanka ayaa marka ugu horeysa ah mas'uuliyad saaran qofka. Raac taloyinka asaasiga ah: Masaafad u jirso, guriga joog haddii aad calaamadaha ugu yaryar ee covid-19 ah leedahay, guriga ku shaqee markaad kari karto, iska ilaali bey'ada ay saxmad/ciriiri badan ka dhici karo oo waqti la qaado kaliya tiro aad u yar oo xubnaha qoyska ama saaxiibbada ah.

Akhriso warka laga helaayo Folkhälsomyndigheten   (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)
Taloda uu Svensk Handels soo jeedinaayo ee ku saabsan tirada ugu badan iyo qiimo dhimista maalmaha Kirismaska iyo sanadka cusub u dhaxeeya (bogga wuxuu ku qoran yahay iswiidhish)

2020-12-22 N97

Talaalka ku lidka ah Covid-19 27 Diisembar 2020

Taariikhda 27 Diisembar ayaa talaalka ku lidka ah covid-19 lagu bilaabi doonaa guryaha dadka waayeelka ah ee Iswiidhan. Qeybta ugu horeysa ee la keenaayo oo ah 9750 daws ayaa dhammaan gobollada dalka loo qeybin doonaa.

- Hadafku waxa weeye in qof kasta oo 18 sano jir ka weyn iyo sidoo kale qof kasta oo ka yar 18 sano jir oo kooxda khatarta ugu jira ka mid ah la siiyo talaalka sanadka 2021 qeybtiisa hore, ayay dhahaysaa wasiirka arrimaha bulshada ee Lena Hallengren.

Todobaadka soo socda gudahiisa (28 Diseembar - 3 Janaayo), ayaa la sugayaa in la keeno qeybya ugu weyn ee ugu horeysa taas oo qiyaastii ah 80 000 oo daws. Intaas ka dib waxa la sugayaa in la keeno qiyaastaa taas la mid ah oo talaalka Pfizer/Biontech ah toddobaad kasta inta lagu jiro bisha Janaayo.

Talaalka ku lidka covid-19 waxa la sameynayaa marka loo baahan yahay. Dadka ku nool guryaha dadka waayeelka ah iyo dadka ku nool guryaha adeega daryeelka, iyo sidoo kale shaqaalaha ka shaqeeya kooxahaas agtooda ayaa marka hore la talaali doonaa.

Akhri warbixinta ka socota dawlada (macluumaadku waxa uu ku qoran yahay Iswiidhish)

2020-12-21 N96

Soo galitaanka oo laga mamnuucay ka imaanshaha Boqortooyada Ingiriiska iyo Denmark

Waxay dawladu Isniintii 21 Diisembar ay sheegtay in la soo rogay mamnuucida soo galitaanka ee ka imaanshaha Boqortooyada Ingiriiska iyo Denmark, taas oo ay sabab u tahay nooca cusub ee fayruska SARS-Cov-2. Waxa ay mamnuucidu dhaqan galaysaa saqbadhka, habeenka ay soo galeyso Salaadada 22 Diisembar. Waxa ay dawladu sidoo kale go’aansatay inay dadka kala taliso safarka aan muhiimka aheyn ee lagu tagaayo Boqortooyada Ingriiska.

Waxay mamnuucidu guud ahaan khuseysaa dadka oo dhan marka laga reebo muwaadiniinta Iswidishka ah ka soo safraaya Boqortooyada Ingiriiska ama Danmark waxa laga celin doono haddii ay isku dayaan inay Iswiidhan safar ku yimaadaan. Waxa ka reeban dadka alaab/badeecad iyo wixii la mid ah sida. Waxa intaa dheer in Denmark laga reebi doono dadka ka shaqeeya ama ku nool Iswiidhan.

Mamnuucida soo galitaanku waxay shaqeynaysaa ilaa iyo 21 Janaayo 2021 ama ilaa inta wax kale la soo sheegaayo.

Diyaaradaha rakaabka ee Boqortooyada Ingriiska ka imaanaaya ayaa la joojin doonaa laga bilaabo saacada 16.00 Isniinta 21 Diisembar illaa Arbacada 23 Diseembar saacada 16.00. Taasi waa iyadoo la sugaayo in arinta ay Midowga Yurub ka wada doodaan. Diyaaradaha xamuulka ayaan ku jirin joojinta diyaaradaha.

Waxay Folkhälsomyndigheten musaafiriinta laga bilaabo 21 Diisembar iyo wixii ka horeeyey ka soo safray Boqortooyada Ingriiska ku boorinaysaa inay iska baadhaan/iska qaadaan tijaabo covid-19 sida ugu dhakhsaha badan ee ugu suurtogalsan. Dadka musaafiriinta ee ka yimid Boqortooyada Ingriiska waxa lagu boorinayaa inay todoba maalmood guriga isku karantiimeeyaan oo ay iska ilaaliyaan xidhiidhada dadka. Tijaabada waa in lagu celiyo maalinta shanaad marka laga soo bilaabo maalinta la soo laabtay.

Linkiyo ay ku qoran yihiin waxyaabo Iswiidhish ahi:

War saxaafadeedka dawlada  Soo galitaanka Iswiidhan oo laga mamnuucay ka imaanshaha Boqortooyada Ingiriiska iyo DenmarkFolkhälsomyndigheten: Talooyin ku socda musaafiriinta ka yimid Boqortooyada Ingiriiska War saxaafadeedka ka soo baxay Dowlada oo ku saabsan kala talinta safarada lagu aadaayo Boqortooyada Ingiriiska
Shirka jaraa'id ee dowladda (oo la duubay)

2020-12-21 N95

Waxa talaalka Pfizer/BioNTech lagu ansixiyay Midowga Yurub

Hey'adda dawooyinka ee Yurub (europeiska läkemedelsmyndigheten) ayaa soo jeedisay in talaalka Pfizer/BioNTech ee ku lidka ah covid-19  la ansixiyo. Komishanka Midowga Yurub waxa uu xitaa Isniintii talaalka siiyey waxa loo yaqaano ogolaansho shuruud leh.

Go'aanka komishanka midowga Yurubka dibayay suurtogal tahay in Midowga Yurub oo dhan talaalka laga bilaabo.

Qiimeynta EMA ee Comirnaty, waa magaca talaalka loogu yeedho, waxay muujisay inuu talaalku buuxinaayo shuruudaha Midowga Yurub ee ammaanka, waxtarka, tayada iyo sameynta.

Tijaabooyinka kiliinikada ee lagu sameeyey ku dhawaad  44000 oo ka qeybqaateyaal ah waxa lagu baadhayay sida wanaagsan ee ay Comirnaty ugu difaaceyso dadka aan horey ugu qaadin covid-19. Waxay isku geyn daraasadu muujisay in talaalku uu keenaayo difaad boqolkiiba 95 ah oo ku lid ah covid-19.

Wax dheeraad ah ka sii akhriso  Läkemedelsverket (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Wax dheeraad ah ka sii akhriso EMA (boggu waxa uu ku qoran yahay af Ingiriisi)

Wax dheeraad ah oo talaalka ku saabsan ka akhri krisinformation.se

2020-12-18 N94

Waxay dowladdu adkeynaysaa xayiraadaha ku wajahan todobaadka Kirismaska

Waxa ay dowlada adkeynaysa xayiraad dhowr ah oo ku wajahan todobaadka Kirismaska iyo sanadka cusub. Xayiraadaha cusub ee la soo rogay waxay shaqeyn doonaan laga bilaabo 24 Diisembar ilaa 24 Janaayo.

  • Ugu badnaan afar qof ayay tahay inay mukhaayadaha miis wada fariistaan. Waxa ay shaqeynaysaa laga bilaabo 24 Diisembar 2020
  • Iibinta khamrigu waa inaanay dhici saacada 20 ka dib. Waxa ay shaqeynaysaa laga bilaabo 24 Diisembar 2020
  • Waxa la xadeynayaa inta qof ee ugu badan booqanaysa rug ganacsi, dukaamada waaweyn, jiimka, iwm. Tirada saxda ah waxa xukumi doona baaxada lookaalka.
  • Waxay Folkhälsomyndigheten soo jeedinaysaa in af gashi la xirto marka la isticmaalaayo gaadiidka dadweynaha xiliyada lagu jiro safarka shaqada iyo waqtiyada kale ee ay adag tahay in saxmad/ciriiri badan laga fogaado. Waxay tilmaamaha cusubi hirgali doonaan 7 Janaayo.
  • Qof kasta oo kari karaa waa inuu guriga ka shaqeeyo. Taasi waxay khuseysaa dawlada, gobollada, kamuunka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Waxay shaqeynaysaa isla imikaba ilaa iyo 24 Janaayo.
  • Dhammaan waxqabadyada dawlada, kamuunka iyo gobollada ee aan muhiimka aheyn waa in sida ugu dhakhsaga badan loogu xidho illaa iyo 24 Janaayo. Taasi waxay tusaale ahaan khuseysaa barkadaha dabaasha, lookaalada isboortiga iyo madxafyada.
  • Dugsiyada sare waa in masaafad fog laga qaataa ilaa iyo 24 Janaayo. Dugsiga sare ee gaarka ah ayaa taas ka reeban.

Folkhälsomyndigheten iyo waxyaabaga ku saabsan xadidaada laga sii adkeeyey (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Dawlada iyo waxyaabaga ku saabsan xadidaada laga sii adkeeyey (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

War saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda waxbarashada (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2020-12-17 N93

Tijaabada degdega oo loogu talogalay shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo xanaanada.

Waxa ay dawladu ka qeybqaadanaysaa maal galinta lagu sameynaayo waxa loo yaqaano tijaabada degdega ah si ay goboladu dhakhso ugu ogaan karaan infegshanka tusaale ahaan ku dhex jira guryaha waayeelka. Taas ayay ku wargalinaysaa dawladu.

Waxa loo yaqaano tijaabooyinka degdega ah, baaritaanka difaaca jidhka, ayaa loo isticmaali karaa in lagu kaabo baadhitaanka PCR-ka marka ay jirto baahi loo qabo in awooda baaritaanka la kordhiya. Waxa iyaga tusaale ahaan loo isticmaali karaa baadhitaanada joogtada ah ee ay sameynayaan shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo shaqaalaha jooga xanaanada waayeelka si loogu ilaaliyo dadka bukaanka ah iyo dadka xanaanada loo sameynaayo.

Tijaabooyinka degdega ah waxaa sidoo kale loo isticmaali karaa daryeelka bukaan socodka iyo daryeelka gargaarka degdegga ah, halkaas oo ay muhiim tahay in dhakhso jawaab loogu helo.

Tijaabada difaaca jidhka ayaan ahayn mid la awood ah/u xasaasi ah sida tijaabada PCR-ka, ayey soo qoraysaa Folkhälsomyndigheten. Natiijooyinka baaritaanka shaqaalaha ee aan laga helin/negatifka ah ee aan iyaga dareemeynin inay leeyihiin calaamado ayaan sidaas darteed covid-19 meesha ka saareynin. Sidaas darteed waxa wanaagsan in shaqaalaha si joogto ah loo eego/tijaabiyo, tusaale ahaan hal ama dhowr jeer  todobaadkiiba.

Tilmaamaha la cusbooneysiiyey ee Folkhälsomyndigheten ee ku saabsan difaaca jidhka (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Dawlada iyo waxyaabaga ku saabsan maalgalinta (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2020-12-17 N92

Haweenka uur leh waxa lagu guubaabinayaa inay aad uga taxadiraan inaanay qaadin covid-19

Aqoon cusub oo ku saabsan khatarta sii kordheysa ee covid-19 u leeyahay haweenka uurka leh ayaa keenaysa in Folkhälsomyndigheten ay sii xoojiso oo ay ku soo celceliso talooyinkeeda ku saabsan taxadirka marka laga hadlaayo khatarta lagu qaadaayo infegshanka fayruska Korona.

Daraasado cusub ayaa muujinaysa in haweenka uurka lihi ay leeyihiin khatar ka badan oo ay covid-19 si xun ugu xanuunsanayaan, taas oo noqon karta khatar ka sii sareysa oo keenta in ilmuhu uu xili hore soo dhasho iyo carqaladaha kale ee khatarta ah.

Sidaas awgeed ayay Folkhälsomyndigheten ugu rabtaa inay ka sii adkeyso oo ay ugu soo celceliso talooyinkeeda ay soo jeedinayso ee ah in haweenka uurka leh ay qaar aad uga taxadira ahaadaan. Taasi waxay khuseysaa dhammaan haweenka uurka leh iyo gaar ahaan dhammaadka uurka, marka laga bilaabo todobaadka 36 ee uurka.

- Waxa aynu hadda ognahay inay jirto khatar ka badan oo ay leeyihiin haweenka uurka lehi, waxaanaynu rabnaa inaynu iska ilaalino inay iyagu u baahdaan in la dhigo qeybta la geeyo dadka ay xaaladdooda caafimaad aadka u liidato, maxaa yeelay waxay taasi markay ugu xun/daran tahay hooyada iyo ilmahaba u keeni kartaa khatar aad u weyn, ayuu dhahayaa Anders Tegnell, khabiirka qaranka ee cudurada aafada oo ka tirsan hey'ada Folkhälsomyndigheten.

Khatarta uu xanuun xun ugu imaanaayo ayaa ka sii kordheysa markay waheliyaan xaalado khatar ah oo kale sida tusaale ahaan dhiig karka, sonkorowga/macaanka iyo baruurta/cayilka.

Dhammaan haweenka uurka lehi waa inay aad uga taxadiraan inay raacaan talooyinka la soo jeediyey ee ku saabsan in masaafad la isku jirsado, aad loo ilaaliyo nadaafadda gacmaha, iyo in sidoo kale la iska ilaaliyo xiriirada bulshada ee ka baxsan koox tiro yar, oo la iska ilaaliyo saxmad/ciriiri badan.

Waxa kaloo ay Folkhälsomyndigheten rabtaa inay haweenka uurka leh ku dhiirrigeliso inay iska talaalaan hargab xiliyeedka caadiga ah.

Wax dheeraad ah ka sii akhriso  Folkhälsomyndigheten (macluumaadku waxa uu ku qoran yahay Iswiidhish)

2020-12-10 N91

Fariin Sms ah oo ay ku qoran tahay macluumaad ku saabsan covid-19

Maalinta Isniinta ee 14 Diseembar ayaa dadweynaha Iswiidhan degan fariin sms ah loo soo dirayaan. Ujeeddada taas laga leeyahay ayaa ah in dadka la wargaliyo/ogeysiiyo xeerarka laga sii adkeeyey iyo talooyinka guud oo markaas wadanka oo dhan ka shaqeyn doonta.

Si loogu dhimo faafinka covid-19 ee Iswiidhan ayay tahay inuu qof walba ka qeybqaato, iyadoo la raacaayo xeerarka iyo talooyinka guud ee ay Folkhälsomyndighetens soo jeedinayso. Taariikhda 14 Diseembar ayaa waxa wadanka oo dhan ka shaqeyn doona talo bixinta cusub oo laga sii adkeeyey. Taloda laga sii adkeeyay ayay micnaheedu tahay in dhamaan dadka oo dhan uu waajibaad/masuuliyad ka saaran yahay inuu naftiisa iyo ta dadka kaleba ka illaaliyo faafitaanka covid-19.

Fariinta sms-ta ee la diraayo ayaa loo sameynayaa si dadka ugu badan ee suurtogalka ay talooyinka cusub ugu ogaadaan.

Waxa farriinta sms-ta ku qoran/dhigan: Macluumaadka ka socda dawlada: Raac talo bixinta cusub ee laga sii adkeeyay si loogu joojiyo faafitaanka covid-19. Wax dheeraad ah ka akhri bogga internedka ee Krisinformation.”

Fariinta waxa loo diri doonaa dhamaan macaamiisha telefoonka moobaylka haysta ee dalka joogta.

Macluumaadka ay fariintu xambaarsan tahay waxa soo saaray MSB iyo Folkhälsomyndigheten, iyagoo dawlada ka wakiil ah, waxaana farriinta diraaya shirkadaha telefoonka kuwaas oo u macaamiishooda u diraaya.

Waa kuwan xeerarka qaranka iyo talooyinka guud oo la soo koobay:

Ku soo xadee dad la kulankaaga/is dhexgalka bulshda koox yar uun

Khatarta in la qaado covid-19 oo la faafio ayaa sii kordheysa marba marka dad ka sii badan lala kulmo. Sidaa darteed ayay muhiim ugu tahay in la xadeeyo tirada kulamada xitaa inta lagu jiro fasaxyada waaweyn oo wax la is waafajiyo/wax lala qabsado. In masaafad la isku jirsado, dibada lagu kulmo ama dhijitaal ahaan lagu kulmo ayaa yareyneysa khatarta faafitaanka fayruska. Xiriirada dhow dhow ee cusub waa in la xadidaa. Dad la dhaqanka/Isdhexgalka bulshada waa inuu kaliya u dhacaa si kooxo yaryar ah. Waa inaad sidoo kale iska ilaalisaa inaad dhowr kooxo oo kala duwan aad ku jirto. Marba marka dadka kulmayaa ay ka sii yar yihiin ayay ka wanaagsan tahay. Waxa sidoo kale muhiim ah in laga fogaado waxqabadyada iyo ba'adaha keenaaya khatarta sii kordheysa ee infegshanka, tusaale ahaan dhammaan xaaladaha laga yaabo inay saxmad/ciriiri badan uu imaan karro.

Si amman ah ugu safar

Wixii safaro ahi waa inay u dhacaan si dhatarta faafitaanka cudurka dhimeysa. Ka fikir inaad xadido safarada gaadiidka dadweynaha ilaa inta suurtogalka ah. Iska ilaali inaad la kulanto xiriiro cusub inta lagu jiro safarka iyo goobta aad ku safraysaba, waxa ka baxsan kooxda yar ee aad si dhow ugu wada xiriirtaan. Waa inaad sidoo kale hubisaa inaad is karantiimey karto ama aad guriga si sugan ku aadi kartid haddii aad isku aragto calaamado covid-19. Qorshee safarkaaga si aad ugu dooran karto boos aad xajisato, dooro qaababka kale ee lagu safro ee aan aheyn kuwa gaadiidka dadweynaha la raacaayo halkas oo tigidh kursi aan la bixinin. Marka hore waa inaad doorataa qaababka kale ee aad ku safreyso sida lugta, baaskiilka ama inaad gaarigaaga qaadatid. Iska ilaali xiliyada bixitaanka ee saxmad/ciriiri badan jiro.

Infegshanka ka ilaali kooxaha fayruska khatarta ugu jira  

Dadka waayeelka ah iyo dadka kale ee ka tirsan kooxaha khatarta ugu jira waxa uu cudurku u keenayaa khatar weyn. Waxa sidaas darteed muhiim ah in labada qof ee qofka ka tirsan kooxda khatarta ugu jirta iyo qofka bey'adooda ka tirsanba ay hubiyaan in kulanku uu ugu dhici karo si amman ah. Waxa xitaa halkan shaqeynaaya in la xadido tirada xiriirada la leeyahay, in masaafad la isku jirsado, in la raaco tilmaamaha nadaafada gaanta iyo in la hubiyo in qofka muujinaaya calaamadaha ugu yaryar ee covid-19 uu iska daayo inuu kulan sameeyo. Ilaa inta aan wax mamnuucid ah la soo rogin ayaa booqashooyinka guryaha hoyga gaarka ah ee waayeelka la sameyn karaa. Taasi waa inay u dhacdaa si amman ah oo waafaqsan habdhaqanka booqashada hoyga. Ka hubi waxqabadka ama kamuunkaaga waxay yihiin xeerarka shaqenayaa.

2020-12-09 N90

Waxay dawladu soo jeedinaysaa sharci ku meel gaar ah oo khuseeya cudurka aafada ah

Waxay dawladu soo jeedinaysaa sharci  ku meel gaar ah oo khuseeya cudurka aafada ah oo loogu talogalay covid-19 uu shaqeeyo laga bilaabo 15 Maarso 2021 illaa Maarso 2022. Ujeeddada sharciga loo sameynaayo waa in waxqabadyo ka badan kuwa maanta jira loogu dabaqo xeerka xakameynta infegshanka.

Hindisaha ayaa hadda wada tashi loogu diray dhinacyada ay khuseyso.

Waxqabadyada la soo jeediyey in lagu dabaqo waa:
•    isku imaadyada/kulamada dadweynaha iyo munaasibadaha.
•    goobaha wakhtiga firaaqada- ama waxqabadyada    hiddaha iyo dhaqanka la xiriira
•    goobaha ganacsiga
•    gaadiidka dadweynaha
•    isticmaalka ama u oggolaanshaha meelaha kulammada gaarka ah lagu sameeyo

Waxa sidoo kale la soo jeedinayaa fursad lagu xadidaayo xuquuqda dadka ee ah inay joogaan goobaha fagaareyaasha dadweynaha iyo dad intee leeg ayaa wada joogi kara. Taasi waxay noqon kartaa:meelaha lagu dabaasho, baarkiyada/beerta/jardiinada ama wixii la mid ah. Waxa ay dawladu xitaa kamuunka siin kartaa xuquuqda ay go'aan kaga gaarayaan mamnuucida in la joogo goob khaas ah.

Xaaladaha aadka u sii khatarta ah ayaa la soo jeedinayaa fursada go'aan lagaga gaari karro tallaabooyin aad uga sii muhiimsan/cawaaqib weyn si loogu hakiyo saxmada/ciriiriga badan. Waxa ay taasi noqon kartaa xidhitaanka tusaale ahaan dukaamada, gaadiidka dadweynaha ama suuqaqa laga adeegto.

Warka oo dhan ka akhriso bogga dowladda  (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Xadidaadaha iyo mamnuucida

2020-12-08 N89

Folkhälsomyndigheten: Xadee dad la kulankaaga/is dhexgalka bulshda inta lagu jiro xiliyada ciidaha waaweyn

Laga bilaabo 14 Diseembar ayaa talobixinta gobolka lagu beddeli doonaa xeerarka qaran ee laga sii adkeeyay iyo talobixinta guud, ayay soo qoreysaa Folkhälsomyndigheten.

Ku soo xadee dad la kulankaaga/is dhexgalka bulshda koox yar uun

Khatarta in la qaado covid-19 oo la faafio ayaa sii kordheysa marba marka dad ka sii badan lala kulmo. Sidaa darteed ayay muhiim ugu tahay in la xadeeyo tirada kulamada xitaa inta lagu jiro fasaxyada waaweyn oo wax la is waafajiyo/wax lala qabsado. In masaafad la isku jirsado, dibada lagu kulmo ama dhijitaal ahaan lagu kulmo ayaa yareyneysa khatarta faafitaanka fayruska. Xiriirada dhow dhow ee cusub waa in la xadidaa. Dad la dhaqanka/Isdhexgalka bulshada waa inuu kaliya u dhacaa si kooxo yaryar ah. Waa inaad sidoo kale iska ilaalisaa inaad dhowr kooxo oo kala duwan aad ku jirto. Marba marka dadka kulmayaa ay ka sii yar yihiin ayay ka wanaagsan tahay. Waxa sidoo kale muhiim ah in laga fogaado waxqabadyada iyo ba'adaha keenaaya khatarta sii kordheysa ee infegshanka, tusaale ahaan dhammaan xaaladaha laga yaabo inay saxmad/ciriiri badan uu imaan karro.

Si amman ah ugu safar

Wixii safaro ahi waa inay u dhacaan si dhatarta faafitaanka cudurka dhimeysa. Ka fikir inaad xadido safarada gaadiidka dadweynaha ilaa inta suurtogalka ah. Iska ilaali inaad la kulanto xiriiro cusub inta lagu jiro safarka iyo goobta aad ku safraysaba, waxa ka baxsan kooxda yar ee aad si dhow ugu wada xiriirtaan. Waa inaad sidoo kale hubisaa inaad is karantiimey karto ama aad guriga si sugan ku aadi kartid haddii aad isku aragto calaamado covid-19. Qorshee safarkaaga si aad ugu dooran karto boos aad xajisato, dooro qaababka kale ee lagu safro ee aan aheyn kuwa gaadiidka dadweynaha la raacaayo halkas oo tigidh kursi aan la bixinin. Marka hore waa inaad doorataa qaababka kale ee aad ku safreyso sida lugta, baaskiilka ama inaad gaarigaaga qaadatid. Iska ilaali xiliyada bixitaanka ee saxmad/ciriiri badan jiro.

Infegshanka ka ilaali kooxaha fayruska khatarta ugu jira  

Dadka waayeelka ah iyo dadka kale ee ka tirsan kooxaha khatarta ugu jira waxa uu cudurku u keenayaa khatar weyn. Waxa sidaas darteed muhiim ah in labada qof ee qofka ka tirsan kooxda khatarta ugu jirta iyo qofka bey'adooda ka tirsanba ay hubiyaan in kulanku uu ugu dhici karo si amman ah. Waxa xitaa halkan shaqeynaaya in la xadido tirada xiriirada la leeyahay, in masaafad la isku jirsado, in la raaco tilmaamaha nadaafada gaanta iyo in la hubiyo in qofka muujinaaya calaamadaha ugu yaryar ee covid-19 uu iska daayo inuu kulan sameeyo. Ilaa inta aan wax mamnuucid ah la soo rogin ayaa booqashooyinka guryaha hoyga gaarka ah ee waayeelka la sameyn karaa. Taasi waa inay u dhacdaa si amman ah oo waafaqsan habdhaqanka booqashada hoyga. Ka hubi waxqabadka ama kamuunkaaga waxay yihiin xeerarka shaqenayaa.

2020-12-03 N88

Dugsiyada sare waa inay u wareegaan waxbarashada masaafada fog

Waa in laga bilaabo taariikhda 3da Diseembar dugsiyada sare ee wadanka oo dhan qeyb ahaan la xiro oo ay u wareegaan waxbarashda meel fog iyo masaafada fog laga qaato. Taas ayay Folkhälsomyndigheten soo jeedinaysaa.

Talaabadu waa mid lagu kaabaayo talaabooyinka kale ee xakameynta infegshanka xiliga dayrta iyadoo ay sabab u tahay faafitaanka sii kordhaaya ee covid-19.

Ujeeddadu waxa weeye in weliba la sii dhimo saxmada/ciriiriga badan ee bulshada dhexdeeda iyo gaadiidka dadweynaha ka jirta. Waxaanu sidoo kale rabnaa inaanu sheegno/tilmaamno muhiimada ay leedahay in ardayda dugsiga sare ay raacaan taloda guud ee khuseysa waxyaabaha ay ka midka yihiin, in xitaa masaafad la isku jirsado waqtiga firaaqada, ayuu dhahayaa agaasimaha guud ee Folkhälsomyndigheten Johan Carlson.

Talodii xiliga guga la soo jeediyey ee ku saabsaneyd waxbarashda meesha iyo masaafada fog laga qaato ee dugsiyada sare ayaa meesha laga saaray 15 Juun. Saamaynta muddada fog ee waxbarashda masaafada fog ayaan weli muuqaal guud laga qaadan karin. Waxa sidaas darteed muhiim ah in xiliga kalaguurka ahi uu hadda u dhaco si taxaddir leh, ayay u jeedaa Folkhälsomyndigheten.

Kormeerida Dugsiyada ayaa warbixin  ku xaqiijisay in ardeyda dhigata barnaamijka hordhaca ah (introduktionsprogrammen) oo uu ku jiro barnaamijka barashada luqadda ee hordhaca ah ayay caqabado gaar ahi soo gaartey intii lagu jiray barashada masaafada fog ee sanadka. Taas mid la mid ah ayaa haysata ardeyda qabta walaaca bulsho ahaaneed ama ku nool guryaha diiqa/ciriiriga ah, arday u baahan inay xiriir dhow la yeeshaan macallinkooda, ama ardayda ay ku adag tahay inay yeeshaan qaab iyo nidaam/jedwalka ay ku sameynayaan waxbarashadooda. Ardaydaasi ayaanay sidaas darteed khuseynin/ka qeyb aheyn talobixinta cusub ee ku saabsan waxbarashada masaafada fog. Warbixinta halkan ka akhri (Macluumaadku waxa uu ku qoran yahay Iswiidhish)

Waxyaabaha kale ee ka reeban soo jeedinta Folkhälsomyndigheten waa:

  • qeybaha gacanta laga qabanaayo ee aan dib loo dhigi karin
  • Imtixaanka qaranka
  • imtixaanada kale oo aanay suurtogal aheyn in meel fog lagu sameyn karo
  • ardayda dhigata barnaamijka hordhaca ah (introduktionsprogrammen) oo uu ku jiro barnaamijka barashada luqadda ee hordhaca
  • ardayda sida kale ugu nugul waxbarashada masaafada fog.

Wararka laga helaayo Folkhälsomyndigheten  (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

War saxaafadeedka ka soo baxay dawladda (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2020-12-01 N87

Carruurta aan calaamadaha laheyni waa inay guriga joogaan haddii qof qoyska ka mid ahi uu covid-19 qabo

Xitaa carruurta yar yar ee la nool qof covid-19 qaba waa inay guriga joogaan, sida ay sheegtay Folkhälsomyndigheten, taas oo beddelaysa talo bixinteeda ay soo jeedineyso.

Waxa ay horey talo bixintu ugu khusaysay ardayda waaweyn, sida ardayda dugsiga sare dhigata. Folkhälsomyndigheten waxa ay u aragtaa inaan isbeddelka wax saameyn ah oo weyn ku yeelan doonin faafitaanka infegshanka ee ka dhaceysa dugsiga ama guud ahaan bulshada dhexdeeda.

-Waxa uu ujeedada isbedelka yahay in la abuuro xasilooni/deganaansho iyo degaan buuq ayar oo shaqada ku fiican, iyo in la suurtogaliyo in diirada la saaro shaqada habka waxbarista ee dugsiga. Waxa aanu rajeyneynaa inay talo bixintu dhimi karto walaaca aanu ognahay in macallimiin badan iyo shaqaaleha kaleba ay qabaan ee ku wajahan qaabilaada carruurta leh qof guriga jooga oo covid-19 qaba, ayay dhahday Britta Björkholm, madaxa waaxda ee Folkhälsomyndigheten.

Folkhälsomyndigheten waxa ay dooneysaa inay carrabka ku adkeyso qiimeynta ku wajahan  faafinta ay carrurtu fayruska faafineyso ee hooseeya iyo inay guud ahaan calaamado khafiif ah yeeshaan oo aanay aheyn qaar iyagu wada faafida fayruska, inay taasi tahay wax sii jira.

Macluumaad dheeraad ah oo laga helaayo Folkhälsomyndigheten   (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2020-11-26 N85

Talaalada loogu talogalay covid-19 ayaa haddii ay ugu soo horeyso la heli karaa janaayo 2021

Is talaalista loog talogalay covid-19 ee Iswiidhan ayaa sida u qorsheysan haddii ay ugu soo horeyso bilaabmaaya Janaayo 2021.

Talaaladu waxay bilaabmi karaa ka dib marka ay talaalado soo maraan baaritaan ee ka dibna la ansaxiyo. Hadda waqtigan xaadirka ah, ayaa hey'ado badan isku diyaarinayaan talaalka soo socda, waxa kuwaas ka mid ah Folkhälsomyndigheten, Läkemedelsverket, Socialstyrelsen, hälso- och sjukvårdsregionerna, smittskyddsenheterna iyo SKR.

- Marka hore waa inay talaaladu soo maraan baaritaanada loo baahan yahay oo loona ansaxiyo isticmaalid. Anaga qiimeyntayadu waxa ay tahay in talaaladu ay ugu horeyn bilaabi karaan bisha Janaayo, ayuu dhahayaa khabiir cudurada aafada ee qaranku Anders Tegnell.

Kooxaha marka ugu horeya la siin doono tallaalku waa kooxaha khatarta ku jira iyo dadka 70 sano jirka ah iyo wixii ka weyn. Marka laga reebo kuwaas waxa mudnaanta la siinayaa shaqaalaha daryeelka waayeelka, shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo bukaanka iyo shaqaalaha kale ee daryeelka xanaanada ee dadka khatarta ku jira agtooda ka shaqeeya.

Waxaa jiray warbixino sheegaaya waxyaalo ay ka mid yihiin in Mareykanka iyo wadamo Midowga Yurub ka yirsan ay hadda qorsheynayaan inay is talaalista bilaabaan ka hor inta aan talaallada la ansaxin. Taasi hadda Iswiidhan ma khuseyso.

- Iswidhan ayaa is talaalistu ay ugu dhacaysaa sida waafaqsan qorshaynta hadda jirta iyo habab loo maro ansaxinta, ayuu dhahayaa Anders Tegnell.

2020-11-21 N84

Fursada aaska loogu sameynaayo iyadoo ugu badnaan 20 ka qeybqaate joogaan

Si looga hortago faafitaanka fayruska covid-19, ayay dawladu go'aan ka gaartay inay guud ahaan mamnuuc tahay in la abaabulo isku imaadyada/kulamada dadweynaha iyo munaasibadaha ee wax ka badan sideed ka qeybqaate joogaan. Waxa laakiin taas ka reeba aaska oo ay ugu badnaan 20 ka qeybqaate joogayaan.

Ka reebanaantu waxay khuseysaa isku imaatinnada/kulamada gudashada waajibaadka diin ahaaneed ee la sameeyo marka qof dhinto, haddii tirada ka qaybqaatayaasha aanay ka badnayn 20. Waxa ka reebanaanta micnaheedu tahay inay suurtogal tahay in la qabto xafled ducaysi aaska/jinaasada aaska, dhigista weelka danbasku qofka marka la gubo uu ku jiro iyo wixii la mid ah. Ka reebanaantu waxa loo isticmaali karaa iyadoo aan loo eegaynin diinta ay khuseyso.

Taasi waxay shaqeynaysaa laga bilaabo 24 Noofembar 2020 iyadoo meesha laga bilaabayaa ay tahay inaanay shaqeynin wax ka badan afar toddobaad.

Macluumaad dheeraad ah oo bogga dowladda  (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2020-11-19 N83

Waxa ay Folkhälsomyndigheten haysataa fursad ay ugu soo rogeyso mamnuucidda booqashada ee maxaliga/meelaha qaar u gaarka ah ee guryaha waayeelka.

Waxa ay maanta Dawladu go'aansatay inay Folkhälsomyndigheten siiso fursada ay ugu soo rogeyso amarada xakamaynta ee maxaliga/meelaha qaar u gaarka ah ee mumnuucida booqashooyinka guryaha waayeelka.

Xilliga dayrta ayaa faafitaanka infegshanku uu Iswiidhan  kordhay. Si looga hortago faafitaanka covid-19, ayay dawladu sidaas darteed go'aansatay sharci Folkhälsomyndigheten u oggolaanaaya inay go'aan ka gaarto amarrada mumnuucida booqashooyinka ee guryaha waayeelka. Waxa ay taas macnaheedu tahay in mumnuucida booqashooyinka la waafajin karo kolba sida ay xaalada deegaanka u eeg tahay.

Meelaha mumnuucida booqashooyinka maxaliga/meelaha qaar u gaarka ah lagu soo rogay ayaa maareeyaha shaqada/waxqabadku uu awoodi doonaa inuu sameeyo kiisas/waxyaabo ka reeban oo uu tusaale ahaan u oggolaado booqashooyinka sayga, xaaska/oorida iyo lammaanaha.

Waxa uu xeerku dhaqan galayaa taariikhda Noofembar 2021 isgoo shaqeynaaya ilaa iyo febraayo 2021.

Akhriso war saxaafadeedka ka soo baxay dawladda (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2020-11-19 N82

Talo bixinta guud oo laga sii adkeeyey ayaa ka jirta Jämtlands

Tirada dadka ee lagu sheegay inay qabaan covid-19 ee Jämtlands jooga ayaa xoog ugu sii kordhay. Sidaad darteed ayaa hadda la soo rogayaa taloda guud oo laga sii adkeeyey si loogu dhimo saxmada/ciriiriga badan iyo tirada xiriirka ee dadka ka dhexeeya. Go'aanku waxa uu shaqeynayaa ilaa 13 Diisembar 2020, laakiin waa la sii dheereyn karaa.

Faafitaanka fayruska ee sii kordhaya dartiis ayaa hadda loogu baahan yahay talaabooyin dheeri ah marka lagu daro xeerarka iyo taloda guud ee Folkhälsomyndighetens ka socota. Sidaa darteed ayuu agaasimaha guud ee Folkhälsomyndighetens Johan Carlson, isagoo la tashanaaya kuwo ay ka midka yihiin dhakhaatiirta xakamaynta cudurada faafa, Länsstyrelsen iyo Region Jämtland Härjedalen, ay go'aansadeen in golada guud oo laga sii adkeeyey ay ka shaqeyso wakhti xaddidan si mar kale looga sii joojiyo fiditaanka.

Laga bilaabo 19 Noofembar waxa lagu boorinaaa dhamaan dadka dhex jooga Jämtlands inay:

  • Haddii ay suurtogal tahay iska ilaaliyaan inay xiriir jidhka/taabasho jir ahaaneed la yeeshaan dadka kale ee aan ahayn kuwa lala noolyahay. Waxay taas micnaheedu tahay waxa ka mid ah in lagaala talinaayo inaad qabanqaabisid ama ka qeybqaadatid xaflad ama kulamada kale ee bulshada. Waa in sidoo kale laga fogaado waxqabadyada qaar keena in la sameeyno iyadoo aan masaafad dadka kale laga fogaanaynin, sida isboortiga la istaabanaayo ama daryeelka caafimaadka iyo is qurxinta oo aan caafimaadka xiriir la laheyn.
  • Ka fogow sameynta safarada aan daruuriga aheyn. Safarada gobolka gudahiisa ama gobollada kale dhexdooda ah ayaa gacan ka geysan kara korodhka fiditaanka cudurka maadaama oo badanaa lala kulmo dad cusub, taas oo keeneysa in silsilad cusub oo infegshanka ahi bilaabanto. Waa in sidaas darteed, ilaa inta ay suurtogal tahay, laga fogaado safarada noocaas ah. Talodu waxa ay sidoo kale khuseysaa safarada lagu aadaayo ama lagaga imaanaayo gobollada kale. Talodaas ayaan ujeedadeedu aheyn in dadka laga hor istaago inay tusaale ahaan aadaan shaqo, waxbarasho/hawl ama daryeelka loogu baahan yahay in goobta la joogo.

Talo bixinta guud ee laga sii adkeeyay ee la xiriirta goobaha shaqada iyo waxqabadyada

Go'aanka waxa sidoo kale ku jira talo bixinta guud ee laga sii adkeeyay ee la xiriirata goobaha shaqada iyo waxqabadyada – sida tusaale ahaan dukaamada, xarumaha ganacsiga iyo goobaha isboortiga ee Jämtlands.

  • Waxqabadyada iyo loo shaqeeyeyaasha waxa inay qaadaan talaabooyin si uu qof kastaa ugu raaci karo talooyinka guud ee kor ku xusan. Talaabooyinka loo shaqeeyayaashu waxay noqon karaan ku dhiirrigelinta shaqaalaha inay guriga ku shaqeeyaan, iyadoo la siiyo fursado dheeri ah oo ay guriga kaga soo shaqeynayaan, iyo in dib loo dhigo safarada shaqadu dadka dirto, shirarka iyo kulammada kale ee jir aheed/tooska ah. Waxqabadyada kale waxay dhimi karaan tirada soo booqdayaasha ah ee isla waqti meesha wada joogta, lagu beego saacadaha furitaanka, oo la soo bandhigo fursadaha waxqabadka dhijitaalka ah.

2020-11-18 N81

Dugsiyada sare waxa ay isticmali karaan waxbarashada masaafada fog si loogu xadido faafitaanka fayruska

Laga bilaabo Isniinta 23 Noofambar ayay dugsiyada sare isticmaali karaan waxbarashada masaafada fod si ay ugu kaabaan waxbarashda goobta la joogo. Taasi waa si loogu yareeyo saxmada/ciriiriga badan ee lookaalada dugsiga dhexdiisa iyadoo ay sidaas darteedna dhimneyso khatarta covid-19 uu ugu faafaayo ardayda iyo shaqaalaha dhexdooda. Markii hore ayaa waxbarashada masaafada fog kaliya loogu oggolaan jiray saxmada/ciriiriga badan ee ka jira gaadiidka dadweynaha darteed.

Dugsiyada sare waa inay marka hore eegeen/tixgeliyeen fursadaha kale ee lagu dhimaayo saxmada/ciriirga badan, ayay soo qoraysaa dawladda. Tusaale ahaan waxa jedwal samaynta la waafajin karaa, iyadoo dhismayaasha kale la isticmaalaayo ama xilliga maalinta dugsiga la dheereynaayo. Waxbarashada ayaa sidoo kale dhici kartaa fiidkii ama maalmaha fasaxa todobaadka.

Xeerka guud ee Sharciga dugsigu waa casharada iyadoo goobta la joogo la qaato. Dugsigu waa inuu tixgeliyo haddii ay ku habboon tahay in la sameeyo waxbarashada masaafada fog iyadoo laga eegaayo/lagu saleynaayo xaaladaha iyo baahiyaha kala duwan ee ardayda.

Macluumaad dheeraad ah oo laga helaayo dawlada (boggu waxa uu ku qoran yahay Iswiidhish)

2020-11-17 N80

Waxay Iswiidhan ka qeybqaadaneyaa heshiis kale oo dheeri ah oo tallaalka covid-19 khuseeya

Waxay Iswiidhan ka qeybqaadan doontaa heshiis ay u dhan yihiin Midowga Yurub oo ku saabsan iibsashada tallaalka covid-19 ee Pfizer/BioNTech. Waa shirkaddii saddexaad ee ay dowladdu heshiis la saxeexato iyadoo haddii ay dhacdo in tallaallada la ansixiyo ay Iswidhan hadda sugtay helitaanka dawsas ku filan dhamaan dadweynaha oo dhan.

Waxay Iswiidhan horey ugu go’aansatay inay ka qeybqaadato heshiisyada ay u dhan yihiin Midowga Yurub ee lala galay AstraZeneca iyo Janssen Pharmaceutica NV (Johnson & Johnson). Heshiisyo kale oo badan ayaa laga yaabaa inay mustaqbalka yimaadaan/soo baxaan.

Fikradda ka danbeysa in heshiis lala galo dhowr shirkadaha dawooyinka sameeya oo kala duwan ayaa ah in la kordhiyo fursadaha helitaanka tallaalka isla marka ugu horeysa ee uu jiro mid la ansaxiyey.

Linkiyada aad ka helayso macluumaad dheeri ah (dhamaan bogaggu waxay ku wada qoran yihiin af Iswiidhish):

2020-11-16 N79

Waa inay ugu badnaan sideed qof wada kulmaan

Waxay dawladdu soo jeedinaysaa in isku imaadyada/isku ururida dadweynaha la xadido. Laga bilaabo 24 Noofambar iyo afarta todobaad ee ka sii danbeeya ayay tahay in keliya sideed qof ay ka qeybqaataan isku imaadyada/isku ururida dadweynaha iyo kulamada guud. Isla mar ahaantaana waxa meesha laga saarayaa ka reebanaantii hore ee makhaayadaha iyo baararku ay lahaayeen.

Hindisahu waxa weeye in booliisku uu baajin karo ama kala kaxeyn/diri karo isku imaadyada/isku ururida dadweynaha iyo kulamada guud ee ay joogaan in ka badan 8 ka qeybqaate. Qofka abaabula kulan jabinaaya xayiraadda ayaa lagu xukumi karaa ganaax ama xabsi kaas oo ugu badnaan lix bilood ah.

Waxa horeyba ugu jirtay xaddidaad 50 qof aheyd oo kulamada dadweynaha ah, waxay laakiin hadda dawladdu soo jeedinaysaa in la dhimo. Sababtu waxa weeye in la xaddido faafitaanka cudurka fayruska Korona ee covid-19. Sida hindisaha ku xusan ayaa xataa ka reebanaantii laga qaaday isku imaadyada/isku ururida iyo kulamada ka dhacaayay mukhaayadaha iyo baararka.

Xaddidaada cusub ayaa la soo jeedinayaa inay shaqeyso laga bilaabo 24 ka Noofembar. Meesha laga bilaabaayo ayaa ah inaanay shaqeynin wax ka badan afar toddobaad. Laakiin haddii xaaladdu aanay ka soo roonaanin ayaa xayiraadaha la sii dheereyn karaa ilaaa Kirismaska iyo sannadka cusub.

Kulan dadweyne

Kulan dadweyne micnahiisu waa:

  • kulamada ah mudaharaadyo ama sideedaba loo qabto in lagu wada-xaajoodo, lagu cabiro fikradaha ama soo bandhigid guud ama arrimo gaar ah
  • muxaadarooyinka iyo casharo la jeedinayo kuwaas oo loo qabtay waxbarasho ahaan ama loogu talogalay soo gudbin fikrado guud ama muwaadin ahaan
  • kulamada loo qabto diin ahaan
  • soo bandhigyada masrax, bandhigyada shaneemo, bandhig heeso iyo kulamada kale ee loogu talogalay in lagu soo gudbiyo alaab farshaxan ah
  • kulamada kale ee xoriyada kulanka lagu dhaqmayo

Xaflad dadweyne

Xaflad dadweyne micnaheedu waa:

  • tartamada iyo soo bandhigyada isboortiga, ciyaaraha iyo duulista
  • bandhigyada dhaansiga
  • bandhigyada qalaamaa rogadka kolba meel taga iyo xaflad
  • suuqyada iyo carwooyinka
  • kulamada xafladaha kale ee aan loo arkin kulamo dadweyne ama bandhigyada qalaamaa rogadka kolba meel taga

Iskoolada, gaadiidka dadweynaha, munaasabadaha shakhsiga ah iyo booqashada dukaamada ma ku jirto arimahaas.

Macluumaad dheeraad ah oo bogga dowladda  (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2020-11-16 N78

Talo bixinta guud oo laga sii adkeeyey ayaa ka jirta Gävleborg iyo Västernorrland

Tirada kiisaska covid-19 ayaa aad ugu korodhay gobolada Gävleborg iyo Västernorrland. Sidaa darteed ayaa la soo rogayaa taloda guud oo laga sii adkeeyay si loogu joojiyo faafitaanka covid-19 ee gobollada. Taloda guud ee laga sii adkeeyey waxa ay shaqeynaysaa ilaa 13 Diisembar, laakiin waa la dheereyn karaa.

Tirada kiisaska ee sii korodhey ayaa sababatay yahay culeys sii kordhay oo daryeelka caafimaadka- iyo bukaanka ee gobolada. Bukaan badan oo qaba covid-19 ayaa lagu daaweynayaa bukaan-jiifka iyo qeybta xaalada daryeelka degdegga ah. Folkhälsomyndigheten ayaa go'aanka qaartay iyadoo la tashanaysa kuwo ay ka midka yihiin dhakhaatiirta xakamaynta cudurada faafa, länsstyrelser iyo gobollada ka tirsan kamuunada.

Laga bilaabo 16 Noofembar waxa lagu boorinayaa dhamaan dadka dhex jooga Gobolka Gävleborgs och Västernorrlands län inay:

  • Haddii ay suurtogal tahay iska ilaali inaad xiriir jidhka/taabasho jir ahaaneed la yeelato dadka kale aan ahayn kuwa aad la nooshahay. Waxay taas micnaheedu tahay waxa ka mid ah in lagaala talinaayo inaad qabanqaabisid ama ka qeybqaadatid xaflad ama kulamada kale ee bulshada. Waa in sidoo kale laga fogaado waxqabadyada qaar aan la sameyn karin iyadoo aan masaafad dadka kale laga fogaanaynin, sida isboortiga la istaabanaayo ama daryeelka caafimaadka iyo is qurxinta oo aan caafimaadka xiriir la laheyn.
  • Iska ilaali joogitaanka bay'adaha gudaha sida dukaamada, xarumaha ganacsiga, matxafyada, maktabadaha, goobaha dabaasha iyo jiimka. Booqashooyinka daruuriga ah ee tusaale ahaan lagu tagaayo dukaamada raashinka iyo farmashiiyaha ayaa la sameyn karaa.
  • Iska ilaali inaad ka qeybqaadato, tusaale ahaan shirarka, riwaayadaha, bandhigyada, tabobarada isboortiga, kulamada/ciyaaraha iyo tartamada. Laakiin taasi ma khuseyso tabobarada isboortiga ee carruurta iyo dhalinyarada dhalatay 2005 ama wixii ka danbeeyey. Xiriirada dhowdhow ee daruuriga ah, sida tusaale ahaan  booqashooyinka daryeelka caafimaadka iyo baaritaanka caafimaadka, ayaan ku jirin talooyinka la soo jeedinaayo. Waxaase mihiim ah in laga fikiro in qofka leh calaamado laga yaabo inay covid-19 yihiin uu ka fogaadaa dhamaan xiriirada dhowdhow ee dadka kale oo dhan.
  • Ka fogow sameynta safarada aan daruuriga aheyn. Safarada gobolka gudahiisa ama gobollada kale dhexdooda ah ayaa gacan ka geysan kara korodhka fiditaanka cudurka maadaama oo badanaa lala kulmo dad cusub, taas oo keeneysa in silsilad cusub oo infegshanka ahi bilaabanto. Waa in sidaas darteed, ilaa inta ay suurtogal tahay, laga fogaado safarada noocaas ah. Talodu waxa ay sidoo kale khuseysaa safarada lagu aadaayo ama lagaga imanaayo gobollada kale. Talodaas ayaan ujeedadeedu aheyn in dadka laga hor istaago inay tusaale ahaan aadaan shaqo, waxbarasho/hawl ama daryeelka loogu baahan yahay in goobta la joogo.

Talo bixinta guud ee laga sii adkeeyay ee la xiriirta goobaha shaqada iyo waxqabadyada

Go'aanka waxa sidoo kale ku jira talo bixinta guud ee laga sii adkeeyay ee la xiriirata goobaha shaqada iyo waxqabadyada – sida tusaale ahaan dukaamada, xarumaha ganacsiga iyo goobaha isboortiga – ee Gävleborgs iyo Västernorrlands län..

  • Waxqabadyada iyo loo shaqeeyeyaasha waxa inay qaadaan talaabooyin si uu qof kastaa ugu raaci karo talooyinka guud ee kor ku xusan. Talaabooyinka loo shaqeeyayaashu waxay noqon karaan ku dhiirrigelinta shaqaalaha inay guriga ku shaqeeyaan, iyadoo la siiyo fursado dheeri ah oo ay guriga kaga soo shaqeynayaan, iyo in dib loo dhigo safarada shaqadu dadka dirto, shirarka iyo kulammada kale ee jir aheed/tooska ah. Waxqabadyada kale waxay dhimi karaan tirada soo booqdayaasha ah ee isla waqti joogta, lagu beego saacadaha furitaanka, oo la soo bandhigo fursadaha waxqabadka dhijitaalka ah.

Xaddidaadda dadweynaha wax daawanaaya oo illaa 50 qof ah ayaa ka jirta labada gobolba

Länsstyrelserna ee Västernorrland iyo Gävleborg waxay go’ansadeen in tirada ka qeybqaateyaasha ee isku imaadyada/isku ururida dadweynaha iyo kulamada guud ay ugu badnaan ahaadaan 50 qof. Go'aanku waxa uu shaqeynayaa laga bilaabo 18 Noofembar ilaa iyo 13 Diisembar, waana la sii dheereyn karaa. 

Linkiyada aad ka helayso macluumaad dheeri ah (dhamaan bogaggu waxay ku wada qoran yihiin af Iswiidhish):

2020-11-12 N77

Talo bixinta guud oo laga sii adkeeyey ayaa ka jirta Dalarna, Värmland, Västmanland iyo Gotland

Tirada kiisaska covid-19 ayaa aad ugu korodhay gobolada Dalarna, Gotland, Värmland iyo Västmanland. Sidaa darteed waxa maanta laga bilaabo la soo rogayaa taloda guud oo laga sii adkeeyay oo yareyn doonta faafitaanka covid-19 ee gobollada. Taasi waxa ay marka hore shaqeynaysaa ilaa 10 Diisembar 2020, laakiin waa laga sii dheereyn karaa.

Dhamaan dadka jooga gobolada Dalarna, Gotland, Värmland iyo Västmanland waxa lagu boorinayaa inay:

  • Haddii ay suurtogal tahay iska ilaali inaad xiriir jidhka/taabasho jir ahaaneed la yeelato dadka kale aan ahayn kuwa aad la nooshahay. Waxa uu taas micnaheedu yahay waxa ka mid ah in lagaala talinaayo inaad qabanqaabisid ama ka qeybqaadatid xaflad iyo iskutagyada bulshada ee kale ee la midka ah. Waa in sidoo kale laga fogaado waxqabadyada qaar aan la sameyn karin iyadoo aan masaada dadka kale laga fogaanaynin, sida isboortiga la istaabanaayo ama daryeelka caafimaadka iyo is qurxinta oo aan caafimaadka xiriir la laheyn.
  • Iska ilaaliso joogitaanka bay'adaha gudaha sida dukaamada, xarumaha ganacsiga, matxafyada, maktabadaha, goobaha dabaasha iyo jiimka. Booqashooyinka daruuriga ah ee tusaale ahaan lagu tagaayo dukaamada raashinka iyo farmashiiyaha ayaa la sameyn karaa.
  • Iska ilaali inaad ka qeybqaadato, tusaale ahaan shirarka, riwaayadaha, bandhigyada, tabobarada isboortiga, kulamada/ciyaaraha iyo tartamada. Laakiin taasi ma khuseyso tabobarada isboortiga ee carruurta iyo dhalinyarada dhalatay 2005 ama wixii ka danbeeyey.

Xiriirada dhowdhow ee daruuriga ah, sida booqashooyinka daryeelka caafimaadka iyo baaritaanka caafimaadka, ayaan ku jirin talooyinka la soo jeedinaayo. Qofka calaamado laga yaabo inay noqon karaan covid-19 leh waa inuu ka fogaadaa dhamaan xiriirada dhowdhow ee dadka kale oo dhan.

Waxa Dalarna, Värmland iyo Västmanland xataa sidoo kale shaqeynaaya:

  • Inay ka fogaadaan sameynta safarada aan daruuriga aheyn. Safarada ayaa gacan ka geysan kara korodhka faafitaanka infegshanka maadaama oo badanaa lala kulmo dad cusub. Taladaas ayaan khuseynin safarada lagu aadaayo shaqada, waxbarasho/hawl ama daryeelka loogu baahan yahay in goobta la joogo.

Talo bixinta guud ee laga sii adkeeyay ee la xiriirta goobaha shaqada iyo waxqabadyada

  • Waxqabadyada iyo loo shaqeeyeyaasha waxa inay qaadaan talaabooyin si uu qof kastaa ugu raaci karo talooyinka guud. Talaabooyinka loo shaqeeyayaashu waxay noqon karaan ku dhiirrigelinta shaqaalaha inay guriga ku shaqeeyaan, iyadoo la siiyo fursado dheeri ah oo ay guriga kaga soo shaqeynayaan, iyo in dib loo dhigo safarada shaqadu dadka dirto, shirarka iyo kulammada kale ee jir aheed/tooska ah. Waxqabadyada kale waxay dhimi karaan tirada soo booqdayaasha ah ee isla waqti joogta, lagu beego saacadaha furitaanka, oo la soo bandhigo fursadaha waxqabadka dhijitaalka ah.

Macluumaad dheeraad ah oo laga helaayo Folkhälsomyndigheten   (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2020-11-11 N76                                                        

Dowladda: Mamnuucida bixinta khamriga wixii ka dambeeya saacada 22

Wasaaradda arrimaha bulshada (Socialdepartementet) ayaa soo jeedisay sharci cusub oo ku saabsan mamnuucid bixinta khamriga wixii ka dambeeya saacada 22 oo ku meelgaar ah.

Hindisaha ayaa micnahiisu yahay in bixinta cabitaanada khamrada leh iyo cabitaanka laga diyaariyey waxyaalaha khamrada la midka ah la mamnuuco inta u dhaxeysa 22.00 ilaa 11.00, taasi waa si loo yareeyo faafitaanka fayruska korona. Goobaha adeega ayaa sida Folkhälsomyndigheten laga soo xigtey ah meelo khatar badan leh marka laga eego xakamaynta infegshanka maadaama oo ay dadku iskugu soo ururayaan oo ay wakhti dheerna ku wada qaadanayaan boos/meel baaxad ahaan xaddidan iyaguu jidh ahaan isku dhow.

Waxa laga reebayaa bixinta khamrada ee meelaha degaanada gaarka ah iyo adeega qolka ee huteelada loosameeyo ama baararka yaryar ee qolalka dhexdooda ku yaala.

Amarka ayaa la soo jeedinayaa inuu shaqeeyo laga bilaabo 20 ka Noofembar waxaanu sii shaqeynayaa ilaa dhamaadka Febraayo 2021.

Akhiso war saxaafadeedka ka soo baxay dowladda (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Akhriso dhammaan amarka mamnuucida bixinta khamrada (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2020-11-10 N75

Talo bixinta guud oo laga sii adkeeyey ayaa lagu soo rogay Kalmar, Västerbotten iyo Norrbotten

Folkhälsomyndigheten, länsstyrelserna iyo dhakhaatiirta xakamaynta cudurada faafa ee gobollada Kalmar, Västerbotten iyo Norrbotten ayaa go'aansaday taloda guud oo laga sii adkeeyay ee dadka gobolka ay khuseyso jooga. Ujeeddadu waxa weeye in weliba la sii dhimo saxmada/ciriiriga badan iyo tirada xiriirka ee dadka ka dhexeeya. Go'aanku waxa uu shaqeynayaa ilaa iyo 8 Noofembar, laakiin waa laga sii dheereyn karaa.

Laga bilaabo 10 Noofembar dhamaan dadka dhex jooga Kalmar län, Norrbottens län iyo Västerbottens län waa inay:

  • Haddii ay suurtogal tahay iska ilaali inaad xiriir jidhka/taabasho jir ahaaneed la yeelato dadka kale ee aan ahayn kuwa aad la nooshahay. Waxa ay taas micnaheedu tahay waxa ka mid ah in lagaala talinaayo inaad qabanqaabisid ama ka qeybqaadatid xaflad ama kulamada kale ee bulshada. Waa in sidoo kale laga fogaado waxqabadyada qaar aan la sameyn karin iyadoo aan masaadafa dadka kale laga fogaanaynin, sida xiriirka isboortiga ama daryeelka caafimaadka ama sidoo kale daryeelka caafimaadka iyo is qurxinta oo aan caafimaadka xiriir la laheyn.
  • Iska ilaaliso joogitaanka bay'adaha gudaha sida dukaamada, xarumaha ganacsiga, matxafyada, maktabadaha, goobaha dabaasha iyo jiimka. Booqashooyinka daruuriga ah ee tusaale ahaan lagu tagaayo dukaamada raashinka iyo farmashiiyaha ayaa la sameyn karaa.
  • Iska ilaali inaad ka qeybqaadato, tusaale ahaan shirarka, riwaayadaha, bandhigyada, tabobarada isboortiga, kulamada/ciyaaraha iyo tartamada. Laakiin taasi ma khuseyso tabobarada isboortiga ee carruurta iyo dhalinyarada dhalatay 2005 ama wixii ka danbeeyey.
  • Xiriirada dhowdhow ee daruuriga ah, sida tusaale ahaan  booqashooyinka daryeelka caafimaadka iyo baaritaanka caafimaadka, ayaan ku jirin talooyinka la soo jeedinaayo. Waxaase mihiim ah in laga fikiro in qof calaamado laga yaabo inay yahay covid-19 leh uu ka fogaadaa dhamaan xiriir dhow ee dadka kale oo dhan.

Dadka degan gobollada Norrbotten iyo Västerbotten, ayaa waxa sidoo kale shaqeynaaya:

  • Inay ka fogaadaan sameynta safarada aan daruuriga aheyn. Safarada gobolka gudahiisa ama gobollada kale dhexdooda ah ayaa gacan ka geysan kara korodhka fiditaanka cudurka maadaama oo badanaa lala kulmo dad cusub, taas oo keeneysa in silsilad cusub oo infegshanka ahi bilaabanto. Waa in sidaas darteed, ilaa inta ay suurtogal tahay, laga fogaado safarada noocaas ah. Taladaas ayaan ujeedadeedu aheydn in dadka laga hor istaago inay tusaale ahaan ay aadaan shaqada, waxbarasho/hawl ama daryeelka loogu baahan yahay in goobta la joogo.

Go'aanka waxa sidoo kale ku jira talo bixinta guud ee laga sii adkeeyay ee la xiriirata goobaha shaqada iyo waxqabadyada – sida tusaale ahaan dukaamada, xarumaha ganacsiga iyo goobaha isboortiga ee Kalmar län, Norrbotten iyo Västerbotten. Waxqabadyada iyo loo shaqeeyeyaasha waxa inay qaadaan talaabooyin si uu qof kastaa ugu raaci karo talooyinka guud ee kor ku xusan:

  • Talaabooyinka loo shaqeeyayaashu waxay noqon karaan ku dhiirrigelinta shaqaalaha inay guriga ka soo shaqeeyaan, iyadoo ls siiya fursado dheeri ah oo ay guriga kaga soo shaqeynayaan, iyo in dib loo dhigo safarada shaqadu dadka dirto, shirarka iyo kulammada kale ee jir aheed/tooska ah. Waxqabadyada kale waxay dhimi karaan tirada soo booqdayaasha ah ee isla waqti joogta, lagu beego saacadaha furitaanka, oo la soo bandhigo fursadaha waxqabadka dhijitaalka ah.

Go'aanku waxa uu shaqeynayaa ilaa iyo 8 Noofembar, laakiin waa laga sii dheereyn karaa.

Xaddidaadda dadweynaha wax daawanaaya oo illaa 50 qof ah ayaa sii socota

Waxa Kalmar, Västerbotten och Norrbotten, wali sii shaqeynaaa xayiraad ku saabsan tirada ka qeybqaateyaasha ee shirarka dadweynaha iyo kulamada dadweynaha ilaa iyo 8 Diisembar. Go'aanka waa la sii dheereyn karaa. Ka akhri wax dheeraad ah oo ku sabsan waxa ka shaqeynaaya Kalmar länNorrbottens län iyo Västerbottens län. (Macluumaadku waxa uu ku qoran yahay Iswiidhish)

Akhiso war saxaafadeedka ka soo baxay Folkhälsomyndighetens  (macluumaadku waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Länsstyrelsen ku taala Kalmar macluumaad ku saabsan tallooyinka laga sii adkeeyey (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Länsstyrelsen ku taala Norrbotten macluumaad ku saabsan tallooyinka laga sii adkeeyey (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Länsstyrelsen ku taala Västerbotten macluumaad ku saabsan tallooyinka laga sii adkeeyey (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2020-11-10 N74

Talo bixinta guud ee gobolka oo laga sii adkeeyey ayaa lagu soo rogay Blekinge

Gobolka Blekinge iyo dhakhaatiirta xakamaynta cudurada faafa ee gobolka Blekinge ayaa go'aansaday taloda guud ee gobolka oo laga sii adkeeyay oo dadka gobolka jooga khuseysa. Ujeeddadu waxa weeye in la yareeyo faafitaanka fayruska ee covid-19. Go'aanku waxa uu shaqeynayaa ilaa 30 Noofembar, laakiin waa la sii dheereyn karaa.

Laga bilaabo 11 Noofembar waxa dhamaan dadka dhex jooga Blekinge lagu boorinayaa inay:

  • Kaliya la sheekeyso/waqti la qaado dadka aad caadi ahaan maalintii la kulanto, qoyskaaga ama dadka aad la nooshahay. Ha ka qeybqaadan xafladaha, cashooyinka, xafladaha shaqada ka dib/feestada ama munaasabadaha kale ee gaarka ah.
  • Guriga joog. Meelna ha u safrin haddii aanay taasi aad u daruuri aheyn. Waxa taas ka reeban waa safarada lagu tagaayo ama lagaga soo laabanaayo shaqada, waxbarashada ama daryeel caafimaad iyo bukaanka.
  • Guriga ku shaqee ilaa inta ugu badan ee ugu suurtogalsan.
  • Loo shaqeeyaha waxa lagu dhiirigelinayaa inay bixiyaan oo ay fududeeyaan shaqada masaafada fog laga soo qabanaayo oo ay dib u dhigaan safarada shaqadu dadka meel u dirto, shirarka iyo kulamada kale ee tooska ah/la wada kulmaayo.
  • Ha booqan xarumaha ganacsiga, matxafyada, goobaha/barkada dabaasha ama jiimka/goobaha jimicsiga, halkaas oo ay jirto khatarta ay saxmad/ciriiri badan ku imaan karo. Waxa ka reeban booqashooyinka daruuriga ah ee dukaamada raashinka iyo farmasiiga.
  • Ha booqan ama ha ka qeybqaadan kulamo, riwaayado, bandhigyo, tabobarada isboortiga, ciyaaraha ama tartamada. Waxa ka reebani qeyb ahaan waa sameynta isboortiga xirfad ahaaneed, iyo qeyb ahaan tabobar isboorti ee loogu talogalay carruurta dhalatay sanadkii 2005 ama wixii ka danbeeyey. Banaanka ku qaado tabobarka/jimicsiga ilaa inta ay suurtogal tahay.
  • Gaadiidka dadweynaha ha ku safrin xilliyada ay saxmad/ciriiri badani dhici karo. Lugee, baaskiil kaxeyso ama ku safar adiga gaarigaaga.
  • Dhammaan waxqabadyada qaabila macaamiil ama soo booqdayaal waxa lagu boorinayaa inay dhimaan/yareeyaan tirada dadka goobta hal mar wada jooga oo ay isla markaana ku beegaan saacadaha furutaanka oo ay bixiyaan waxyaabo dhijitaal ah kaas oo bedelka booqadhada tooska/shakhsi ahaaneed ah.

Dugsi dhigashada ayaan ku jirin talooyinkaan.

Gobolka Blekinge waxa uu sidoo kale qof kasta oo u daryeel caafimaad iyo daryeelka ilkaha u baahan ku dhiiri gelinayaa inuu taas sidii caadiga aheyd ugu raadsadaan.

Taladu waxa ay shaqeynaysaa ilaa 30 Noofembar, laakiin waa la sii dheereyn karaa.

Xaddidaadda dadweynaha wax daawanaaya oo illaa 50 qof ah ayaa sii socota

Waxa Blekinge län , wali ka sii shaqeynaaya xayiraad ku saabsan tirada ka qeybqaatayaasha ee shirarka dadweynaha iyo kulamada dadweynaha taas oo socon doonta ilaa iyo 30 Noofembar.

Gobolka Blekinges macluumaad ku saabsan tallooyinka laga sii adkeeyey (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2020-11-09 N73

Waxay wasaaradda arrimaha dibaddu sii dheereenaysa inay dadka kala taliso inay safraan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda (Utrikesdepartementet) waxa ay go'aansatay inay kordhiso kala talinta wixii safarada aan muhiimka aheyn ee dhamaan waddamada ka baxsan Midowga Yurub (EU/EEA)/aaga Schengen iyo Boqortooyada Ingiriiska. Kala talintu waxa ay shaqeynayaa ilaa 31 Janaayo 2021.

Waxay ay bishii Maarso Wasaaradda Arrimaha Dibaddu go'aansatay inay kordhiso kala talinta wixii safarada aan muhiimka aheyn ee dhamaan waddamada ka baxsan Midowga Yurub (EU/EEA)/aaga Schengen iyo Boqortooyada Ingiriiska ah, taas oo ay ugu wacan tahay saamaynta cudurka faafa ee Korona uu ku leeyahay safarka dalalka dibeda.

Kala talintan ayaa hadda la sii kordhinaa illaa 31 Janaayo 2021, markaas oo xaaladda aan la hubin ay weli ka sii jirto qeybo badan oo adduunka ka mid ah. Dalal badan ayaa wali leh/haysta xuduudo xidhan ama xaddidaada fursadaha gelitaanka iyo bixitaanka, xeerarka karantiimada iyo bandow.

Laga soo bilaabo Maarso ayaa waxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda xayiraadii ka qaaday waddamo badan oo ka tirsan EU/EEA/aaga Schengen, iyo sidoo kale Boqortooyada Ingiriiska.

War saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Wax dheeraad ah oo ku saabsan safarada dalalka dibeda ee xilliga covid-19 ka sii akhriso

2020-11-05 N72

Talo bixinta guud oo laga sii adkeeyey ayaa ka jirta gobollada Kronobergs iyo Södermanland

Folkhälsomyndigheten iyo dhakhaatiirta xakamaynta cudurada faafa ee gobollada Kronobergs iyo Södermanlands ayaa go'aansaday taloda guud oo laga sii adkeeyay ee dadka labadaa gobol jooga. Go'aanku waxa uu shaqeynayaa ilaa 26 Noofembar, laakiin waa la sii dheereyn karaa.

Tirada dadka ee la xaqiijiyey inay covid-19 qabaan ayaa aad ugu sii kordhay labadaas gobol. Waxa ay taasi keentey culays sii kordhay oo saaran daryeelka caafimaadka. Tirada bukaanka ee daryeelka caafimaadka loogu dhigay covid-19 dartiis ayaa sii kordheysa. Sidaa darteed ayaa hadda loogu baahan yahay tallaabooyin dheeraad ah marka lagu daro kuwii horeyba gobolka uga shaqeynaaya.

Dadka joogaya gobolada Kronoberg iyo Södemanland, waxa lag abilaabo 5 Nofembar shaqeynaaya talooyinkan soo socda: 

  • Haddii ay suurtogal tahay iska ilaali xiriir jidhka/taabasho ahaaneed oo aad la yeelato dadka kale ee aan ahayn kuwa aad la nooshahay. Waxa uu taas micnaheedu yahay waxa ka mid ah in lagaala talinaayo inaad qabanqaabisid ama ka qeybqaadatid xaflad ama kulamada kale ee bulshada.
  • Waa in sidoo kale laga fogaado waxqabadyada qaarkood aan la sameyn karin iyadoo aan masaadafa dadka kale laga fogaanaynin, sida xiriirka isboortiga ama daryeelka caafimaadka ama sidoo kale daryeelka caafimaadka iyo is qurxinta oo aan caafimaadka xiriir la laheyn.
  • Iska ilaaliso joogitaanka bay'adaha gudaha sida dukaamada, xarumaha ganacsiga, matxafyada, maktabadaha, goobaha dabaasha iyo jiimka. Booqashooyinka daruuriga ah ee tusaale ahaan lagu tagaayo dukaamada raashinka iyo farmashiiyaha ayaa la sameyn karaa.
  • Iska ilaali inaad ka qeybqaadato, tusaale ahaan shirarka, riwaayadaha, bandhigyada, tabobarada isboortiga, kulamada/ciyaaraha iyo tartamada. Laakiin taasi ma khuseyso tabobarada isboortiga ee carruurta iyo dhalinyarada dhalatay 2005 ama wixii ka danbeeyey.

Xiriirada dhowdhow ee daruuriga ah, sida tusaale ahaan  booqashooyinka daryeelka caafimaadka iyo baaritaanka caafimaadka, ayaan ku jirin talooyinka la soo jeedinaayo. 

Go'aanka waxa sidoo kale ku jira talo bixinta guud ee laga sii adkeeyay ee la xiriirata goobaha shaqada iyo waxqabadyada sida tusaale ahaan dukaamada, xarumaha ganacsiga iyo goobaha isboortiga ee Kronoberg iyo Södermanland dhexdooda ku yaala:

  • Waxqabadyada iyo loo shaqeeyeyaasha waxa inay qaadaan talaabooyin si uu qof kastaa ugu raaci karo talooyinka guud ee kor ku xusan. Talaabooyinka loo shaqeeyayaashu waxay noqon karaan ku dhiirrigelinta shaqaalaha inay guriga ka soo shaqeeyaan, iyadoo ls siiya fursado dheeri ah oo ay guriga kaga soo shaqeynayaan iyo in dib loo dhigo safarada shaqadu dadka dirto, shirarka iyo kulammada kale ee jir aheed/tooska ah.
  • Waxqabadyada kale waxay dhimi karaan tirada soo booqdayaasha ah ee isla waqti joogta, lagu beego saacadaha furitaanka oo la soo bandhigo fursadaha waxqabadka dhijitaalka ah.

Wax dheeraad ah ka sii akhriso  Folkhälsomyndigheten (macluumaadku waxa uu ku qoran yahay Iswiidhish)

2020-11-04 N71

Talo bixinta guud oo laga sii adkeeyey ayaa lagu soo rogay Halland, Jönköping iyo Örebro

Folkhälsomyndigheten, dhakhaatiirta xakamaynta cudurada faafa ee gobollada Halland, Jönköping iyo Örebro ayaa go'aansaday taloda guud oo laga sii adkeeyay ee dadka gobolka ay khuseyso jooga. Go'aanku waxa uu shaqeynayaa ilaa 24 Noofembar, laakiin waa la dheereyn karaa.

Tirada dadka ee laga helay covid-19 ee saddexda gobol ee ay khusayso ayaa xoog ugu korodhay. Taasi waxay keentay korodhka culeyska saaran daryeelka caafimaadka, iyadoo bukaanno badan dhakhtarka covid-19 loo dhigay qeybta daryeelka bukaanka taas oo ay ku jirto qeybta daryeelka degdegga ahi. Tirada dadka ka midka ah SÄBO ee uu ku dhacay cudurku, gaar ahaan qeybta guryaha waayeelka ayaa sidoo kale korodhay. Shaqada laga wado qaadista jibaabada iyo raad gurka infegshanka ayaa culeys badan saaran yahay.

Sidaa darteed ayaa hadda loogu baahan yahay tallaabooyin dheeraad ah marka lagu daro kuwa haddaba gobolka ka shaqeynaaya ee ku saleysan xeerarka iyo talooyinka guud ee Folkhälsomyndigheten.

Dadka jooga gobolada Hallands län, Jönköpings län och Örebro län, ayaa waxa jira go'aano khuseeya talooyinka guud ee deegaanka:

  • Iska ilaali joogitaanka bay'adaha gudaha sida dukaamada, xarumaha ganacsiga, matxafyada, maktabadaha, goobaha dabaasha iyo jiimka. Booqashooyinka daruuriga ah ee tusaale ahaan lagu tagaayo dukaamada raashinka iyo farmashiiyaha ayaa la sameyn karaa.
  • Iska ilaali inaad ka qeybqaadato, tusaale ahaan shirarka, riwaayadaha, bandhigyada, tabobarada, kulamada iyo tartamada isboortiga. Laakiin taasi ma khuseyso tabobarada isboortiga ee carruurta iyo dhalinyarada dhalatay 2005 ama wixii ka danbeeyey.
  • Haddii ay suurtogal tahay iska ilaali inaad xiriir jidhka/taabasho jir ahaaneed la yeelato dadka kale aan ahayn kuwa aad la nooshahay. Waxa uu taas micnaheedu yahay waxa ka mid ah in lagaala talinaayo inaad qabanqaabisid ama ka qeybqaadatid xaflad ama kulamada kale ee bulshada.

Xiriirada dhowdhow ee daruuriga ah, sida tusaale ahaan  booqashooyinka daryeelka caafimaadka iyo baaritaanka caafimaadka, ayaan ku jirin talooyinka la soo jeedinaayo. Waxaase mihiim ah in laga fikiro in qof calaamado laga yaabo inay yahay covid-19 leh uu ka fogaadaa dhamaan xiriir dhow ee dadka kale oo dhan.

Go'aanka waxa sidoo kale ku jira talo bixinta guud ee laga sii adkeeyay ee la xiriirata waxqabadyada- sida dukaamada, xarumaha ganacsiga iyo goobaha isboortiga - iyo goobaha shaqada ee gobollada:

  • Dhamaan waxqabadyada gobolka ama waax/qeyb gobolka ah waa inay qaadaan talaabooyin uu qof kastaa ugu raaci karo talooyinka guud ee marka meel degaanka uu ka dillaac covid-19. Taasi waxay tusaale ahaan noqon kartaa in goobta waxqabadku ay dhinto/yareyso tirada soo booqdayaasha ee wakhti isku mid ah wada jooga, saacadaha furitaanka oo lagu beego oo waxqabadku uu bixiyo fursad dhijitaal ahaan wax lagu qabsan karo.
  • Loo shaqeeyayaashu waa inay qaadaan talaabooyin inay shaqaaluhu ay raaci karaan talooyinka guud ee marka meel degaanka uu ka dillaac covid-19. Waxay kuwaasi noqon karaan talaabooyin sida ku dhiirrigelinta shaqaalaha inay guriga ka soo shaqeeyaan, iyadoo ls siiya fursado dheeri ah oo ay guriga kaga soo shaqeynayaan iyo in safarada shaqadu dadka dirto, shirarka iyo kulammada kale ee jir aheed dib loo dhigo.

Go'aanku waxa uu shaqeynayaa ilaa 24 Noofembar 2020, laakiin waa la dheereyn karaa.

2020-11-04 N70

Xeerar cusub oo dhimista ciriiriga/saxmadda goobaha waxqabadyada

Folkhälsomyndigheten ayaa go'aansatey xeerar wax laga beddelay iyo talooyinka guud ee khuseeya goobaha waxqabadyada sida maqaayadaha cuntada, makhaayad laga shaaho iyo kilaabada. Taasi waa si loogu yareeyo ciriiriga/saxmada iyo sidaas darteedna faafitaanka covid-19.

Go'aanku waxa uu shaqenayaa laga bilaabo 3 Noofembar isagoo macnahiisu yahay in cabirka dadka wada socda/is wehelinaaya lagu xadido siddeed qof iyo in dadweynaha wax daawanaayaa sida tusaale ahaan riwaayada/bandhig faneed ay fadhfadhiyaan.

Baaxadda dadka wada socda/is wehelinaaya ee miis wada fadhiya waxay lagu xadeynayaa siddeed qof. Haddii dadka wada socda/is wehelinaaya ay ka badan yihiin siddeed qof, waa in loo kala qeybiyo dhowr miis oo uu ugu yaraan hal mitir u dhexeeyo. Haddii goob waxqabad ay rabto inay abaabusho riwaayad, ama wax la mid ah, waa in dadweynaha daawanayaa ay fariistaan.

Folkhälsomyndigheten waxay sidoo kale ku talinaysaa in haddii loo baahdo meel ka fog la tago si ciriiriga/saxmada loogu yareeyo.

- Si loogu hubiyo inaanay saxmadi imaanin, waa in goobta waxqabadku, haddii loo baahdo, ay kordhiyaan masaafada u dhexeysa dadka wada socda/is wehelinaaya ilaa wax ka badan hal mitir ama ay yareeyo tirada soo booqdayaasha ah ee isla hal wakhti ku sugan lookaalka, ayay tiri Bitte Bråstad, Maamulaha qeybta sharciga ee Folkhälsomyndigheten.

2020-10-29 N69

Talo bixinta guud oo laga sii adkeeyey ayaa lagu soo rogay Stockholm, Västra Götaland iyo Östergötland

Folkhälsomyndigheten iyo dhakhaatiirta xakamaynta cudurada faafa ee gobollada Stockholm, Västra Götaland och Östergötland ayaa go'aansaday taloda guud oo laga sii adkeeyay ee dadka gobolka ay khuseyso jooga. Ujeeddadu waxa weeye in la yareeyo faafitaanka degdegga ah ee covid-19. Go'aanku waxa uu shaqeynayaa ilaa 19 Noofembar, laakiin waa la dheereyn karaa.

Laga bilaabo 29 oktoober dhamaan dadka dhex jooga Stockholms, Västra Götalands iyo Östergötlands län waa inay:

  • Iska ilaaliso joogitaanka bay'adaha gudaha sida dukaamada, xarumaha ganacsiga, matxafyada, maktabadaha, goobaha dabaasha iyo jiimka. Booqashooyinka daruuriga ah ee tusaale ahaan lagu tagaayo dukaamada raashinka iyo farmashiiyaha ayaa la sameyn karaa.
  • Ka ilaali inaad ka qeybqaadato, tusaale ahaan shirarka, riwaayadaha, bandhigyada, tabobarada, kulamada iyo tartamada isboortiga. Laakiin taasi ma khuseyso tabobarada isboortiga ee carruurta iyo dhalinyarada dhalatay 2005 ama wixii ka danbeeyey.
  • Haddii ay suurtogal tahay iska ilaali inaad xiriir jidhka/taabasho jir ahaaneed la yeelato dadka kale aan ahayn kuwa aad la nooshahay. Waxa uu taas micnaheedu yahay waxa ka mid ah in lagaala talinaayo inaad qabanqaabisid ama ka qeybqaadatid xaflad ama kulamada kale ee bulshada.

Xiriirada dhowdhow ee daruuriga ah, sida tusaale ahaan  booqashooyinka daryeelka caafimaadka iyo baaritaanka caafimaadka, ayaan ku jirin talooyinka la soo jeedinaayo. Waxaase mihiim ah in laga fikiro in qof calaamado laga yaabo inay yahay covid-19 leh uu ka fogaadaa dhamaan xiriir dhow ee dadka kale oo dhan.

Go'aanka waxa sidoo kale ku jira talo bixinta guud ee laga sii adkeeyay ee la xiriirata waxqabadyada- sida dukaamada, xarumaha ganacsiga iyo goobaha isboortiga - iyo goobaha shaqada ee gobollada Stockholm, Västra Götaland iyo Östergötland. Waxqabadyada iyo loo shaqeeyayaashu waa inay qaadaan talaabooyin lagu hubinayo in soo booqdayaasha iyo shaqaaluhu ay raaci karaan tilmaamaha guud ee marka meel degaanka uu ka dillaac covid-19.

Xaddidaadda dadweynaha wax daawanaaya ee illaa 50 qof ah oo sii socon doonta

Stockholm, Uppsala, Östergötland iyo Västra Götaland ayaa guddiyada maamulka gobolku (länsstyrelserna) ay go'aansadeen in la sii haysto xaddidaada  dhagaystayaasha ee 50 qof ah.

Waxa uu Stockholm go'aankushaqeynayaa ilaa 19 Noofembar, laakiin waxa jirta fursad lagaga sii dheereynaayo.

Waxa uu Östergötland go'aankushaqeynayaa ilaa 22 Noofembar, laakiin waxa jirta fursad lagaga sii dheereynaayo.

Waxa uu Västra Götalandgo'aankushaqeynayaa ilaa 19 Noofembar, laakiin waxa jirta fursad lagaga sii dheereynaayo.

Waxa uu Uppsala go'aankushaqeynayaa ilaa 17 Noofembar, laakiin waxa jirta fursad lagaga sii dheereynaayo.

Talooyinka laga sii adkeeyey ee Uppsala oo la sii kordhinaayo

Folkhälsomyndigheten ayaa maanta go'aansatay iyada oo la tashanaysa dhakhaatiirta xakamaynta infegshanka ee Gobolka Uppsala talooyinka guud ee degaankaee lagu soo rogay Gobolka Uppsala si loogu yareeyo faafitaanka cudurka-19 ay sii shaqeyn doonaan illaa iyo 17 Noofambar.

Akhiso war saxaafadeedka ka soo baxay Folkhälsomyndighetens  (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Waxyaalo dheeraad ah oo ku saabsan Gobolka Stockholm ka akhriso (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Wax dheeraad ah oo ku saabsan Gobolka Västra Götalandsregionen ka sii akhriso (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Gobolka Östergötland waxyabaha ku saabsan tallooyinka laga sii adkeeyey (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

2020-11-04 N68

Talo bixinta guud oo laga sii adkeeyey ayaa ka jirta Skåne

Dhammaan dadka jooga Gobolka Skåne waxa lagu boorinayaa inay iska ilaaliyaan gaadiidka dadweynaha iyo inay ka fogaadaan inay dhex joogaan dukaamada iyo xarumaha ganacsiga. Waa laba ka mid ah talooyinka guud ee laga sii adkeeyey ee ay Folkhälsomyndigheten iyo Gobolka Skåne ay ku heshiiyeen.

Laga bilaabo 27 oktoober dhamaan dadka dhex jooga Gobolka Skåne waa inay:

  • Qof kastaa inuu iska ilaaliyo inuu dhex joogo bay'ada gudaha dhismayaasha ee ay jirto halista saxmad ku imaan karto sida tusaale ahaan dukaamada iyo xarumaha laga adeegto. Booqashooyinka daruuriga ah ee tusaale ahaan lagu tagaayo dukaamada raashinka iyo farmashiiyaha ayaa la sameyn karaa. Ka fogow bay'adaha iyo goobaha ay dad badani hal mar wada joogaan. Ka feker wax bedelka tabobarka jimicsiga ah ee aad sameyn karto si looga fogaado ciriiriga badan, tusaale ahaan goobaha isboortiga, jimicsiyada iyo goobaha/barkada dabaasha.
  • Qof kastaa inuu iska ilaaliyo inuu la sheekeysto dadka kale ee aan ahayn kuwa uu la degan yahay ama uu todobaad kasta la kulmo. Ka fogow qabashada ama ka qeybgalida xafladaha iyo munaasabadaha kale ee gaarka ah. In lala kulmo dadka ka baxsan kuwa aad la nooshahay ama aad sida joogtada ah ula kulanto ayaa sii kordhinaysa khatarta fayruska.
  • Qof kastaa waa inuu iska ilaaliyo safarka gaadiidka wadweynaha ama gaadiidka dadweynaha ee kale ee lagu safro. Safarada aan la iska ilaalin karin, tusaale ahaan safarada lagu tagaayo shaqada, dugsiga ama booqashada daryeelka caafimaadka, ayaa markasta la sameyn karaa. Ka qeybqaado yareynta saxmada gaadiidka dadweynaha si kuwa u baahan ugu safraan oo aan haysan fursado kale ay si ammaan ah ugu safri karaan. Masaafad u jirso, qadarin sii/u muuji oo dadka kale u oggolow inay horta ka soo dagaan intaadan adigu fuulin.
  • Qof kasta oo 15 sanno jir ka weyn waxa lagala taliyaa sameynta waxqabadyda isboortiga. Waxa ka reeban ciyaartoyga xirfadleyda ah iyo ardeyda dhigata dugsiga sare ee isboortiga. Qof walba, iyadoo aan da'da loo eegayin, waxa lagala talinayaa inuu qabanqaabiyo/abaabulo ama ka qeybgalo tartamada isboortiga iyo koobabka halkaas oo ay dad badani ku kulmayaan iyo halkaas oo safaradu lagama maarmaan yihiin.
  • Dhammaan waxqabadyadu waa inay qaadaan tallaabooyin si loogu yareeyo tirada soo booqdayaasha ah ee isla waqti joogta, lagu beego saacadaha furitaanka oo la soo bandhigo fursadaha waxqabadka dhijitaalka ah. Ka qeybqaado si aanay saxmadi ugu imaanin. Ka fogow abaabulka waxqabadyo keenaaya in dad badani isku soo ururaan.
  • Loo shaqeeyahu waa in bixiyaan fursadaha/shuruudaha oo uu shaqaalahana ku dhiirrigeliyaa inay guriga ka soo shaqeeyaan marka ay taasi suurtogal tahay. Safarada shaqaqu dadka meel u dirto, shirarka iyo kulamada kale ee tooska ah/jidh ahaaneed waa in laga fogaadaa.

Talooyinku waxay shaqeynayaan tan iyo 17 Noofambar, laakiin waa la sii dheereyn karaa.

Länsstyrelsen Skåne waxa uu go'aansaday in kaliya 50 ay ka qeybqaataan isku imaatinada bulshada iyo munaasabadaha bulshada ee ka dhacaaya Skåne. Riwaayadaha iyo noocyada kala duwan ee bandhigyada ayaa la samayn karaa haddii la raacaayo xadka 50-ka iyo talooyinka guud ee Folkhälsomyndighetens. Go'aanku waxa uu shaqeynayaa ilaa 30 Noofembar

2020-10-23 N67

Dowladdu waxay sii kordhineysaa xayiraada soo gelitaanka

Si saameynta faafitaanka fayruska korona loogu khafiifiyo ayay dowladdu sii kordhineysaa xayiraadii ku meel gaarka aheyd ee saarneyd soo gelitaanka illaa iyo 22 Diseembar 2020.

Waxay xayiraadu sidii ay horeyba ugu aheyd ay khuseysaa dhammaan muwaadiniinta ajaanibka ah ee Iswiidhan ugaga soo safraaya waddamada aan ka midka ahayn waddamada Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska, Norway, Iceland, Liechtenstein iyo Switzerland. Muwaadiniinta Iswiidhishka ah ayaanay xayiraaddu khuseynin.

Su'aalaha iyo jawaabaha dowladda ee ku saabsan xayiraada ku meel gaadhka ah ee soo gelitaanka (Macluumaadku waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Linkiga wararka Dowladda (macluumaadku waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Booliisku oo ka hadlaaya waxyaalo ku saabsan yahay safarada Iswiidhan loogaga imanaayo wadamada ka baxsan Midowga Yurub iyo EEA (macluumaadku waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

N66 2020-10-22

Xadka ugu sareeya ayaa kor loogu qaaday ilaa 300

Dowlada ayaa maanta ku wargalisay in xadka ugu sareeya ee dadka fadhiya kor loogu qaadi doono ilaa 300 oo qof hawlaha kulamada dhaqanka iyo cayaaraha. Go'aanku waxa uu shaqeynayaa laga bilaabo 1 Noofembar.

Waxa shuruud looga dhigayaa dhacdooyinka tirada ugu badan 300 ka qeybqaate ay dhex fadhiyaan waa in dadweynaha meesha jooga uu mid waliba helo kursi u gaar ah oo ugu yaraan hal mitir u jiro ka qeybqaataha kale. Laba qof oo wada socda ayaa dabcan laga yaabaa in la geeyo meel ka dhow hal mitir.

Si wax looga qabto saxmadda ka jirta kilaabada ayay xataa dowladdu go'aansatay in qoobaha dadweynaha ee xafladaha daanska/qoob ka ciyaarka ee wixii ka badan 50 qof ay mar kale mamnuuci doonaan. 

Macluumaad dheeraad ah oo dawladda ka socda  (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

N65 2020-10-22

Talooyin la khafiifiyey/fududeeyey oo waayeelka loo soo jeedinaayo

Dadka da'doodu ka weyn tahay 70 sanno jir iyo kooxaha khatarta ugu jira ayaa laga bilaabo hadda ay khuseeyaan talooyinka la mid ah kuwa loo soo jeedinaayo dhamaan kooxaha kale ee bulshada. Taas ayay Folkhälsomyndigheten go'aansatay.

Dadka waayeelka iyo dadka khatarta ugu jira ayaa laga soo bilaabo 1 Abriil ku noolaa talooyin ka adag marka la garab dhigo bulshada inteeda kale. Waxa lagu booriyay inay xadeeyeen xiriirkooda tooska ah/jidh ahaaneed, iska ilaaliyaan gaadiidka dadweynaha iyo sidoo kale inay ka fogaadaan wax ka iibsiga dukaamada. Laakiin Folkhälsomyndigheten ayaa go'aansatay in meesha laga saaro talooyinkaas gaarka ah. Hadda laga bilaabo ayaa dadka oo dhan ay saameyn doonaan talooyin guud oo iskumid ahi. Waxa ka mid ah waxa Isbedelka loogu sameynaayo waa iyadoo tirada lagu darsanaayo caafimaadka dhimirka iyo jir ahaaneed ee kooxahan.

Warbixin cusub oo ka soo baxday Folkhälsomyndigheten ayaa muujinaysa saameyno/cawaaqib dhowr ah oo xunxun oo dadka waayeelka ah soo gaarey. Waxa ay tusaale ahaan ku saabsan yihiin maqnaanshaha/la'aanta xaaladaha bulshada, jahawareer iyo dareemida in la  takooraayo. Walwal iyo walaaca ayaa sii kordhay iyadoo khadadka telefoonada ee taageeradu ay helaan soo wacitaano badan oo ka socda dadka u maleeya inaysan haysan sabab ay u noolaadaan. Intaas waxa sii dheer inay kooxdani leedahay baahi daryeel oo aan la buuxin.  

- Kooxdani waxay qaaday mas'uuliyad aad u weyn inta lagu jiro aafada. Wax way tartay laakiin caqligal ma aha in mas'uuliyad intaa leeg la saaro kooxaha khatarta ugu jira marka aynu aragno saameyn xun oo intaas leeg. Hadda waa inuu qof kastaa masuuliyad qaadaa si loogu dhimo faafida covid-19 si aynu u helno ilaalin joogta ah si dadka halista ugu weyn ugu jiraa aanu cudurku ugu dhacin, ayuu yidhi Johan Carlson, agaasimaha guud ee Folkhälsomyndigheten.

N64 2020-10-20

Sharciyadii hore ee warqadda dhakhtarka oo dib loogu noqonayo

Laga billaabo 1 bisha nofembar waxaa dib loogu laabanayaa sharciyadii hore ee heysashada warqad dhakhtar marka ey timaaddo lacagta jirrada iyo daryeelidda carruurta, sidaas waxaa dhahaya Qasnadda ceymiska. Laga billaabo maalinta 8 ee daryeelidda ilmaha waxaa leyska rabaa warqad caddeyn ah oo uu dhakhtar soo qoray halka lacagta xanuunkana sharci lagu xirayo in ey warqad dhakhtar la yimaadaan maalinta 15.

Haddii maalinta koowaad ee xanuunka ey ka horreyso 1 bisha nofembar waxey Qasnadda ceymiska kaa dalbi doontaa in aad la timaaddo warqadda dhakhtarka inta u dhaxeysa 15 iyo 21. Haddii maalinta koowaad ee xanuunka ey kusoo aaddo 1 bisha nofembar ama ka gadaal waxey Qasnadda ceymiska kaa dalbi doontaa warqad dhakhtar laga billaabo maalinta 15.

Laga billaabo 1 bisha nofembar waxaa marka la daryeelayo ilmo xanuunsan leyska rabaa warqad dhakhtar laga billaabo maalinta 8 iyo muddadii kasii dheer.

Ka akhriso akhbaartaas bogga Qasnadda ceymiska (leenka wuxuu kuu gudbinayaa warbixin ku qoran af iswiidhish) 

Warbixin ku saabsan lacagaha iyo caabuqa covid-19 waxaad ka heleysaa Qasnadda ceymiska (leenka wuxuu kuu gudbinayaa warbixin ku qoran af iswiidhish)

N63 2020-10-20

Talooyin guud oo laga adkeeyay gobolka Uppsala

Hey’adda caafimaadka dadweynaha iyo dhakhtarka ka hortagga faafidda ee gobolka Uppsala waxey sameeyeen talooyin guud oo adag oo khuseeya dadka ku sugan gobolka Uppsala. Ujeeddada waxey tahay in la joojiyo faafidda xowliga ku socota ee caabuqa covid-19.

Laga billaabo 20 bisha oktoobar lagu boorrinayaa dadka ku sugan goblka Uppsala oo dhan in:

  • Ka fogaadaan in ey raacaan gaadiidka dadweynaha ama gaadiidyada kale ee dadweyne (dadka ugu horreyso ee arrintaas khuseyso ma ahn ardayda iskuulleyda ah),
  • In sida ugu macquulsan looga dheeraado in xiriir ji r ahaaneed lala yeesho dad kale oo aan aheyn kuwa guriga kula degan (ka dheerow xafladaha goobaha kale ee bulshada isugu timaaddo).

Goobaha shaqada iyo shaqa bixiyayaasha waa in ey qaadaan tallaabooyin si qof walba uu u raaci karo talooyinka guud ee la adkeeyay. Waxey noqon karaan in shaqa bixiyaha uu ku boorriyo in shaqaalaha ey guriga ka shaqeeyaan iyo in la xaddido safarrada iyo kulamada caadiga ah. Goobaha kale ee shaqo waa in isku dayaan in ey xaddidaan tirada soo booqadayaasha.

Talooyinka guud ee la adkeeyay ee gobolka Uppsala waxey sii jirayaan illaa 3 bisha nofembar laakiin wey dhici kartaa in la sii dheereeyo.

Warbixin dheeraad ah waxaad ka heleysaa Hey’adda caafimaadka dadweynaha (leenka wuxuu kuu gudbinayaa warbixin ku qoran af iswiidhish)

Go’aanka Hey’adda caafimaadka dadweynaha (leenka wuxuu kuu gudbinayaa warbixin ku qoran af iswiidhish)

War saxaadadeed ka socda gobolka Uppsala (leenka wuxuu kuu gudbinayaa warbixin ku qoran af iswiidhish)

N62 2020-10-14

Ka waantoobidda aheyd in dalxiisayaasha tagaan waddamada Maalta iyo Islofeeniyen waa la joojiyay

Maalinta khamiista ah 8 bisha oktoobar waxaa la qaadayaa kala talintii ahyed in loo safro waddamada Maalta iyo Islofeeniyen, sidaas waxaa sheegaya wasaaradda arrimaha dibedda.

Si Iswiidhan iyada oo la joogo loogu safro Islofeeniyen waajib ma ahan in uu qofku toban maalmood is karantiilo. Maalta waxey qaadday xayiiraddii usoo safrid ee saarneyd masaafiriinta ka imaanaya Iswiidhan. 

Saffrada aan laga maarmaanka aheyn ee waddama kale ee midowga yurub EU, EES ioy waddamada sheengen waxaa la sii dheereeyay illaa 21 bisha oktoobar 2020.

N61 2020-10-05

Guriga joog haddii qof gurigaaga ka tirsan uu qabo caabuqa covid-19

Dad badab waxaa qaadsiiya caabuqa qof kale oo guriga la jooga. Qofki la degan qof la xaqiijiyay in uu qabo caabuqa covid-19 waxaa la siin doonaa shaqrciyo gaar ah oo ey tahay in uu raaco.

Qofka ey sharciyadaan quseeyaan waxaa la soo xiriiri doona qof ey shaqadiisu tahay raadraace isqaadsiin oo u sheegi doona warbixin dheeraad ah oo ku saabsan waxa leyska rabo. Sharciyada waxey tusaale ahaan noqon karaan in uusan qofka tegi karin shaqada muddo toddobo maalin ah.

Hey’adda caafimaadka dadka waxey ku talineysaa ka reebitaannadaan soo socda:

  • Ardayda dugsiyada xanaanada, dugsiga hoose-dhexe iyo kuwa la midka ah iyo ardayda dugsiga sare ee ardayga maanka doorsoon wey sii wadi karaan in ey iskuulka aadaan.
  • Kuwa hore u helay baaritaan PCR-test oo bositiiv ah ama muujiyay in ey heystaan lidjir lixdii bil ee ugu dambeysay, kuwaas sharciyada ma khuseeyaan.

Hadba sida uu cudurkan caalamiga ah noqdo ayey Hey’adda caafimaadka dadweynaha ula soconeysaa isbedellada la sameeyay.

N60 2020-09-30

Talooyin loogu tala galay booqashada hoyga dadka da’daa

1 Oktoobar waxaa meesha laga saarayaa mam-nuucidda guud ee booqashada hoyga dadka da’da ah. Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay soo saartay talooyin ku aaddan sida marka wax la booqanayo looga hortegi karo faafitaanka cudurka.

Mamnuucidda booqashada waxaa la soo rogay 1 Abriil iyadoo ay ulajeeddadu ahayd in covid-19 laga badbaadiyo dadka da’da ah ee deggan hoyga dadka gaboobay. Isla mar ahaantaas waxay mamnuuciddu saameyn weyn oo xun ku yeelatay nolosha dadka da’da ah, sidaas darteed ayaana iminka meesha looga saarayaa.

Dadka ka waaweyn 70 sano waxay khatar ugu jiraan in ay aad ugu xanuunsadaan covid-19, marki la qorsheynayo in la booqdo hoyga dadka da’da ahna waxaa jira waxyaabo badan oo ay tahay in laga fikiro. Sidan ayaad ku yareyn kartaa faafitaanka cudurka:

  • Guriga joog marka aad xanuun dareemeysid, xitaa haddii ay calaamadaha cudurku khafiif yihiin.
  • In booqasho laga baaqsado ayaa ka habboon in khatarta faafitaanka cudurka hoyga loo geeyo.
  • Ugu yaraan 20 ilbiriqsi, booqashada ka hor, inta ay socoto iyo ka dibba, gacmaha ku dhaq saabuun iyo biyo. Maaddooyinka cudurka dadka qaadsiiya waxay ku dhegi karaan gacmaha, waxaana horay loosii faafin karaa marka la is gacan qaadayo ama walxo la adeegsanayo. Jeermis dilaha gacmaha la marsado ayaad isticmaali kartaa haddii aysan kuu suurta geleyn gacma dhaqiddu.
  • Marka aad dad booqaneysid masaafo u jirso dadka kale ee hoyga deggan, shaqaalaha iyo booqadayaasha kale intaba. Maskaxda ku hay sidoo kale in aad xaddiddid isgaaridda jir ahaaneed ee adiga iyo qofka aad booqaneysid. 

Hoyga dadka da’da ah ayaa soo saaraya ruutiin ku aaddan sida ay booqadayaashu masaafo ugu jirsanayaan dadka kale ee hoyga deggan iyo shaqaalaha. Talooyinka waxaa loo baahanyahay in la waafajiyo duruufaha maqsinnada ee hoyga dadka da’da ah ee kala duduwan. Tusaale waxaa ruutiinka u ah:

  • In booqadaha lagala heshiiyo waqtiga booqashada.
  • In booqadaha albaabka looga hor tago.
  • In la fududeeyo in booqashadu ay ka dhacdo shuqada qofka meesha ka deggan ama maqsinno arrinkaas loogu tala galay.
  • In isha la mariyo maqsinnada iyo sida alaabta guriga loo dhigay.

N59 2020-09-30

Ku saabsan ka reebida nidaamka xad u yeelista ee 50 qof ku salaysan

Dowladda dib u eegis ayay ku sameeyn doonta nidaamkii berri hore hirgalay, kaasoo xiriir la lahaa tirada ugu badan oo islamar xilliga safmarka hal goob ku kulmi karo.

Xad u yeelistii 50 qof ku salaysnaa waxba iskama beddeli doono, laakin maalinta khamiista waxay dowladda go'aan ku gaari doontaa qodob ka reebid nidaamka ku salaysan. Xad u yeelista 50 qof ku salaysnaa ma khusayn doonto goobaha qaarkood, sida tusaale makhaayadaha iyo goobaha lagu qaxweeyo. Wax iska beddelka nidaamka wuxuu hirgeli doonaa markii taariikhda ay ku beegan tahay 8 oktoobar.

Dowladda waxaa kaloo u qorshaysan, in ay hirgeliso dhawr ka reebis kale, sida dhacdooyinka dhaqamada iyo isboortiga oo loo oggolaan doono daawadayaasha fadhiyaan, waa haddii xaaladda cudur-faafinta ay saamaxayso. Dowladda waxay Hay`adda arrimaha caafimaadka dadwaynaha [Folkhälsomyndigheten] ka codsatay in ay baarto haddii ay jirto fursad lagu kordhiyo tirada ka reebida.

Dowladda waxay bilaawaday howlgal lagu hirgeliyo nidaamyo kummeelgaar ah, kuwaasoo ka fiican qodobada sharciga nidaamyada. Hadafka waxaa weeyaan in dhaqdhaqaaqyada imminka ka reebida khuseeyso, sida goobaha ganacsiga, gaadiidka guud iyo goobaha lagu daabasho, in xitaa goobahaas lagu biiriyo goobaha ka hirgaleen ka reebida.  

N58 2020-09-25

Wakhtiga lacagta gunnooyinka ee dadka khatarta ku jira waa la dheereeyay

Dadka khatarta ku jira iyo qaraabada iyo waalidka caruur si halis ah u xanuusanaysa waxay codsan karaan gunnada lacagta ah ilaa iyo oo ay ku jirto 31-ka Diisambar 2020. 

Talaabooyinka la dheereeyay waa:

  • Gunno waalid oo gaashaan ahaan ku meel gaar ah oo loogu talogalay waalidka caruur dhawaan si halis ah u xanuusatay
  • Xoogaa gunno bukaan gaashaan ahaan oo loogu talogalay dadka khatarta ku jira qaarkood
  • Xoogaa gunnada cudurka ah oo loogu talogalay qaraabada dadka khatarta ku jira.

Warkan ka akhri Regeringen.se (macluumaadkan wuxuu ku qoranyahay af Iswiidhish)

Ku saabsan gunnooyinka dadka khatarta ku jira ((macluumaadkan wuxuu ku qoranyahay af Iswiidhish)

N57 2020-09-22

Joojinta talo-bixinti ahayd inaan loo safrin Fiinlaand iyo Isloofaakiya

Wasaarada Arrimaha Dibedda, UD, waxay qaaday talo-bixinti ahayd in safaro aan lagama maarmaan ahayn lagu tago Finlaand iyo Isloofaakiya.  Go’aankan wuxuu ansax yahay laga bilaabo 21-ka Sebtembar.

Go’aankan wuxuu ku salaysanyahay waxyaabo ay ka mid tahay in la khafiifiyay xayiraadihi safarlayda Iswiidhishka ah ee dalalkaas.  Finlaand waxay badashay heerka xadka dalkaas ee heerka faafida cudurka, tani micnaheedu waa in safarlayda ka yimi Iswiidhan loo oggolyahay inay u safraan wakhtiga iminka lagu jiro.  Dhanka safarada lagu aadayo Isloofaakiya, safarlayda Iswiidhishka ah ma khuseyso shuruudi hore ee ahayd karantiimo iyo baaritaanka covid-19.

Dhinaca dalalka kale ee gudaha Midowga Yurub, EES (Dalalka Iskaaskiga Dhaqaale ee Yurub) iyo Shengen, waa la dheereeyay talo bixinti ahayd inaan lagu tagin safaro aan ahayn lagama maarmaan ilaa iyo oo ay ku jirto 7-da Oktoobar 2020.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxay wakhtiyadii ugu dambeeyay meesha ka qaaday talo bixintii ahayd inaan safaro lagu tagin dhowr dal oo ka mid ah Yurub.   Laakiinse macnaha ma ahan in xaaladda ay sidii berri hore ku soo laabatay. Waxaa dhici karto in la hirgeliyo xeerar maxali ah, xaddidoyaal iyo shuruudaha karantiinka, kuwaasoo saamayn ku yeelan karaan socdaaleyaasha dalka Iswiidhishka ah.

N56 2020-09-18

Mamnuucida booqashada hoyga dadka waayeelka ah waxay istaagaysaa 1 Oktoobar

Dawladu waxay go’aamisay in mamnuucidii booqashada ee hoyga dadka waayeelka ee dalka ay istaagto laga bilaabo 1 Oktoobar. 

Hawshan kuwa ku shaqo leh ayaa mas’uul ka ah in booqashadu u dhacdo qaab amaan ah.  Hey’adda arrimaha caafimaadka waxay soo saari doontaa talooyin kuwaas oo taageero u noqonaya booqasahooyinka.  Kuwaasi waxaa ku jiri doonaa tilmaamaha dhanka nidaamyada booqashada, iyadoo xooga la saarayo kala durugsanaanta masaafo ahaan iyo nadaafada.

Haddii faafida cudurka ay meel maxali ah ku korodho waxay Hey’adda caafimaadka bulshada eegi doontaa fursadaha ah in la soo saaro xadaynyo maxali ah iyo inay dhici karto in lagu taliyo in aan la booqan.  

Ilaa iyo inta ka horeysa, inta mamnuucida booqashada weli ansax tahay, waa suurtagal in la iska qaleeyo mamnuucidan haddii ay jiraan xaalado gaar ah.  La xiriir degmadaada ama cidda hawsha mas’uulka ka ah ee arrinta ay hoygu khuseyso si aad u ogaatid waxa ansaxa ah.

Warbixin dheeraad ah oo ka timi Hey’adda arrimaha caafimaadka kuna saabsan joojinta mamnuucidii booqashada (boggan wuxuu ku qoranyahay Iswiidhish)

Warbixin dheeraad ah oo ka timi Maamulka arrimaha bulshada (boggan wuxuu ku qoranyahay Iswiidhish)

Warbixin dheeraad ah oo ku qoran dawlada bogeeda intarnatka (boggan wuxuu ku qoranyahay Iswiidhish)

N55 2020-09-14

Wasaaradda arrimaha dibadda waxay ciribtirtay talo soo jeedintii xiriirka la lahayd socdaallada Dalka Ingriisiga

Wasaaradda arrimaha dibadda waxay ciribtirtay talo soo jeedintii xiriirka la lahayd socdaallada aan muhimka ahayn ee Dalka Ingriisiga. Kaasoo hirgeli doono laga bilaabo 14 setembar.

Go´aanka waxaa u sabab ah in Dowladda Ingriisiga ay aaminsan tahay in dalka Iswiidan u ka tirsan yahay dalalka halista cudurka (Covid-19) ay hooseeyso. Taasoo macneheeda ay tahay in socdaaleyaasha dalka Iswiidan aynan khuseeynin nidaamka karantiinka.

Wasaaradda arrimaha dibadda waxay xilliyadii ugu dambeeyeen ciribtirtay talo soo jeedintii xiriirka la lahayd socdaallada aan muhimka ahayn ee Yurub. Laakiinse macnaha ma ahan in xaaladda ay sidii berri hore ku soo laabatay. Waxaa dhici karto in la hirgeliyo xeerar maxali ah, xaddidoyaal iyo shuruudaha karantiinka, kuwaasoo saamayn ku yeelan karaan socdaaleyaasha dalka Iswiidan.

Iyadoo fiirogaar aan la siin halka qofku u socdaal ku tegi doono, ayaa mar kasta mas´uuliyadda waxay saaran tahay socdaalaha. Socdaale kasta waa in socdaalka kahor si fiican isugu diyaariyaa, sida aad raadsato warbixin ku saabsan xeerarka maxaliga ka hirgaleen, iyo inaad tixgeliso talo soo jeedinta iyo dardaaranka dowladaha maxaliga.

N54 2020-09-11

Wasaaradda arrimaha dibadda waxay ciribtirtay talo soo jeedintii xiriirka la lahayd socdaalada Dalka Qubrus

Wasaaradda arrimaha dibadda waxay ciribtirtay talo soo jeedintii xiriirka la lahayd socdaalada aan muhimka ahayn ee Dalka Qubrus, kaasoo hirgeli doono laga bilaabo 10 setembar.  Go´aanka waxaa u sabab ah in Dalka Qubrus ay xayiraadda ka qaaday socdaaleyaasha dalka Iswiidan ee berri hore socdaalo dalkooda ku tegi jiray.

Socdaaleyaasha dalka Iswiidan ma khuseeyo nidaamka karantiinka, waa haddii socdaalaha u haysto caddaynta waxkamajiraanka shaybaarka cudurka (Covid-19).

Ku saabsan dalalka ee Midowga Yurub, Is-bahaysiga dalalka Midowga Yurub, Norway, Iceland iyo Liechtenstein iyo Goobaha (Schengen) iyo Ingriisiga waxaa weli socdaaleyaasha lagula talinayaa in aynan ku dhaqaaqin socdaal aan muhim ahayn ilaa 23 setembar 2020.

N53 2020-09-08

Culeys weyn oo xagga baaritaanka ah ayaa saaran dhawr gobal

Waa ay korortay daneynta ku aaddan baaritaanka infekshinka covid-19 oo markaas taagan. Waxay taasi keentay in waqtiga sugitaanku goballo badan kordhay, tusaale ahaan Kronoberg, Sörmland, Dalarna iyo Gobalka Skåne.

Laamaha caafimaadku waxay ka shaqeeyaan sidii ay u kordhin lahaayeen qaabka, una gaabin lahaayeen waqtiga sugitaanka baaritaanka iyo jawaabta baaritaanka.

Haddii aad leedihid calaamad cudur waxaa laguugula talinayaa in aad is baartid. Taasi xitaa wey khuseysaa carruurta dhigata fasalka dugsiga xannaannada. Gobal kasta iminka baaritaan ku sameeyo carruurta sii yar-yar. 

Si aad wax dheeraad ah uga ogaatid baaritaannada leeska qaadayo, la xiriir gobalkaaga ama Hagaha caafimaadka ee 1177.

Akhriso wax dheeraad ah oo ku aadda calaamadaha caadiga ah ee covid-19

Akhriso wax dheeraad oo ku aaddan baaritaannada covid-19

N52 2020-08-31

Carruurta iyo dhallinyarada leh calaamadaha covid-19 waxaa lagu talinayaa in la baaro

Carruurta iyo dhallinyarada leh calaamadaha cudurka covid-19 waxaa lagu talinayaa in lagu sameeyo baaritaanka loogu yeero PCR, si ay si degdeg ah ugu laaban karaan iskoolka.

Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay soo saartay hage goballada ka taageeraya shaqadooda ku aaddan muujinta infekshinka covid-19 ee haya carruurta iyo dhallinyarada. Waxay Hey’adda caafimaadka carruurtu ku talineysaa in la baaro carruurta dhigata fasalka dugsiga xannaanada, fasalka 1-9 ama ku jira da’da dugsiga sare haddii ay leeyihiin calaamado cudur oo u ekaan kara covid-19. Sidaas ayey carruurtu si degdeg ah ugu laaban kartaa iskoolka haddii jawaabtu ay sheegto in aysan cudurka qabin, ayna xaaladdooda kale ay guud ahaan suurta gelineyso.

– Carruurta iyo dhallinyaradu waxay wacnaan ku dareemaan in ay dhigtaan iskool iyo hawlo maalmeed kale, taasina waa sabab muhiim ah oo keeneysa in baaritaan lagu sameeyo kooxda da’dan ah. Waxaa horay kooxdan lagula taliyay in ay guriga joogaan haddii ay leeyihiin haba yaraatee calaamado cudur. Baaritaanka haddii lagu la sameeyo waxay in ka badan intii hore dib ugu laaban karaan iskoolkooda xitaa haddii ay ku hareen calaamado cudur oo yar-yar, oo aan laga helin cudurka, ayey leedahay Karin Tegmark Wisell, madax qeybeed ka tirsan Hey’adda caafimaadka bulshada.

N51 2020-08-31

Ku saabsan iska tallaalida cudurka waa in waayeellada iyo kooxaha cudurka u halista u yahay mudnaanta koowaad la siiyaa

Markii tallaalka looga hortago cudurka [Covid-19] la ansixiyo lagana helo dalka Iswiidan waa in ku saabsan iska tallaalida cudurka waa in dadyowga da´dooda 70 sano jir ah ama ka waawayn, kooxaha cudurka u halista u yahay kale iyo shaqaalaha xarumaha daryeel-caafimaadeedka iyo xannaanadda waa in mudnaanta koowaad la siiyaa. Hay`adda arrimaha caafimaadka dadwaynaha [Folkhälsomyndigheten] u gudbisay dowladda oo ku saabsan qorshaha qarmeed ee xiriirka la leh tallaalka looga hortago cudurka [Covid-19].

Ku saabsan shaqaalaha xarumaha daryeel-caafimaadeedka iyo xannaanadda, waxay ka kooban yihiin kuwa ka hawlgallada goobaha waayeellada lagu daryeelo, daryeelka caafimaadka/bukaanka iyo shaqaalaha daryeelo dadyowga halis ugu jira in hab halis ah ugu xannuunsadaan cudurka [Covid-19].

Tani waa qayb wargelinta kamid ah, waxaana Hay`adda arrimaha caafimaadka dadwaynaha [Folkhälsomyndigheten] laga soo xigsaday in wixii ku saabsan nooca tallaalka iyo nooca badbaadada tallaalka laga heli karo goor dambe la qiimayn doono. Tan kale weli lama hayo warbixin ku saabsan goorta dalka Iswiidan laga heli doono tallaal waxtarkiisa la ansixiyay.

Qorshaha qarmeed ee xiriirka la leh tallaalka looga hortago cudurka [Covid-19] waxaa wadajir u diyaariyay Hay`adda arrimaha caafimaadka dadwaynaha [Folkhälsomyndigheten], Golaha barwaaqosoonka iyo caafimaadka ee qaranka [Socialstyrelsen], Hay´adda difaaca rayidka iyo diyaarsanaanta [Myndigheten för samhällsskydd och beredskap], Maamullada dowladaha hoose iyo gobollada Dalka Iswiidan [Sveriges Kommuner och Regioner], Isku-duweha qaranka ee arrimaha tallaalka cudurka [Covid-19] iyo Dhakhtarka arrimaha kormeerida cudurrada faafa [Smittskyddsläkare] iyo wakiilada gobollada.

N50 2020-08-28

Muddada mamnuucidda soo-gelida dalka Iswiidan ee kummeelgaarka ahayd oo la kordhiyay 

Dowladda waxay go´aamisay in la kordhiyo muddada mamnuucidda soo-gelida dalka Iswiidan ee kummeelgaarka ahayd. Dalalka ay mamnuucidda khuseeyso waa kuwa ku yaalaan dibada dalalka Midowga Yurub iyo Is-bahaysiga dalalka Midowga Yurub, Norway, Iceland iyo Liechtenstein [EES], taasoo lagu kordhiyay ilaa 31 oktoobar 2020.

Ulajeedada mamnuucidda laga leeyahay ayaa waxay tahay, in hoos loo dhigo heerka faafinta fayruuska [Corona], wuxuuna khuseeya dalalka aan ka tirsanayn Midowga Yurub, Ingriisiga, Norway, Iceland, Liechtenstein iyo Switzerland.

Warbixin dheeraad oo ku saabsan mamnuucidda ka aqriso

N49 2020-08-27

Wasaaradda arrimaha dibaddu waxay meesha ka saartay kala talinti u safridda Bulgaariya, Holland iyo Romaaniya

Wasaaradda arrimaha dibaddu waxay meesha ka saartay kala talinti u safridda aan lagama maarmaanka ahayn ee Bulgaariya, Holland iyo Romaaniya. Taasi waxay billaabaneysaa laga billaabo 27 Agoosto 2020.

Dhanka dalalka kale ee ka mid ah Midowga Yurub, EES (Iskaashiga dhaqaalaha ee Yurub) iyo aagga Schengen iyo United Kingdom waa la dheereeyay talada ah in aan lagu tagin safaro aan lagama maarmaan ah ilaa iyo oo ay ku jirto 9 Sebteembar 2020.

Isla mar ahaantaas waxaa, ilaa iyo 15 Nofeembar 2020, dadka lagala talinayaa u safridda waddamada ka baxsan Midowga Yurub, EES iyo aagga Schengen iyo United Kingdom.

N48 2020-08-26

Imminka waxaa albaabada loo furay codsiyada gunnooyinka loogu talagalay kooxaha cudurka u halista u yahay

Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan] waxay maanta albaabada u furtay fursadaha codsiyada gunnooyinka loogu talagalay dadyowga shaqooyinkooda ka fadhiisteen maadaama ay ka tirsan yihiin kooxaha cudurka [Covid-19] u halista u yahay. Qofku wuxuu codsan karaa in xisaabinta gunnada looga soo bilaabo 1 luulyo ilaa 30 setembar.

Gunnada waxaa laga codsada barta internetka  ee Khasnadda caymiska bulshada. Codsadeha waa in warqadda caddaynta dhakhtarka ku xaqiijiya in uu ka tirsan yahay mid kamid ah  kooxaha cudurka [Covid-19] u halista u yahay  oona u xaq u leeyahay qaadashada gunnada. 

Sidoo kale qofka shaqo haysto ama iskiisa u shaqaysto/ganacsade ah, kaasoo isagoo gurigiisa ku sugan aan shaqaysan karin, wuxuu haysta fursadda gunnada lagu codsado. Shuruudaha waxaa kamid ah in shirkadda uu shaqeeyo aynan siin karo hawlgallo kale ama siyaabo kale loola qabsin karin xaaladda shaqada taasoo looga hortegi karo faafinta fayruuska.

Warbixin dheeraad oo arrintaas ku saabsan waxaad ka aqrisan kartaa barta internetka ee Khasnadda caymiska bulshada (warbixinta af-iswiidish ayay ku qoran tahay) 

N47 2020-08-24

Qiilka ku aaddan xeerka 50-ka qof waa la baarayaa

Xukuumaddu waxay baareysaa khafiifinta xeerka mamnuucaya isu imaatinka iyo kulamada guud ee ay isugu imaanayaan in ka badan 50 qofood. Xadka ku aaddan in ugu badnaan 50 qof ay isu imaan karaan waa xeer muhiim ah oo sii jirayaa.

Waxyaabaha laga yaabo in qiil loo dayo waxay taabanayaan laba aag.

Mid ka mid ah kuwaas waa meelaha leesugu adeego, tusaale ahaan biibitooyinka iyo maqaayadaha leh muusiko toos ah. Halkaas oo ay suurta gal tahay in lagu qabto xaflado muusiko ama bandhigyo.

Hindisaha kale wuxuu ku saabsanyahay isu diyaarinta u qiil dayidda munaasabadaha qaarkood si loogu oggolaado dadweyne fadhiisanaya. Waxay taasi khuseysaa tusaale ahaan isboortiga iyo xaflado nooc walba leh.

Hindisuhu wuxuu abaabulayaasha u dhigayaa shardi ah in ay qaadaan tallaabooyin ku aaddan in dadweynuhu ay masaafo isu jirsan karaan si xafladdu ay ugu dhacdo si aamin ah marka laga eego dhanka faafitaanka cudurka.

Hindisaha waxaa tusaale ahaan loo gudbinayaa Hey’adda caafimaadka carruurta.

N46 2020-08-24

Dalka Iswiidan wuxuu heshiis ku saabsan iska tallaalida cudurka loo yaqaanno [Covid-19] la galay Midowga Yurub

Dalka Iswiidan wuxuu ka qaybgeli doonaa heshiis ka dhaxeeyo Golaha Midowga Yurub iyo shirkadda Astra Zeneca, kaasoo ku saabsan iibsashada tallaalida cudurka loo yaqaanno [Covid-19]. Waa go´aan ay dowladda gaartay.

Heshiiska dhexmaray Golaha Midowga Yurub iyo shirkadda dawooyinka soo saarta Astra Zeneca, oo ah shirkad dalka Iswiidan iyo dalka Ingriisiga wadajir u leeyihiin. Tirada qiyaasta tallaalka isku-darkii waa 300 malyuun. Shir jaraaíd oo ay dowladda maalintii khamiista gelinka dambe qabatay, waxay shaacisay in heshiiska u hirgeli doono kaddib markii tallaalka la ansixiyo waxtarkiisa.

Heshiiska waxaa ku xusan in dal kasta la siin doono tiro qiyaas oo waafaqsan tirada shicibka dalkaas ku nool. Ku saabasan dalka Iswiidan waxaa loo qondheeyay qiyaastii 6 malyuun oo qiyaas ah. Islamar ayaa dalalka la siin doonaa tallaalyada loo qondheeyay.

Hay`adda arrimaha caafimaadka dadwaynaha [Folkhälsomyndigheten] ayaa go´aan ka gaari doonto kala mudnaan-siinta kooxaha shicibka ee cudurka laga tallaali doono. Markii taariikhda ay ku beegan tahay 31 agoosto ayay hay´adda soo bandhigi doontaa qorshaha qarmeed ee tallaalka xiriirka la leh.

N45 2020-08-24

Mamnuucida booqashada hoyga dadka waayeelka ah waa la dheereeyay

Dawladu waxay go’aamisay in la dheereeyo mamnuucida booqashada ee hoyga dadka waayeelka ah ilaa iyo 30-ka Sebtembar.  

Dawladu waxaa kale oo ay Hey’adda arimaha caafimaadka iyo Maamulka arimaha bulshada u hawl saartay inay eegeen haddii mamnuucida booqashada ee ku meel gaarka ahi ay sii socon doonto inay ansax ahaato wixii ka dambeeya 30-ka Sebtembar.

– In la ilaaliyo dadka waayeelka ah waxay tahay siina ahaan doontaa arin ay ahmiyad siinayso dawladu.  Isla markaas waxaa muhiim ah in xadeynyaha xaalada dadka waayeelka ah ay la jaan qaado marka la eego dhanka sida cudurka faafay ee korona u socdo iyo sida faafida cudur u eegtahay heer bulsho, sidaas waxaa sheegtay wasiirada arimaha bulshada Lena Hallengren.

Haddii labadan hey’ad dawladeed ay u arkaan in mamnuucida ku meel gaarka ah ay joogsan karto wixii ka dambeeya 30-ka Sebtembar markaas iyaga ayaa soo bandhigi doona talaabooyinka joojin kara in cudurkan ku faafo hoyga dadka waayeelka ah.

Macluumaad urursan looguna talogalay adigaaga ka weyn 70 sano ama ka mid ah dadka khatarta ku jira.

2020-08-17 N44

Hey’adda waddooyinka: Safar keliya haddii ay khasab tahay – ka fogaw safarka marka gaadiidku wada degdegsanyahay

Fasaxa shaqada iyo fasaxa xagaaga ka dib wey kordhayaan khataraha ciriiriga gaadiidka dadweynaha iyo jaamka gaadiidka labaduba. Shirki jaraa’id ee Hey’adaha dowladda ee Khamiistii ayey sidaas darteed Hey’adda waddooyinku ku xasuusisay dadweynaha in ay mas’uuliyaddooda qaataan inta deyrta lagu jiro iyagoo safraya haddii lagu khasbanyahay oo keliya.

– Nidaamku si fiican ayuu u shaqeynayaa, laakin waxaa qof walba looga baahan karaa caawimaad si aan u suurta gelinno safar aamin ah marka bulshadu si dhab ah isugu dhex yaaceyso fasaxa shaqada iyo fasaxa xagaaga ka dib. In beddel ahaan dhammaan gawaari la soo qaato maaha sidoo kale xal, maxaa yeelay waxay taasi waddooyinka ku keeni kartaa jaam xagga gaadiidka ah oo xannibaya safarrada lagama maarmaanka ah iyo gaadiidka wax daabula, ayuu yiri Roberto Maiorana, madaxa hawlaha aagga gaadiidka oo mas’uul ka ah qorsheynta socodka gaadiidka iyo hagiddiisa.

Wax dheeraad ah oo ku aaddan safarrada gudaha ka akhriso.

2020-08-13 N43

Isbadalada dhanka talooyinka in aan la safrin

12ki Agoosto ka dib meesha waa laga saaray kala talinti ku aaddaneyd u safridda Lijshenstayn iyo Osteriya.

Xilli hore waxay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu joojisay taladii ahayd in la joojiyo safarada aan lagama maarmaanka ahayn ee lagu tagayo, Andoora, Beljam, Danmarka, Faransiiska, Giriiga, Islaand, Talyaaniga, Karawaatiya, Luxemburg, Moonako, Norway, Boolan, Saan Mariino, Isbayn, Switizerland Jarmalka, Hangari iyo dawlada Fatikaanka.

Waddamada kale ee EU, EES iyo aagga Schengenka iyo Ingiriiska waxaa kala talinta safarrada aan lagama maarmaanka ahayn la dheereeyay ilaa iyo 26 Agoosto 2020.

Dhanka dalalka ka baxsan Midowga Yurub, EES iyo Shengen waxay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu horey go’aan uga gaartay in lagu taliyo inaan lagu tegin safaro lagama maarmaan ah ilaa iyo oo ay ku jirto 31 Agoosto.

Dheeraad ku saabsan safarada dalka dibediisa iyo in la joogo dalka dibediisa

2020-07-31 N42

Sii wad inaad guriga ka soo shaqayso haddii fursadaa aad haysato

Hay`adda arrimaha caafimaadka dadwaynaha [Folkhälsomyndigheten] waxay talo ahaan soo jeedinaysaa, in dadka fursad u haysta in hawlaha shaqada ay qabtaan iyagoo hoygooda ku sugan, in ay sii wadaan taas xitaa xilliga xagaaga. Waa tallaabo kaalin ka geysanayso hoos u dhigidda tirada xiriirka iyo heerka ciriiriga ee gaadiidka dadwaynaha. 

Covid-19 weli wuu ku faafayaa gudaha Iswiidhan.  Si loo yareeyo tirada xaaladaha covid-19 waxaa muhiim ah in la sii wado in dadku kala durko oo la yareeyo tirada kulamada lala leeyahay dadka kale.  

Dad badan fursad uma haystaan inay ka soo shaqeeyaan guriga, tusaale ahaan dadka ka shaqeeya qaybta adeegyada siiya dadweynaha ama dhanka xanaanada iyo daryeelka.  Si iyagu ay sida ugu amaansan ay u awoodaan inay u tagaan ugana yimaadaan shaqooyinkooda waxaa muhiim ah in la isku dayo in la iska ilaaliyo ciriiriga.

Hey’adda caafimaadka bulshada waxay sidaas darteed ku telineysaa in inta ugu badan ee dad ah ee suurtagal ah ay ka soo shaqeeyaan iyagoo jooga guriga.  Marka ay jirto in qof gurga ka soo shaqeeyo wakhti dheer waxaa aad muhiim u ah in shaqo-bixiyuhu ahmiyad siiyo mas’uuliyada ka saaran xaalada shaqo.

Taladani waxay shaqaynaysaa ilaa iyo inta talooyinka guud shaqaynayaan, xaalada iminka iyo ilaa iyo 31 Diisambar 2020.

2020-07-31 N41

Isbadalada dhanka talooyinka in aan la safrin

Ka dib 29 Julaay waxaa la joojiyay taladii in la iska daayo safarada aan lagama maarmaanka ahayn ee lagu tagayo Daanmaark, Noorway, Iswisarlaand iyo Jeega. 

Xilli hore waxay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu joojisay taladii ahayd in la joojiyo safarada aan lagama maarmaanka ahayn ee lagu tagayo, Andoora, Beljam, Faransiiska, Giriiga, Islaand, Talyaaniga, Karawaatiya, Moonako, Laksamborg, Boolan, Saan Mariino, Isbayn, Jarmalka, Hangari iyo dawlada Fatikaanka.

Dhanka dalalka kale ee ka mid ah Midowgya Yurub, EES iyo aaga Shengen iyo United Kingdom waa la dheereeyay talada ah in aan lagu tagin safaro aan  lagama maarmaan ah ilaa iyo oo ay ku jirto 12 Agoosto.

Dhanka dalalka ka baxsan Midowgya Yurub, EES iyo Shengen waxay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu horey go’aan uga gaartay in lagu taliyo inaan lagu tegin safaro lagama maarmaan ah ilaa iyo oo ay ku jirto 31 Agoosto. 

2020-07-22 N40

Hey’adda caafimaadka bulshada, ku saabsan difaaca jirka ee ka dhanka ah covid-19

Qofki horay loo xaqiijiyay in uu ku dhacyay covid-19 aadbey u yartahay khatarta ah in uu mar kale cudurku ku dhacyo, ugu yaraan lix bilood. Saas waxaa qortay Hey’adda caafimaadka bulshada oo hageysa goballada iyo degmooyinka.

La xaqiijiyay waxaa loola jeedaa in qofka laga helay infekshin markaas haya ama mid uu qofku ka reystay, ama in qofka laga helo unugyada difaaca ee cudurka ka dhanka ah. Ka dib marka uu qofka infekshinku ku dhacyo waxay u badantahay in uu jirkiisu yeesho wax uun difaac ah xitaa haddii uusan lahayn unugyo difaac oo laga qiyaas qaadan karo, ayey Hey’adda caafimaadka bulshadu qoreysaa.

Qofka loo arko in uu leeyahay wax uun difaac ah, gebi ahaanna ka maran calaamadaha cudurka waa ay yartahay khatarta uu ugu jiryo in isaga cudurka la qaadsiiyo ama uu sii faafiyo. Waxay taasi ka dhigantahay in dadka kale waqti lala qaadan karo, xitaa dhismooyinka gudohooda, iyadoo aan taas loo eegeyn in kuwa lala kulmayo ama qofka naftirkiisu uu ka tirsanyahay koox khatar ku jirta iyo in kale.

Qof walba waa in uu mar walba sameeyo qiimeyn isaga u gaar ah oo ku aaddan kuwa uu waqtiga la qaadanayo. Waa in dhammaan la sii wadaa raacitaanka talooyinka ku aaddan yareynta faafitaanka cudurka. Xagga laamaha caafimaadka iyo daryeelka waa in ruutiinka la xiriira nadaafadda iyo qalabka badbaadada la raacaa.

Sidan ayaan ku yareyneynaa faafitaanka cudurka:

  • Guriga joog haddii aad leedihid calaamadaha covid-19.
  • Badanaaba dhaq gacmaha.
  • Dadka kale masaafo u jirso.
  • Taxaddir lahaw marka aad booqaneysid dadka da’da ah iyo kuwa ka tirsan kooxda khatarta ku jirta.
  • Ka fogaw isku imaatinyada ay bulsho badan joogto.

2020-07-16 N39

Isbeddel ku yimid safar kala talinti dadka ee UD

Wasaaradda Arrimaha Dibaddu, UD, waxay 15 Luulyo ka dib meesha ka saareysaa kala talinti ku aaddaneyd aaditaanka Andorra, Polen iyo Jarmalka. Laakiin dhanka kale waxay UD soo celineysaa kala talinti ku aaddaneyd aaditaanka Switzarland, oo shaqeyneysa laga billaabo 15 Luulyo ilaa iyo 29 Luulyo.

UD si is daba joog ah ayey macluumaadka u cusbooneysiisaa marka laga hadlayo isbeddellada talooyinka ku aaddan safarrada ee xagaaga, si qorshaha loo fududeeyo maxaa yeelay xaaladdu si degdeg ah ayey isu beddeli kartaa covid-19 awgiis.

Waxaa horay meesha looga saaray kala talinta safarrada aan lagama maarmaanka ahayn ee lagu aadayo 14 waddan, waxaa iminka liiskaas lagu daray seddax waddan: Andorra, Polen iyo Jarmalka, laakin xagga Switzarland waa la soo celiyay kala talinti ku aaddan safarrada aan lagama maarmaanka ahayn, tusaale ahaan xagaabaxa.

Waddamada kale ee EU, EES iyo aagga Schengenka iyo Ingiriiska waxaa kala talinta safarrada aan lagama maarmaanka ahayn la dheereeyay ilaa iyo 29 Luulyo 2020.

Marka laga hadlayo waddamada kale ee ka baxsan EU, EES, Schengenka iyo Ingiriiska waa laga talinayaa in ay dadku u safraan ilaa iyo 31 Agoosto 2020.

Halkan waxaa ku jira liis waddamo ay UD ku talineyso in aan loo safrin. (Boggu waa af-Iswiidhish)

2020-07-06 N38

Mamnuucidda ku meel gaarka ah ee soo gelitaanka Iswiidhan oo la dheereynayo ilaa iyo 31 Agoosto

Xukumaddu waxay maanta go’aan ku gaartay in ay dheereyso mamnuucidda ku meel gaarka ah ee soo gelitaanka waddanka ilaa iyo 31 Agoosto. Isla mar ahaantaas musaafiriin badan ayey xukuumaddu xannibaadaha ka khafiifisay.

Mamnuucidda ku meel gaarka ah ee soo gelitaanka waddanku waxay billaabatay 19 Maarso, waxayna billaw ahaan shaqeyneysay 30 maalmood. Markaas ka dib waa la dheereeyay talooyin uu Guddiga Midowga Yurub bixiyay ka dib.

Xukuumaddu waxay sidoo kale go’aamisay in ay khafiifiso xannibaadaha soo gelitaanka waddanka. Horay tusaale ahaan muwaadiniinta Midowga Yurub iyo xubnaha qoysaskooda ka tirsan iyo dadka Iswiidhan sharciga ku leh waa loo oggolaa in ay Iswiidhan soo galaan, haddii ulajeeddadu ay ahayd in ay soo guryo noqdaan. Go’aanka maanta wuxuu ka dhiganyahay in meesha laga saaray shardigi ahaa in soo gelitaanka waddanka lagu xiro in ulajeeddaadu tahay in la soo guryo noqonayo. Sidaas darteed soo gelitaanka waddanka waa loo oggolyahay muwaadiniinta Midowga Yurub iyo dadka degganaashada waddanka ku leh iyadoo aan loo eegeyn ulajeeddada safarkooda. Shardiga guryo noqoshada waa laga dul qaaday sidoo kale xubnaha qoysaskooda ka tirsan.

Sidoo kale kooxaha ee waddanka soo geli kara waa la kordhiyay iyadoo dadka deggan waddamo la cayimay oo ka baxsan Midowga Yurub laga reebay mamnuucidda soo gelitaanka waddanka.

Isbeddelladu waxay dhaqan gelayaan 4 Luulyo.

2020-07-03 N37

Sidii hore waa ay ka fududdahay in aad dadka waqti la qaadatid haddii aad leedihid unugyada lidka ku ah covid-19

Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay u aragtaa in dadka laga helay unugyada cudurka lidka ku ah ay si ka ballaaran sidii hore waqti ula qaadan karaan qoyska iyo saaxibbada. Taasi micno dheeri oo muhiim ah ayey u leedahay dadka ka waaweyn 70 sano iyo kooxaha khatarta ku jira.

In qofka laga helo unugyada cudurka lidka ku ah waxaa loo arkaa in ay yareyneyso khatarta ah in cudurka qofkaas la qaadsiiyo, taasoo yareyneysa in uu qofku cudurka sii gudbiyo. Qiimeyntu waxay shaqeyneysaa iyadoo uu shardigu yahay in uu qofku sii wadyo raacitaanka talooyinka guud ee hey’adaha dowladda, iska dhaafyo waxyaabaha layska reebay, raacyana xeerka jira si bulshada dhexdeeda looga yareeyo faafitaanka cudurka. Waxaa tusaale ahaan muhiim ah in la sii wado dhiqidda gacmaha, in masaafo loo jirsado dadka ka baxsan kuwa uu caadi ahaan qofku waqti la qaato iyo in uu guriga joogyo haddii uu qofku bukyo.

In qofka laga helo unugyada cudurka lidka ku ah waxay u badantahay in ay gebi ahaan ama qeyb ahaan qofka ka ilaalineyso in uu infektionku ku dhacyo ilaa iyo sanad barkiis laga billaabo maalinti uu qofku helyay natiijada baaritaankiisa. Marki ay aqoon dheeraad ah soo kororto waxaa dhici karta in aragtidan la cusbooneysiiyo.

– Waxaan iminka u aragnaa in ka helitaanka qofka ee unugyada cudurka lidka ku ah ay kor u qaadeyso fursadaha ku aaddan in uu qofku waqti la qaato gaar ahaan xigtadiisa, taasoo micno weyn ugu fadhin karta gaar ahaan dadka ka waaweyn 70 sano iyo dadka ka tirsan kooxaha khatarta ku jira. Waxay sidoo kale si ka ballaaran markii hore ula kulmi karayaan xigtada leh unugyada difaaca jirka xitaa haddii iyagu aysan kuwaas lahayn. Laakin waxaa mar walba loo baahanyahay in uu qofku qiimeyn iskiis u sameeyo isagoo ka duulaya xaalad walba goonideeda, qof ahaanna u qaadanaya mas’uuliyaddiisa, ayey leedahay Karin Tegmark Wisell, madax qeybeedka Hey’adda caafimaadka bulshada.

Si loo adeegsado natiijada baaritaanka waxaa muhiim ah in ay leeyihiin awood wax qabad oo aad u sarreysa, ayna bixinayaan natiijo baaritaan oo lagu kalsoonaan karo.

2020-06-30 N36

Maamulka dhexe oo arrimaha bulshada: Way yaraatay tirada dadka raadiya rugta qaabilaada deg-dega inta lagu jiro baahida cudur

Booqashooyinka rugaha deg-dega ah ee dalka si xoog leh ayay u yaraatay markii covid-19 ku faafay gudaha Iswiidhan.  Maamulka dhexe oo arrimaha bulshada waxay ka digaysaa natiijooyinkan. 

Intii u dhaxaysay toddobaadkii 10 iyo 14 waxay tirada booqashooyinka hoos u dhacday boqolkiiba 31 dhanka rugaha qaabilaada ee deg-dega.  Waxaa ugu badnaa da’da ah 0-17 sanno iyo dadka ah 70 sanno ama ka weyn kuwaas oo booqashadoodu hoos u dhacday.

– Dadka leh calaamado khafiif ah tusaale ahaan cudurada wadnaha, kansar iyo cudurada kale ee khatarta ah ee sugaya inay raadsadaan daryeel caafimaad waxaa ku dhici kara saamayno kedis ah oo khatar leh, hoos u dhacyo awooda ama haba ugu darnaatee dhimasho, sidaas waxaa sheegtay Thea Enhörning, baaraha Maamulka dhexe oo arrimaha bulshada.

Dhanka rugaha qaabilaada deg-dega ee xanuunada maskaxiyanka ahna way yaraadeen booqashooyinku qiyaastii boqolkiiba 22 intii lagu jiray faafida cudurka koroona. 

Daraasad ayaa muujisay in xitaa tirada dadka soo booqda daryeelka ilkaha ay ku dhawaad nus ahaan noqotay laga bilaabo toddobaadkii 2-10 ilaa toddobaadkii 14-16, xilligaas oo tiradu ugu hooseysay.

Wel-welka in cudur la qaado iyo rabis la’aanta in aan culeys la saarin daryeelka caafimaadka ayaa noqon karaa dhowr sababood, sidaas waxaa muujisay daraasad ay samaysay Maamulka dhexe oo arrimaha bulshada. 

2020-06-25 N35

Xukuumaddu waa ay dheereysay mamnuucidda soo gelitaanka Iswiidhan

Si loo yareeyo saameynta faafitaanka feyruska corona ayey xukuumaddu u dheereysay mamnuucidda ku meel gaarka ah ee soo gelitaanka waddanka ilaa iyo 7 Juun.

Mamnuucidda ku meel gaarka ah ee soo gelitaanka Iswiidhan waxay billaabatay in ay dhaqan gasho 19 Maarso, seddax mar ayaana horay loo dheereeyay. Maalinti khamiista ayey xukuumaddu sheegtay in mamnuucidda soo gelitaanka waddanka la dheereeyay ilaa iyo 7 Luulyo. Go’aanka waxaa lagu gaaray talo uu soo jeediyay guddiga Midowga Yurub.
Ula jeeddada mamnuucidda soo gelitaanka waddanku waa in la khafiifiyo saameynta faafitaanka feyruska corona iyo in la yareeyo dillaacidda covid-19.

Mamnuuciddu waxay sidi markii horaba khuseysaa dhammaan dadka ajaanibta ah ee Iswiidhan uga imaanaya waddamo aan ahayn waddamada Midowga Yurub, Ingiriiska, Norway, Island, Liechtenstein iyo Switzarland. Muwaadiniinta Iswiidhishka ma khuseyso mamnuuciddu.

2020-06-18 N34

Wasaaradda arrimaha dibaddu waxay 30 Juun meesha ka saareysaa kala talinti ku aaddaneyd u safridda toban waddan

Wasaaradda arrimaha dibaddu waxay laga billaabo 30 Juun meesha ka saareysaa kala talinti u safridda toban waddan: Biljamka, Faransiiska, Giriigga, Island, Talyaaniga, Kroatia, Luxemburg, Portugal, Switzarland iyo Spain. Laakinse waddamada kale waa ay sii soconeysaa kala talintooda.

Sababta toban waddan looga qaadayo xayiraaddu, waa in ay waddamadaas dhankooda xudduudaha u fureen musaafiriinta ka yimaada Iswiidhan iyo waddamada kale ee EU. Taasi waxay yareyneysaa kalsooni darrada musaafiriinta Iswiidhishka, ayey ulajeedda wasaaradda arrimaha dibaddu.

Isla mar ahaantaa waxay wasaaraddu dooneysaa in ay hoos ka xarriiqdo in mas’uuliyad weyn ay saarantahay qofka shakhsiga ah: dadka waddamadaas u safraya waxay u baahanyihiin in ay qiimeyn ku sameeyaan in ay dhab ahaanti u baahanyihiin in ay aadaan, in ay si fiican ugu diyaar-garoobaan waddanka ay aadayaan in ay diyaar u yihiin in ay raacaan talooyinka hey’adaha dowladda ee maxalliga ah iyo tilmaamooyinka goobta. Haddii ay ka muuqdaan calaamadaha covid-19, gebi ahaanba ma safri kartid. Waddamada kala duduwan waxay kala leeyihiin hannaan kala duduwan marka la eego faafitaanka cudurka, tusaale ahaan feebaro koontaroolid, shardi ah in afka la xirto iyo xeerar ku aaddan masaafada ay dadku isu jirjirsanayaan.

Waddamada kale ee ka tirsan EU, EES iyo Schengen waxaa dadka laga talinayaa in ay aadaan ilaa iyo 15 Luulyo haddii aysan lagama maarmaan ahay. Isla mar ahaantaasna Wasaaradda arrimaha dibaddu waa ay dheereyneysaa kala talinti ku aaddaneyd u safridda waddamada ka baxsan EU, EE iyo aagga Schengen, kala talintaasna waxaa ay shaqeyneysaa ilaa iyo 31 Agoosto.

Qeyb muhiim ah oo ka mid ah farriimaha Wasaaradda arrimaha dibaddu waa in Wasaaradda ama hey’adaha dibadda ee dowladdu aysan gaadiid Iswiidhan keena u habeyn karin ciddii laga yaabo in ay ku adkaato in ay waddanka ku soo laabato xaaladda iminka lagu jiro awgeed.

Si aad wax walba oo markaas taagan loola socdo waxay Wasaaradda arrimaha dibaddu ku talineysaa in la soo degsado app-ka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Resklar iyo in macluumaadka safarka ee safaaradaha lagala socdo boggeenna intarneetka Sweden Abroad. Boggu waa af-Iswiidhish.

2020-06-16 N32

Mamnuucidda booqashada meelaha dadka da’da ah lagu xannaaneeyo waa la dheereeyay

Mamnuucidda qaran ee booqashada meelaha dadka da’da ah lagu xannaaneeyo waxaa la dheereeyay ilaa iyo 31 Agoosto, ayey maalinti isniinta shir jaraa’id ku sheegtay wasiiradda arrimaha bulshada Lena Hallengren. Ulajeeddada laga leeyahay mamnuucidda booqashadu waa in la yareeyo khatarta is-qaadsiinta covid-19.

Maadaama la dheereeyay mamnuucidda booqashada waxay xukuumaddu markaa rabtaa in sidaas oo ay tahay uu hoyga dadka da’da ah helyo taageero si loo suurta geliyo in dadka da’da ah iyo xigtadoodu ay wada xiriiraan. Waxay xukuumaddu Hey’adda caafimaadka u xil saartay in ay kordhiso taageerada meelaha dadka da’da ah lagu xannaaneeyo, si loo suurta geliyo in si aamin ah loo booqdo. Waxay taasi noqon kartaa in la siiyo qalab la isku ilaaliyo, in booqashada laga dhigo dhismada dibaddeeda ama la adeegsado qalab digital ah, sida fidsanayaasha intarneetka.

2020-06-15 N31

Covid-19 wuxuu Iswiidhan ka soo galyay waddamo badan

Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay khariidadeysay, isna barbar dhigtay hiddesidaha feyruska corona ee musaafiriinti soo guryo noqday. Mid ka mid ah waxyaabaha natiijooyinka laga fahmay waa in ay u badantahay in covid-19 uu Iswiidhan yimid marar kala duduwan, kana soo galyay waddamo kala duduwan.

Marka laga reebo tan la ogyahay ee ah in uu ka yimid Talyaaniga iyo Osteria waxay baaritaannadu muujinayaan in cudurku Iswiidhan uga yimid tusaale ahaan Ingiriiska, Faransiiska, Holland iyo USA.

Natiijada Hey’adda caafimaadka bulshadu, ka dib marki ay is barbar dhigtay hiddesidaha feyrusku, waa in ilaalada cudurrada faafa ee goballadu ay si weyn u baajiyeen in cudurki Talyaaniga ka yimid uu si fiican u sal dhigto Iswiidhan.

Baaritaanku wuxuu sidoo kale muujinayaa in feyruska corona uu sidoo kale la yimid musaafiriin ka kala yimid waddamo kala duduwan oo Yurub ah iyo USA horbaba dhammaadki Febraayo iyo billawgi Maarso. Waxaa ay sidaas darteed u badantahay in cudurku uu waadamadaas ku faafyay ka hor goorta la sheegay ee ugu horreysay.

2020-06-10 N30

Xannibaado dheeri ah oo ku aaddan bixinta oggolaasho mudaaharaad

Si loo yareeyo khatarta faafitaanka cudurka covid-19 waxay boolisku si dheeri ah u sii adkeynayaan bixinta oggolaashada bannaanbaxa. Taas waxaa keentay in waqtiyadii ugu dambeeyay dhawr jeer laga gudbay xadkii ahaa ugu badanaan 50-ka qofood.

Warsaxaafadeed ayuu boolisku ku tilmaamyay in xeerarka kala dambeyntu ay, si aafo loo joojiyo, oggolyihiin in la diido bixinta oggolaashada isu imaatinka guud ee dadweynaha. Aafada maanta taagan xeerarkaas ayey soo hoos geleysaa.

2020-06-10 N29

Kulamo saxaafadeed oo ku aaddan covid-19 oo intii hore ka yar inta xagaaga lagu jiro

Laga billaabo 10 Juun waxaa kulamada wadajirka ah ee hey’adaha dowladda ee ku aaddan covid-19 la qaban doonaa maalmaha talaadooyinka iyo khamiisyada.

Laga billaabo bishii Maarso waxay Hey’adda caafimaadka bulshada, Hey’adda caafimaadka iyo Hey’adda badbaadinta bulshada iyo diyaargarowgu (MSB), maalin kasta oo aan fasax ahayn qaban jireen kulamo saxaafadeed aafada covid-19 awgeed. Laga billaabo 10 Juun waxaa kulamada saxaafadda la qaban doonaa talaadooyinka iyo khamiisyada, saacadda 14.00. Kulamada saxaafadda waxaa lagu qabanayaa Iswiidhish iyo afka- dhagoolayaasha.

2020-06-05 N28

Talooyinka ku aaddan safarrada gudaha waa la khafiifinayo

Laga billaabo 13 Juun dadka aan calaamado cudur lahayn waa ay ku dhex safri karaan Iswiidhan dhexdeeda, ayuu leeyahay ra'iisul wasaaraha Stefan Löfven.

Si khafiifinta talooyinku ay u shaqeyso waa in la raacaa xeerarka ku aaddan in jir ahaan si sugan masaafo laysugu jirsado, taasoo iminka ka muhiimsanaaneysa sidii hore, ayey Hey’adda leedahay caafimaadka bulshadu.

– Taasi muhiim ayey jir ahaan iyo maskax ahaanba u tahay si loo helo fasax micno buuxa leh. Laakin waxaan rabaa in aan carrabka ku adkeeyo in ay sidii hore muhiim u tahay in dadka oo dhan ay raacaan talooyinka ah in uu qofku guriga joogyo haddii uu leeyahay haba yaraatee calaamado cudur, in uu gacmaha dhaqdo, in uu masaafo dadka kale u jirsado iyo in uu ciriiriga ka fogaado, ayuu leeyahay Johan Carlson, diritoorka guud ee Hey’adda caafimaadka bulshadu.

Xukuumaddu waxay xitaa carrabka ku adkeyneysaa in khatarti aysan dhammaannin iyo in Iswiidhan ay weli ku sugantahay xaalad khatar ah.

2020-06-04 N27

Baaritaanno lacag la’aan ah oo ku aaddan covid-19

Dhammaan dadka leh calaamadaha cudurka covid-19 waa la baari doonaa. Baaritaannadu waxay noqon doonaan kuwo lacag la’aan ah, ayey xukuumaddu leedahay. Waxaa intaas dheer in ay kordhi doonaan tirada waxa loogu yeero tijaabooyinka unugyada cudurka liddiga ku ah.

Tijaabooyinka waxaa si ballaaran loogu wada qaadi doonaa waddanka oo dhan. Xukuumadda ayaa u celin doonta kharashka dheeriga ah ee baaritaanadaas goballada uga baxaya.

Qofki leh calaamado cudur oo laga yaabo in uu yahay covid-19 waxaa loo soo jeedin doonaa in baaritaan lagu sameeyo. Taasi waxay dhici doontaa iyadoo uu qofku isagu isbaarayo, halkaas oo waxa leesku baarayo guriga loogu soo dirayo bukaanka, oo guriga baaritaanka ku sameynaya, dabadeedna dhambaal siduhu ka soo qaadesyo. Taas beddelkeeda waxaa jiri kara meelo gaari lagu geli karo oo aad gaariga intaad ku gashid isku baari kartid.

Baaritaannada ku aaddan unugyada cudurka liddiga ku ah sidoo kale waa la kordhinayaa.

– Waxaa jirta lacag loo qoondeeyay in baaritaannada noocan ah ay lacag la’aan u noqdaan shaqaalaha caafimaadka, sidoo kale shaqaalaha xagga meelaha xannaanada, dadka loo adeego, hoyga gaarka ah, kuwa guryaha u adeega iyo shaqaalaha ka shaqeeya meelaha kale ee bulshada muhiimka u ah. Ulajeeddada xukuumaddu waa in sidoo kale shacabka intiisa kale lagu casuumo tijaabooyinka unugyada cudurka liddiga ku ah, laakin iyadoo uu qofku lacag bixinayo, ayey leedahay wasiiradda arrimaha bulshada, Lena Hallengren.

2020-06-04 N26

Xukuumaddu waxay go’aamisay in shaqaalaha xilliyada qaar ka shaqeeya beeraha, dhir-beerista iyo nafaqeynta jardiinooyinka in lagu daro liiska dadka laga reebi karo ka mamnuucidda soo gelitaanka waddanka. Wax dheeraad ah oo ku aaddan ka mamnuucidda soo gelitaanka waddanka ka akhriso halkan.

2020-06-03 N25

Khad taleefan oo qaran oo ku aaddan feyruska cusub ee corona oo luqado fara badan ah

Khadka taleefanka ee gobalka Stockholm ee luqadaha badan ee ku aaddan feyruska corona wuxuu iminka noqonayaa mid qaran ayey leeyihiin Hey’adda caafimaadka bulshada iyo qoballadu.

Khadka taleefanka waxaa heegan ku ahaanaya xiriirayaal iyo warbixiyayaal xagga caafimaadka ah oo goballada jooga. Waxay ku hadli doonaan af-carabi, af-soomaali, af-Iraani, af-tigree, af-amxaari iyo af-ruush. Nambarka taleefanku waa: 08-123 680 00.

Khadku wuxuu furanyahay maalmaha caadiga ah saacadaha: 09.00-12.00 iyo 13.00-15.00. Halkan ayey dadweynuhu soo wici karaan si jawaabo ugu helaan su’aalaha ku saabsan feyruska cusub ee corona.

Khadka taleefanku uma shaqeeyo macluumaadbixiye xagga caafimaadka ah ahaan oo caawimaad loogama heli karo arrimaha bukaanka ee qofka u gaarka ah, markaas waxaa lala xiriiriayaa Hagaha caafimaadka ee 1177. Waxay ku jawaabayaan Iswiidhish iyo Ingiriis.
Haddii ay jiraan dhibaatooyinka degdeg ah oo nafta khatar gelinaya waa in la wacaa 112. Xagga su’aalaha guud ee ku aaddan feyruska cusub ee corona waxaa kaloo jira nambarka qaranka ee macluumaadka 113 13.

Bogga Krisinformation.se waxaad sidoo kale ka heleysaa macluumaad ku aaddan feyruska cusub ee corona oo luqado kale ah.

2020-05-29 N24

Xukuumadda: Dugsiyada sare waa la furi karaa mar kale

Ardayda dhigata dugsiyada sare waxaa dhici karta in ay xagaaga iyo deyrta u laabtaan fasalladoodi iskoolka. Isbeddelku wuxuu shaqeynayaa laga billaabo 15 Juun.

Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay khafiifineysaa talooyinki hore oo waxay meesha ka saareysaa shardigi ahaa in distans wax lagu dhigo. Sidaas darteed laga billaabo 15 Juun hawlihii caadiga ahaa dib ayey ugu soo laabanayaan dugsiyada sare. Farriintu waxay shaqeyneysaa ilaa amar dambe.

Ardayda dugsiyada sare ee u baahan dugsiyada xagaaga waxay sidaas darteed xitaa fursad u helayaan in ay xagaaga gudihiisa iskoolka wax ku dhex dhigtaan.
Xagga waxbarashada dadka waaweyn ee Komvux-ka, Jaamacadaha xirfadaha iyo jaamacaduhu qeyb ahaan distans wax waa ku sii dhigi karaan si loo yareeyo isqaadsiinta cudurka

.
– Marka la eego sida ay maanta xaaladdu tahay laga billaabo 15 Juun waxay dugsiyada sare dib ugu laaban karaan in ay fasalladoodi caadiga ahaan wax ku dhigaan. Waxay taasi ka dhigantahay in aan iminka bixineyno fursad qorshe dejin oo ku aaddan xagaaga iyo xilli dugsiyeedka deyrta oo aan ogahay in ay muhiim u tahay duruufaha iskoolladu shaqadooda ku gudan karaan, ayey leedahay wasiradda waxbarashada, Anna Ekström (s).
Haddii faafitaanka cudurku uu mar kale sii kordho waxay xukuumaddu diyaar u tahay in ay tallaab qaaddo iyo in mar kale dib loogu laabto distans wax ku dhigiddi.


Tan khuseysa xafladaha waxbarashada waxba iskama beddelin, halkaas oo xafladeyn heer hoose ah diiradda la saarayo si loo yareeyo faafitaanka cudurka. Waxaan horay u faafinnay in sagxadaha ardaydu ku dabbaaldegaan ay mamnuuc yihiin, taasoo ay Hey’adda gaadiidku go’aan ka gaartay.

2020-05-28 N23

Xadka da’da kooxaha khatarta ku jira sidiisa ayuu sii ahaanayaa

Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay u aragtaa in xadka da’da dadka loo arko in ay khatar ku jiraan uu sii ahaanayo 70 sano jirnimada. Saas waxaa 26 Mey shir jaraa’id ku sheegay wasiiradda arrimaha bulshada Lena Hallengren iyo diritoorka guud ee Hey’adda caafimaadka bulshada.

Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay soo saartay talooyin gaar ah oo loogu tala galay dadka 70 sano ka waaweyn iyo dadka kale ee ka tirsan kooxda khatarta ku jirta. Aad bey muhiim u sii tahay in kooxaha khatarta jira ay intii suurta gal yareeyaan xiriirka jir ahaaneed ee la dadka kale la yeelanayaan. Isla mar ahaantaasna wuxuu diritoorka guud Johan Carlsson carrabka ku adkeeyay in xiriirrada bulshada la sii lahaado oo la yareeyo kelinimada dadka da’da ah si aan loo lumin caafimaadka iyo tayada nolosha.

Si loo sii dhawro xiriirrada bulshanimada waxaa lagu talinayaa in dhismooyinka dibaddooda lagu wada xiriiro iyadoo masaafo la isu jirsanayo. Sababtoo ah taasi aad bey u sii yareyneysaa khatarta faafitaanka cudurka. Dhibac wax isku qaadsiintu waa ay sii fududdahay marka leeskula jiro dhismo gudeheed. Mamnuucidda booqashada hoyga dadka da’da ah sideedi ayey u sii soconeysaa.

Akhriso wax dheeraad ah oo ku aaddan talooyinka ku socda dadka ka sarreeya 70 sano.

2020-05-29 N22

Oggolaasho isboortiga la oggolaanayo xagaaga

Isboortiga mar kale ayaa dib loo billaabayaa, laga billaabo 14 Juun – laakin waa dhismooyinka dibaddooda iyo daawadayaal la’aan.

Xukuumadda iyo Hey’adda caafimaadka bulshadu Jimcadi ayey soo gudbiyeen go’aankooda. Go’aanku wuxuu khuseeyaa wixii isboorti ah oo dhan, heer kasta oo ay yihiin, xagga ragga iyo xagga dumarka intaba. Laakin iyadoo uu shardigu yahay in dhismooyinka dibaddooda loogu qabanayo si waafaqsan xannibaadaha la xiriira kulamada guud.
Xadeynta ku aaddan ugu badnaan 50 qofood oo isugu yimaada meelaha guud iyo kulamada waxba lagama beddelin, taasoo ka dhigan ciyaaraha iyo tartamada ay khasab tahay in daawadayaal la’aan la qabto.

– Isboortigu dad badan ayuu wax badan uga dhiganyahay, gaar ahaan waqtiyada ay xaaladdu adagtahay, isbeddello waaweyna ay jiraan. Sidaas darteed waa wax wanaagsan in Hey’adda caafimaadka bulshadu ay iyadoo laga duulayo xaaladda taagan ee cudur qaadsiinta ay u aragto in la qaban karo tartamada isboortiga, xitaa haddii ay khasab tahay in ay duruufo aan caadi ahayn ku dhacaan, ayey leedahay Amanda Lind (MP) wasiiradda Isboortiga.

2020-05-19 N21

Waa OK guryaha carruurtu xilliga xagaaga degaan


Waa muhiim in carruurtu inta ugu dheer ee suurta gal ah ay u sii wataan nashaadaadkooda caadiga ah. Sidaas darteed ayey Hey’adda caafimaadka bulshadu oggoshahay guryaha ay carruurtu xilliga xagaaga degaan, haddii kooxo yaryar loogu qabanayo meelo hoygooda u dhaw.


Cidda meesha hawshu ka socoto mas’uulka ka ah waa in ay hubisaa in la yareeyo khatarta faafitaanka cudurka corona ee covid-19. Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay soo saartay wax khatarta lagu qiimeeyo oo gacan ka geysanaya in la garto tallaabooyinka taxaddiridda ee loo baahanyahay.


Tababarrada iyo nashaadaadka waa in tusaale ahaan lagu qabtaa dhismooyinka gudohooda. Waxaa xitaa fiican in masaafo loo kala dhexeysiiyo meelaha la seexdo iyo meelaha cuntada lagu cuno.


Waa muhiim in carruurtu ay guriga joogaan haddii ay xanuunsad-aan, xitaa haddii ay calaamado cudur oo khafiif ahi leeyihiin. Haddii waqtigaas gudihiisa ay cidi xanuunsato waa in la awoodi karo in guriga la soo aado.

2020-05-14 N20

Xukuumaddu waa ay dheereysay mamnuucidda soo gelitaanka Iswiidhan


Si loo yareeyo saameynta faafitaanka feyruska corona ayey xukuumaddu u dheereysay mamnuucidda ku meel gaarka ah ee soo gelitaanka waddanka ilaa iyo 15 Juun.


Mamnuucidda ku meel gaarka ah ee soo gelitaanka Iswiidhan waxay billaabatay in ay dhaqan gasho 19 Maarso, hal mar ayaana horay loo dheereeyay. Khamiisti ayuu ra'iisulwasaare Stefan Löfven sheegay in xukuumaddu ay mar kale dheereysay mamnuucidda soo gelitaanka Iswiidhan, ilaa iyo 15 Juun. Go’aanka waxaa lagu gaaray talo uu soo jeediyay guddiga Midowga Yurub.


Ula jeeddada mamnuucidda soo gelitaanka waddanku waa in la khafiifiyo saameynta faafitaanka feyruska corona iyo in la yareeyo dillaacidda covid-19.
Mamnuuciddu waxay sidi markii horaba khuseysaa dhammaan dadka ajaanibta ah ee Iswiidhan uga imaanaya waddamo aan ahayn waddamada Midowga Yurub, Ingiriiska, Norway, Island, Liechtenstein iyo Switzarland. Muwaadiniinta Iswiidhishka ma khuseyso mamnuuciddu.

2020-05-14 N19

Hey’adda gaadiidka: Ku dabbaaldegidda sagxadaha gawaarida xamuulka ee ardaydu waa mamnuuc


Laga billaabo 15 Mey waa mamnuuc in la raaco sagxadaha gawaarida xamuulka ee ardaydu ku dabbaaldegaan. Taas waa go’aanka Hey’adda gaadiidka oo fulienysa codsiga Hey’adda caafimaadka bulshada.


In la raaco sagxadaha gawaarida xamuulka ama rimoorka ay jiidaan gawaarida xamuulku, cagafcagyada ama qalabka gaadiidka iyadoo taasi la xiriirto iskool xiridda, socodka karnefaallada ama wixi u dhigma lama oggola, sida xeerka Hey’adda gaadiidku uu qabyo.
Mamnuuciddu waxaa ay shaqeyneysaa ilaa iyo 31 Diseembar 2020.

2020-05-14 N18

Wasaaradda arrimaha dibaddu waa ay dheereysay ka digiddi dibad u dhoofidda

Safarrada dibadda waa in dib loo dhigtaa. Wasaaradda arrimaha dibaddu waxay safar ka digiddeedi dheereysay hal bil.

Feyruska cusub ee corona wuxuu ka dhiganyahay in ay sii socoto kalsooni darradi ku aaddan saffarada caalamiga ah. Sidaas darteed ayey wasaaradda arrimaha dibaddu shir jaraa’id ku sheegtay in digniinihi ay horay uga bixisay in dhammaan waddamada dibadda loo dhoofo la dheereeyay. Ka digiddu waxay shaqeyneysaa ilaa iyo 15 Luulyo 2020.

Go’aanka waxaa asal ahaan dadka loo soo gudbiyay 14 Maarso 2020, hal mar ayaan horay loo dheereeyay.

2020-05-12 N17

Xaalad-cabbiridda Sifo: Dad inti hore ka yar ayaa sheegaya hab dhaqan is beddelay


Dad inti hore ka yar ayaa sheegaya in ay ka fogaadaan hawlaha bulshanimada la xiriira ama gaadiidka dadweynaha marka la barbar dhigo hal usbuuc ka hor. Taas waxaa muujiyay baaritaan ay sameysay Kantar Sifo iyadoo ay u shaqeyneysa Hey’adda badbaadinta bulshada iyo heeganka, MSB.


Baaritaanka in inyar ka badan 5 000 oo qof ayaa ka jawaabay su’aalo ku aaddan sida ay habdhaqankooda u beddeleen laga soo billaabo marki khatarta corona ay billaabatay. Ilaa iyo usbuuci hore waxaa la arki karayay koror joogto ah oo ku imaanayay jawaabaha dadka oo sheegaya in ay aafada darteed habdhaqankoodi u beddeleen. Laakin xaalad cabbiriddii ugu dambeysay waxay muujisay isbeddel weyn oo dhacay. Tusaale ahaan tirada sheegeysa in ay ka fogaadeen raacitaanka gaadiidka dadweynaha, iskana daayeen hawlaha bulshanimada la xiriira wey yaraadeen.

Dhawr tusaale:

  • "In inti hore ka yar ayaa guriga bannaankiisa uga qeyb qaadatay nashaadaad bulshanimo" waxay yaraatay laga billaabo 74 ilaa 66 boqolkiiba.
  • "Ka fogaaday goobaha caamka ah halkaas oo ay dad badani joogaan" waxay yaraatay laga billaabo 72 ilaa 65 boqolkiiba.
  • "In sidi hore ka yar si maalinle ah u raacaya gaadiidka dadweynaha" waxay yaraatay laga billaabo 50 ilaa 42 boqolkiiba.

Baaritaanka oo dhan ka akhriso msb.se.

2020-04-29 N16

Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay dumarka uurka leh ku boorrineysaa in ay taxaddir yeeshaan


Dumarka uurka leh waa in ay iska ilaalshaan in la qaadsiiyo covid-19 marka dhaliddoodu xoogaa soo dhawaato iyo dhalidda ka hor. Dumarka uurka leh ee qaba waxyaabaha khatarta keena sida buurnaan, kaadi macaan ama dhiigkar waa in ay si gaar ah u taxaddiraan, sida ay qabto Hey’adda caafimaadka bulshadu.

Sida lagu ogaaday aqoonta maanta la hayo uma muuqato in dumarka uurka leh iyo khatar dadka kale ka badan ugu jiraan in ay aad ugu xanuunsadaan covid-19. Laakiin waxaa jira dhawr dhacdo oo dumar uur leh ay Iswiidhan gudeheeda ugu baahdeen daryeel caafimaad oo is daba joog ah.

– Waxaan rabnaa in aan ka hortagno in dumar badan oo uur leh ay aad ugu xanuunsadaan ama u baahdaan daryeel is daba joog ah ayuu leeyahay Anders Tegnell, oo takhasus u leh cudurrada safmareenka ee dowladda, una shaqeeya Hey’adda caafimaadka bulshada.

Sida ay qabto Hey’adda caafimaadka bulshadu waa in dumarka uurka leh ay si dheeraad ah u taxaddiraan, gaar ahaan marka ay dhaliddoodu xoogaa soo dhawaato iyo dhalidda ka hor. Taasna waxaa ugu wacan in cudur ku dhaca neefmareenka marka ay dhaliddu soo dhawaato uu haweeneyda uga dhignaan karyo khatar.

Dumarka uurka leh ee qaba waxyaabaha khatarta keena sida dhiigkar, kaadi macaan iyo buurnaan waa in ay la tashadaan umulisooyinkooda ama dhakhaatiirtooda, ayna xadeeyaan xiriirrada dhadhaw ee ay la yeelanayaan dadka qoyskooda ka baxsan.

2020-04-28 N15

Dabbaaldeg arday oo heer hoose ah sanadkan


Sanadkan ma jirayo dabbaaldeg arday oo sidaas u weyn - ma jirayo or-orod sidaas u weyn, ma jirayo arday gaari xamuul oo dusha ka furan raacaya, mana jirayaan xaflado sidaas u waaweyn. Taas waxaa iminka caddeysay Hey’adda caafimaadka bulshada.

Xaflado waaweyn, kulamo iyo dhoolatusyo iskoolka oo dhan loo qabanayo maaha in la qabto, mana aha in ay dhacaan xaflado iskool oo gaari xamuul oo dusha ka furan lagu dul qabsanayo. Maaha sidoo kale in ay dhacaan xaflado kale oo lagu soo xirayo koorsooyin qalinjebin oo dugsi sare ah.

Shahaaddo qeybin iyo xaflado yar-yar oo fasallada dugsiga sare looga baxayo waa la qaban karaa haddii loo qabanayo si yareyneyso khatarta faafitaanka covid-19.
Dibad u ordidda qalinjibinta ardayda waa la sameyn karaa haddii fasal walba uu goonidiisa u sameynayo ama ay yihiin kooxo yar-yar. Haddii ay sidaas noqoneyso waa in ay taasi ka dhacdo dhismada dibaddeeda halkaas oo masaafo leesu jirjirsan karo. Kooxaha khatarta ku jira iyo dadka leh calaamadaha cudurka covid-19 maaha in ay goob joog ahaadaan.

Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay sidoo kale qoreysaa in aysan xitaa habbooneyn in dad badan si gaar ah loo ca-casuunto, xitaa haddii casuumaadda lagu qabsanayo guriga iyo dhismada dibaddeeda.

2020-04-27 N14

Guddiga caafimaadka: Da’da maaha waxa go’aaminaya xaqa daryeelka loo leeyahay

Iyadoo ay sababtu tahay wadahadalka warbaahinta ka dhex socda ee ku saabsan in aan dadka da’da la siineynin daryeel is dabajoog ah waxay Guddiga caafimaadku caddeynayaan in aysan sidaas wax ahayn. Mabaadii’da qaranka ee mudnaan siinta xagga daryeelka is dabajoogga ah waxaa ku cad in dadka oo dhan isku si ay daryeel u helayaan, iyadoo aan da’ loo eegeyn, taasoo waqti dheer ka hor sharciga lagu go’aamiyay.
 
Mudnaanta maaha in la isi siiyo iyadoo laga duulayo, da’, xaalad bulshanimo, derejo ama naafanimo laga yaabo in uu qofku qabyo.
Marka boosaska daryeelka is dabajoogga ah aysan dadka ku filneyn waxaa mudnaanta la siinayaa qofka ay fursaddiisu ugu weyntahay in uu badbaado. Xitaa haddii qofka loo diido daryeelka is dabajoogga ah waxaa u furnaanaya daryeel kale. Waxaa sidoo kale jira daryeel uu heli karyo qofki qaba cudur kale oo aan ahayn covid-19, laakin noocyada qalliinka qaarkood waxaa loo baahan karaa in dib loo dhigo.2020-04-23 N13

Hey’adda caafimaadka bulshada: Debshid sanadkan ka duwan kuwii hore

Iyadoo ay ugu wacantahay faafitaanka covid-19 ayuu debshidka sanadkan noqon doonyaa mid kuwii hore ka duwan, ayey Hey’adda caafimaadka bulshadu soo werineysaa. Waxaan u baahannahay in aan xaflado ka fogaanno iyo in aan ka fikirno ay dad badani meel isugu ururaan. Waa muhiim in masaafo loo jirsado dadka kale xitaa dhismooyinka dibaddooda.

Qofki dareemaya haba yaraatee in yar oo hergeb ah waa in uu gebi ahaanba dadka kale ka dhuuntaa. Waxaa sidoo kale muhiim ah in dhammaan dadka 70 sano buuxiyay ay xaddidaan xiriirradooda dhadhaw, xitaa galabta debshidka ka horreysa.
Isla xaddidaadaha tirada dadka ee meel isugu ururi kara wey khuseysaa xitaa kowda Mey - halkaas oo aan oggolaasho bannaanbax la siin doonin in ka badan 50 qofood. Taasi sidoo kale inta lagu jiro guga wey khuseysaa ciidaha, sida ciidda fidriga ee ramadaanka ku xigta. Masaajiddu wey xirnaan doonaan ilaalinta cudur isqaadsiinta awgeed.

2020-04-22 N12

Hey’adda dawooyinku waxay dadka kala talineysaa in ay keligood iska baaraan covid-19

Hey’adda dawooyinku waxay dadka kala talineysaa in ay keligood is baaraan si ay muujiyaan covid-19. Baaritaannada noocaas ah waxay ku jiraan oo laga iibsan karaan intarneetka laakin waxay dhalin karaan dhaawac faa’iidada ka badan maxaa yeelay si buuxda looguma kalsoonaan karo, ayey hey’addu leedahay.

Xirmada baaritaanka ee dadka shacabka ah waa in ay si gaar ah aamin u tahay, si fududna loo maamuli karo laakin sida xaaladdu iminka tahay wax sidaas ah suuqa ma yaallaan, ayey Hey’adda dawooyinku leedahay.

 - Xitaa baaritaannada loogu tala galay laamaha caafimaadka waxay muujin karaan natiijo qaldan ama si qaldan ayaa loo macneysan karaa haddii ay dad shacab ah adeegsadaan.  Natiijo qaldan waxay keeni kartaa in qofku uu sii faafiyo cudurka, ayey leedahay Ewa-Lena Hartman, madaxa kooxda farsamada dawooyinka ee Hey’adda dawooyinku.

Hey’adda dawooyinku dadka kalama talineyso in ay adeegsadaan waxyaabaha la isku baaro ama baaritaannada ay laamaha caafimaadku bixiyaan.

2020-04-22 N11

Guddiga adeegga bulshada: Macluumaad cusub oo ku aaddan kooxaha khatarta ugu jira covid-19

Warbixin cusub ayey Hey’adda caafimaadku si gaar ah u soocday dadka khatarta weyn ugu jira in ay aad ugu xanuunsadaan haddii uu ku dhacyo covid-19.

Sida ay Hey’adda caafimaadku qabto dadka khatarta ku jira waa kuwa:

  • Da’da ah, 70 jirrada iyo wixi ka sarreeya. 
  • Buurbuuran ee BMI-geedu ka badanyahay 40.
  • Qaba cudurka kansarka ama iminka laga daweynayo kansar ama goor dhaw kansar laga daweeyay.
  • Qaba cudurrada la xiriira neerfaha iyo murqaha sida Parkinson, MS iyo ALS oo shaqada murqaha saameynaya.
  • Naafanimo xagga garaadka iyo dhaqdhaqaaqa la xiriira (qof siyaabo badan u naafo ah).
  • Dadka qaba ugu yaraan laba ka mid ah cudurrada soo socda: cudurrada wadnaha iyo xididdada (xididdada oo oodma, wadno beelid, faallig), dhiig kar, dhibaatooyin kaadi macaanka ka dhashay, cudur xagga keliyaha ah oo joogto ah iyo keliyo beelid, cudur xagga sambabaha ha oo joogto ah (oo aan neef ahayn) ama cudur xagga baarka ah oo joogto ah.
  • Dadka qaba cudurrada kale ee khatarta ah sida cudurrada yareeya difaaca jirka, cudur ama xaalad ka reysasho cudur aad u saameynaya shaqada xubnaha jirka, dhaawac xagga dhuuxa dhabarka ah oo u baahan in taageero joogto ah oo xagga neefsashada ah iyo daweyn keeni karta in uu difaaca jirka ee infekshinnadu uu yaraado.

Waxyaabo khataraha keena oo isu tegtegay khatarta ayey sii kordhinayaan.

Warbixinta maanta xukuumadda loo gudbiyay waxay soo jeedineysaa in dadka la deggan cid khatar sare ku jirta ay ka joogsato shaqada ka baxsan guriga haddii xaaladda shaqadu aysan ahayn nooca la raaci karo talooyinka Hey’adda caafimaadka bulshada ee ku aaddan ilaalinta cudur dad qaadsiinta.

Liisku wuxuu ku saleysanyahay aqoon laga helay waqtigi uu feyruska corona dillaacay bishii jannaayo ilaa iyo maanta. Aqoonta ku aaddan waxyaabaha khatarta keenaya weli wey yartahay, waxaana dhici karta in loo baahdo qiimeynta dib u eegis lagu sameeyo, lana hormariyo ayey hey’addu qoreysaa

2020-04-17 N10

Munaasabadihii xilligan gu’ga way ka duwanyihiin sidii hore sannadkan

2020-04-03 N9

Farmashi dawo ka soo qaadasho xaddidan

Laga billaabo maanta suurta gal ma noqoneyso in farmashiga laga soo qaato dawo ka badan inta aad u baahantihid muddo seddax bilood ah. Waxaa taas go’aamiyay xukuumadda ka dib markii dalabka dawooyinku uu aad u kordhay waqtiyadi ugu dambeeyay.

Xaddidaaddu waxay khuseysaa dhammaan dawooyinka uu dhakhaatiirtu qorto iyadoo aan taas loo eegeyn in ay ku jiraan gaashaamashada kharashka sare iyo in bukaanku uu kharashka dawada isagu la baxayo. Keliya haddii ay sababo gaar ah jiraan ayaa qiil la heli karaa.

Go’aanku wuxuu sidoo kale ka dhiganyahay in ay tahay in seddax meelood oo laba meel laga isticmaalay dawadi la qaatay inta aan qofka la sii siin dawo dheeraad ah. Ulajeeddadu waa in laga hortago in uu dawada gabaabsi ku yimaado iyadoo ay taasi ka dhalaneyso bakhaar dhigasho.

– Waqtiyada lagu jiro xaaladaha adadag sida kuwan aad bey muhiim u sii tahay in si sinnaani ku jirto loo helo dawooyinka marka loo eego xilliyada caadiga ah. Haddii dadku dawooyinka bakhaarro dhigtaan waxaa imaaneysa khatar ah in dawooyinka qaarkood aysan dadka oo dhan ku filnaanin. Sidaas darteed ayaan sidan wax ugu xaddideynaa, ayey tiri wasiiradda arrimaha bulshadu, Lena Hallengren.

Xaddidaaddu waxay khuseysaa dawooyinka dadka iyo kuwa xayawaannada intaba.

2020-04-01N8

Hey’adda caafimaadka bulshada: Talooyin ku aaddan sidi loo yareyn lahaa faafitaanka cudurka

Sida ku cad Hey’adda caafimaadka bulshada talooyinkeeda guud ee cusub waa in laga fogaadaa meelaha dadka faraha badan isugu imaanayaan, dadka 70 sano ka waaweyna waa in ay si gaar ah taxaddiraan. Ulajeeddada laga leeyahay talooyinku waa in laga hortago faafitaanka covid-19 iyo in hor iyo horraanba la dhawro dadka nugul ee bulshada ka tirsan - kooxaha khatarta u nugul iyo dadka da’da ah.

Si looga hortago faafitaanka covid-19 waxaa la rabaa in mar walba uu qofku gurigiisa joogyo haddii uu calaamad isku aragyo, in nadaafadda aad loogu dadaalo iyo in dhammaan dadku ay masaafado isu jirjirsadaan. Dadka 70 sano ka waaweyn iyo dadka kale ee ka tirsan kooxaha khatarta u nugul waxaa habboon in ay yareeyaan u dhawaashadooda dadka kale iyo in ay gebi ahaanba ka fogaadaan gaadiidka dadweynaha. Waxaa sidoo kale habboon in ay ka fogaadaan in ay ka soo adeegtaan dukaamanka sida farmashiga iyo dukaamanka cuntada ama ay joogaan meelo kal-kale oo dad isugu ururayo.

Sida ay qabto Hey’adda caafimaadka bulshadu kooxda ugu horreysa ee khatarta u nugul waa dadka da’doodu sarreyso ee cudurro kale horay qaba. Tusaale ahaan dhiigkar, wadno xanuun, cudurrada sambabaha ama kaadimacaan. Dadka si dheeraad ah ugu nugul in uu cudur khatar ahi ku dhacyo waa dadka horay cudurro u qabay.

Qof walba oo Iswiidhan joogta waxay mas’uuliyadi ka saarantahay in uu ka hortagyo faafitaanka cudurka, xitaa meelaha ay hawlo ka socdaan. Talooyinkan ayey Hey’adda caafimaadka bulshadu u soo jeedineysaa meelaha ay hawlo ka socdaan:

Ururrada isboortigu waa in haddii ay suurta gal tahay ay tababarrada iyo hawlaha kale ee isboortiga ku qabtaan dhismooyinka dibaddooda, dib u dhigaan ciyaaraha, tababarka, tartannada iyo koobabka iyo in ay yareeyaan tirada daawadayaasha.

Waxaa habboon in ururrada samafalku ay kulamada sanadlaha ah iyo wixi la mid ah dib u dhigaan haddii ay suurta gal tahay haddii uu kulanku u baahanyahay in hal meel lagu wada kulmo.

Gaadiidka dadweynaha iyo waxyaabaha guud ee lagu safro waa in tirada masaafuriinta la xadeeyaa, inta uu gaadiidku noqnoqonayana taas la waafijiyaa si ciriiri looga fogaado.

Shaqabixiyuhu waa in uu hubiyaa in shaqaalaha iyo booqadayaasha ay masaafo u dhexeyso, in shaqaaluhu guriga ka soo shaqeeyo iyo in laga fogaado safarrada laga maarmi karo.

Dukamaanka, suuqyada waaweyn iyo moolalku waa in ay xadeeyaan tirada macaamiisha ah ee isku mar joogi kara meelahaas. Sidoo kale waxaa habboon in ay xalal kale u keenaan safafka qasnadda ama macaamiisha u sheegaan inta ay isu jirjirsanayaan.

Xeerarka Hey’adda caafimaadka bulshada iyo talooyinka guud waxay shaqeynayaan ilaa iyo 31 Diseembar 2020, laakin waqtigaas ka hor waa la joojin karaa ama la dheereyn karaa, haddii loo baahdo.

 

2020-03-31 N7

Baaritaannada covid-19 oo la kordhinayo

Xukuumaddu waxay Hey’adda caafimaadka bulshada u dirsatay hawl ah in ay keento hindise ku aaddan sida dad badan looga baari karo covid-19.

Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay hoggaamineysaa shaqo ah in la soo saaro istiraatiijiyad ku aaddan sidii tirada baaritaannada loo kordhin lahaa. Hey’addu waxay sidoo kale isku duweysaa goballada, degmooyinka iyo waxa kale ee loo baahanyahay si dad fara badan loo baaro iyadoo aan tayadana la lumineyn. Waxa ugu muhiimsan waa in bukaannada iyo shaqaalaha caafimaadka loo sii damaanad qaadi karo baaritaan, ayey Hey’adda caafimaadka bulshadu qoreysaa.

– Waxaa muhiim ah in kooxaha maantaba mudnaanta la siiyo xitaa mustaqbalka loo damaanad qaadi karo baaritaan. Waxaa mudnaanta ugu weyn la siinayaa in qofka la baaro ka hor ama marka isbitaal la dhigayo si uusan cudurku ugu dhex faafin isbitaallada gudohooda, dadka da’da ah iyo dadka nugul ee tusaale ahaan xannaanada u baahan, ayey leedahay Karin Tegmark Wisell oo ah dhakhtarad sare, madaxna ka ah qeyb ka mid ah Hey’adda caafimaadka bulshada.

2020-04-01 N6

Mamnuucida qaran ee booqashada hoyga dadka gaboobay. 

Dawladu waxay go’aamisay mamnuucida booqasho ee dhamaan hoyga dadka gaboobay ee dalka oo dhan si loo hakiyo faafinta cudurka covid-19. Go’aankan wuxuu dhaqan-galayaa 1-da Abriil.

– Dadka ku nool dadka gaboobay hoygooda ku yaala dalka waa kuwa sida ugu baaxada weyn u baahan in looga ilaaliyo faayraskan. Sidaas darteed waa inaanu hubinaa in cudurku aanu ku faafin meelahaas, sidaas waxaa sheegtay wasiirada arrimaha bulshada Lena Hallengren.

Dawladu waxay horey u gudbisay talo adag oo ka dhan ah in la booqdo hoyga dadka gaboobay. Degmooyin badan ayaa horey u bilaabay noocyo kala duwan oo mamnuucida booqashada ah laakiin waxay dawladu iminka bilowday nidaamin isku mid iyo cadaan ah looguna talogalay dalka oo dhan.

Go’aankan waa mid guud. Qofka mas’uulka ka ah hawsha hoyga ayaa dhanka xaalad gaar ah oggolaanaya wixi ka reeban mamnuucid haddii ay jiraan duruufo gaar ah oo sabab u ah ka reebanaan iyo haddii khatarta faafinta faayraska karoona ay aad u yartahay.

2020-03-27 N5

Mamnuucida kulamada dadweyne ah in ka badan 50 qof

Laga bilaabo axada 29 Maarso waa in kulamada dadweynaha iyo xafladaha dadweynaha aanay ka badan 50 ka qayb-qaate.  Go’aankan waxay dawladu gaartay jimcihii (27 Maarso).

Booliisku wuxuu joojin karaa ama kala dareerin karaa kulan dadweyne ama xaflad dadweyne oo ay joogaan in ka badan 50 ka qayb-qaatayaal.  Qofkii qaban-qaabiya xaflad jebinasa mamnuucidan waxaa lagu xukumi karaa ganaax ama xarig xabsi ah ugu badnaan lix bilood.

Ka hor waxaa jirtay xadayn ahayd 500 qof dhanka kulamada dadweynaha, laakiin taas waa la badalay iminka ka dib codsi ka yimi Hey’adda arrimaha caafimaadka.  Sababtu waa in la xadeeyo faafinta cudurka karoona faayraska covid-19.

Kulan dadweyne

Kulan dadweyne micnahiisu waa:

  • kulamada ah mudaharaadyo ama sideedaba loo qabto in lagu wada-xaajoodo, lagu cabiro fikradaha ama soo bandhigid guud ama arrimo gaar ah
  • muxaadarooyinka iyo casharo la jeedinayo kuwaas oo loo qabtay waxbarasho ahaan ama loogu talogalay soo gudbin fikrado guud ama muwaadin ahaan
  • kulamada loo qabto diin ahaan
  • soo bandhigyada masrax, bandhigyada shaneemo, bandhig heeso iyo kulamada kale ee loogu talogalay in lagu soo gudbiyo alaab farshaxan ah
  • kulamada kale ee xoriyada kulanka lagu dhaqmayo

 

Xaflad dadweyne

Xaflad dadweyne micnaheedu waa:

  • tartamada iyo soo bandhigyada isboortiga, ciyaaraha iyo duulista
  • bandhigyada dhaansiga
  • bandhigyada qalaamaa rogadka kolba meel taga iyo xaflad
  • suuqyada iyo carwooyinka
  • kulamada xafladaha kale ee aan loo arkin kulamo dadweyne ama bandhigyada qalaamaa rogadka kolba meel taga

Iskoolada, gaadiidka dadweynaha, munaasabadaha shakhsiga ah iyo booqashada dukaamada ma ku jirto arimahaas.

2020-03-24 N4

Hey'adda arrimaha caafimaadka: Tababar samee laakiin u samee si amaan ah

Hawlaha isboortiga iyo tababarka way sii socon karaan laakiin dhowr talaabo oo taxadar ah ayaa loo baahanyahay in la sameeyo si loo yareeyo khatarta cudur faafinta, sida ay sheegtay Hey'adda arrimaha caafimaadka.

Dhaq-dhaqaaqyada jirka way u fiicanyihiin caafimaadka dadka oo isboortiga iyo tababaryadu waa inay sii socdaan, sidaas ayay u aragtaa Hey'adda arrimaha caafimaadka. Tababaryada, kulamada kooxo ciyaarayaan iyo koobabka maxaliga ah ma loo baahna in la joojiyo sababtoo ah cudurkan. Goobaha tababarka jirka, hoolalka dabaasha iyo hoolalka isboortiga way furnaan karaan.

Laakiin hawlahan waxaa loo baahanyahay in ay waafaqsanaadaan sidii loo yarayn lahaa khatarta faafinta cudur, tusaale ahaan in tababarku ka dhaco meel banaanka ah. Hey'adda arrimaha caafimaadka waxay wada-hadal layeelatay Ururka qaran ee isboortiga oo waxay talooyinkan soo socda siiyeen kuwa mas'uulka ka ah hawlaha isboortiga iyo tababaryada:

• Qofka xanuusanaya, xitaa leh calaamado khafiif ah maaha inuu ka qayb qaato wax hawlahan ah laakiin uu joogo guriga ilaa iyo laba maalmood ka dib markuu caafimaado. Haddii qofku xanuusado iyadoo hawsha isboortigu socoto waa inuu qofkaas si toos ah u tago gurigiisa.
• Dadka ka weyn 70 sano maaha inay ka qayb qaataan hawlo koox ahaan oo ka dhacaya meel gudaha ah. Muhiim ayay u tahay caafimaadka in dadka waayeelka ah ay dhaq-dhaqaaq sameeyaan iyo hawlo jir ahaan ah iyo in banaanka la soo lugeeyo ayaa lagula talinayaa.
• Yaree wixii ah u dhawaanshaha dadka, samee tababaryo kale oo aad ku badasho.
• Qof kale ha la wadaagin caaga biyaha, waxa afka lagu daboolo iyo wixii la mid ah ee soo gudbin kara candhuuf.
• Hubso in aad fursad u haysato inaad dhaqdo gacmaha iyo alkahoosha gacmaha oo ku baraarugsanow nadaafad fiican oo gacmaha ah.
• Iska ilaali ciriiriga tusaale ahaan marka dad daawadayaan ah loo soo daynayo goobta ciyaarta iyo meesha wax lagu iibinayo.

2020-03-24 N3

Hey'adda arrimaha caafimaadka: Ma la ogola ciriiriga maqaaxiyaha raashinka, maqaaxiyaha kafeega iyo baararka

Ciriiriga dadka dhexdooda marka lagu jiro safaf, miis dhinaciisa, meelaha cuntada qofku ka guranayo ama miiska baararka ee maqaaxiyaha cuntada, maqaaxiyaha kafeega iyo baararka maaha in uu jiro, sida ku cad qawaaniinta cusub ee ka yimi Hey'adda arrimaha caafimaadka.
Hey'adda arrimaha caafimaadka qawaaniinteeda cusub waxay bilaabmayaan inay dhaqan galaan 25-ka maarso, taas micnaheedu waa in maqaaxiyaha cuntada, baararka iyo maqaaxiyaha kafeega ee dalka oo dhan u baahanyihiin inay qaataan talaabooyin gaar ah si loo yareeyo khatarta faafida cudurka covid-19.

Qawaaniintan cusub waa in lagu dhaqmaa dhanka shaqooyinka ay si guud u khuseyso qodobka 11 § ee qawaaniinta Hey'adda dawladeed ee arrimaha raashinka (LIVSFS 2005:20) kuna saabsan nadaafada raashinka, tusaale ahaan maqaaxiyaha, maqaaxiyaha shaqaalaha, baararka, maqaaxiyaha kafeega, hoolka cuntada ee iskoolada iyo adeegyada cuntada laga dalbado.

Hawl shaqo oo kastaa waa inay hubisaa in dadka soo booqanayaa ay kala durugsanaadaan. Soo booqdayaashu waa inay wax cunaan oo wax cabaan oo keliya iyagoo fadhiya miis ama cuntadoda qaataan. In marka la joogo baararka loo shaqeeyo qof taagan ma la ogola. Cuntada la qaadanao waa caadi, ilaa intii sidaas la samayn karo iyadoo ay bilaa ciriiri tahay dadka dhexdooda.

Qofka mas'uulka ka ah hawshan waa in sida ay Hey'adda arrimaha caafimaadka sheegtay uu xitaa lahaadaan nidaamyo loogu talogalay in khatarta cudur faafinta la yareeyo sidii suurtagal ah.

Dhakhtarka ku takhasusay cudurada faafa ayaa ka dib la tashiga degmada gaari kara go'aan ah in la mamnuuco meelaha aan buuxin shuruudahan.

2020-03-19 N2

Hey'adda arrimaha caafimaadka: Ka fikir haddii safarku run ahaanti yahay lagama maarmaan

Iyadoo ay sabab u tahay faafida faayraska karoona waxay Hey'adda arrimaha caafimaadka ku talinaysaa in aad looga fikiro safarada ayaamaha fasaxa la qorshaystay ama safarada kale ee gudaha Iswiidhan ay run ahaantii yihiin lagama maarmaan in la sameeyo. Qofka xanuusanayaa maaha inuu safro.

Hadda waxaa jira calaamado cad oo muujinaya in covid-19 ku fiday bulshada, ugu horeyn gobolada magaalooyinka waaweyn. Ka hor fasaxyada iyo xilliga fasaxa booskiga waxaa muhiim ah in si fiican qofku uga fikiro safarada.

– Ayaamaha fasaxa weyn waxay badanaaba yihiin fasaxyada la safro. Waxaanu waayo-aragnimada laga hayo Talyaaniga iyo Oostariya ku ogaanay sida safarada xilliga fasaxyada ay u saamayn karto faafida cudur ee juqraafi ahaan dal, sida uu sheegay Johan Carlson, maamulaha guud ee Hey'adda arrimaha caafimaadka.

Sidaas darteed waxay Hey'adda arrimaha caafimaadka ku talinaysaa in qofku si fiican uga fikiro haddii safar lagu tagayo tusaale ahaan magaalooyinka waaweyn, goobaha dalxiiska ee barafka ama meel kale oo fasaxyada lagu tago oo caan ah oo ay dad badan ku kulmaan meel isku mid ah ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo.

2020-03-17 N1

Waxbarashada la qaato iyadoo aan la joogin goobta waxbarasho ayaa lagula taliyay dugsiyada sare, jaamicadaha iyo jaamicadaha sare.

Hey'adda arrimaha bulshada waxay ku talinaysaa in dugsiyada sare, waxbarashada dadka waaweyn, jaamicadaha iyo jaamicadaha sare ee Iswiidhan ay dhaqan-geliyaan waxbarashada la qaato iyadoo aan la joogin goobta waxbarasho taas oo ay sabab u tahay faayraska karoona ee cusub.

Talo soo jeedintan ujeedadeedu waa in cudurka covid-19 ku faafo bulshada.

– Xaalada iminka lagu jiro waxaa macquul ah in lagu baraarujiyo dugsiyada sare, jaamicadaha iyo jaamicadaha sare inay u badashaan waxbarashada la qaato iyadoo aan la joogin goobta waxbarashada. Markaasi waxaa waxbarashada la samayn karaa iyadoo ardaydu aanay ku urursanayn fasal iyo qolalka waxbarashada, sida uu sheegay Johan Carlson, maamulaha guud ee Hey'adda arrimaha caafimaadka.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada xanaanada wakhtiga iminka lagu jiro wax saamayn ah ma ku laha talo-bixintani. Dawladu waxay si wada-jir ah xisbiyada ay dhanka gudida waxbarashada u darsaysaa haddii la qaadan karo sharci cusub oo dawlada suurtagal uga dhigaya in la damaanad qaado daryeelka caruurta waalidkood hayaan shaqooyin muhiim u ah bulshada haddii aynu gaarno heer loo baahdo in la xiro dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada xanaanada.

2021-06-30 N160