Dadka ka waaweyn 70jirka iyo dadka kale ee khatarta ku jira

Dadka qaar haddii covid-19 la qaadsiiyo waxay isku arkaan calaamo cudur oo adadag. Waa kuwan talooyin ku socda dadka da’da ah iyo dadka ka tirsan kooxaha khatarta ku jira, talooyinkaas oo ku aaddan faafitaanka cudurka, taageerada la heli karo iyo xuquuqdaada daryeelka caafimaadka- iyo bukaanka.

ID73

Haddii aad safrayso

Laga bilaabo 13 Juun way ku safri karaan dalka gudihiisa dhamaan dadka aan lahayn wax calaamado cudur ah.  Laakiin doorashada hore ha ahaato gaadiid gaar kuu ah ama gaadiidka dadweynaha ee ay suurtagal tahay inaad boos ka balansato.  Iska ilaali in aad raacdo gaadiidka dadweynaha ka dhaxeeya, sida tusaale ahaan baska, tareenka, tareenka dhulka hoos mara iyo tareenka kor mara.

ID53

Sidan ayey dadka da’da ah ee caafimaadka qaba waqti isula qaadan karaan inta uu jiryo covid-19

Marka laga reebo in taleefan iyo kumbuyuutar layskala xiriiro dadka da’da ah ee caafimaadka qaba ee ka sarreeya 70 sano wey la kulmi karaan qaraabo iyo saaxibbo haddii ay taasi u dhaceyso si aamin ah.

  • Kulanka horay u sii qorshey, kana fikir sida aad ku yareyn kartid khatarta faafitaanka cudurka.
  • Kulma oo keliya haddii aad dhammaantiin caafimaad qabtaan. Ka fogaw kulanka haddii ay jiraan xitaa calaamado cudur oo yar-yar.
  • Haddii lagu baaray, calaamado cudurna aadan lahayn, waxaa laguu arkaa in aad leedihid wax uun difaac ah, sidaas darteed waa ay yartahay khatarta aad ugu jirtid in cudurka lagu qaadsiiyo ama aad sii faafiyo. Wax dheeraad ah ka akhriso bogga baaritaannada.
  • Ku kulma dhismooyinka dibaddooda halki aad ku kulmi lahaydeen dhismooyinka gudohooda. Masaafo ku dhawaad gacan dhererkeed ah isu jirsada.
  • Kooxo yar-yar oo keliya waqti iskula qaata.
  • In badan gacmaha ku dhaq saabuun iyo biyo. Isticmaal aalkolada gacmaha haddii aan la heli karin saabuun iyo biyo.
  • Kuraasta iyo miisaska dhiga meelo kala fogfog xitaa haddii aad dibadda joogtaan.
  • Toos gacmaha u dhaqo marka aad guriga timaadid.

ID31

Daryeel raadso haddii aad u baahantihid caawimaad degdeg ah


Waa muhiim in qofki daryeel caafimaad u baahan, xaalad adag oo degdeg ah awgeed, uusan in uu caawimaad raadsado isaga deynin baqdin uu ka qabyo covid-19 awgeed. Haddii ay jirto xaalad degdeg ah, wac 112. Haddii aad su’aalo ka qabtid xaalad iyo daryeel caafimaad oo aan degdeg ahayn, wac 1177. Waxay ku jawaabayaan Iswiidhish iyo Ingiriis. Iyadoo ku xiran meesha aad deggantihid waxaa jiri karta fursad ah in aad xitaa luqad kale ku hadashid. Caawimaad weydiiso qof qaraabo ah ama saaxiib ah haddii aadan adigu wici karin.

ID45

Sidan ayaad caafimaadkaaga u ilaalsan kartaa


Haddii aad ku jirtid koox khatar ku jirta waa in aad dhakhtarkaaga kala tashataa xagga daweynta iyo waxa aad sameyn kartid si aad u yareysid khatarta ah in aad la bukootid covid-19.
Waxaan adigaaga ka tirsan kooxda khatarta ku jirta kula talineynaa in aad inti aad awooddid xadeysid xiriirradaada dhadhaw ee aad dadka kale la leedahay. Waxay taasi tusaale ahaan ka dhigantahay in ay habboontahay in aad:

  • Isku daydid in aad gurigaaga joogtid, laakin dabcan ma jiraan wax kaa xannibaya in aad tusaale ahaan soo lugeysid iyo in aad joogtid meelo dibadda ah oo ay joogaan dad yar oo masaafo la oggolyahay isu jir-jira.
  • Ka fogaatid meelaha la isugu ururo sida tusaale ahaan gaadiidka dadweynaha, dukaamanka ama maqsinnada dadka u dhexeeya.
  • Masaafo dadka kale loo jirsado, gudaha dhismooyinka iyo dibaddoodaba labadaba.
  • Caawimaad weydiisatid si tusaale ahaan lagaaga caawiyo soo iibsashada cuntada, dawooyinka iyo arrimaha kale ee ka dhignaan kara in aad dad kale isku dhawaataan.
  • In badan gacmaha ku dhaqdid saabuun iyo biyo ugu yaraan 20 ilbiriqsi.

ID47

Talo ku aaddan af-dhawraha

Sida ay qabto Hey’adda caafimaadka bulshadu xaaladaha caadiga ah ee bulshada dhexdeeda ah looma baahna af-dhawre, maadaama ay taas ka fiicantahay in masaafo loo jirsado dadka kale iyo in si fiican gacmaha loo dhaqihaayo.

Waxaa jirta khatar ah in adeegsashada af-dhawrku uu keenyo kalsooni bug ah oo keeneysa in uusan qofku raacin talooyinka kale sida in uu guriga joogyo marka uu leeyahay calaamado cudur iyo in uu masaafo dadka ku jirsado. Khatar kale waa in uu qofku taabanayo af-dhawrka, sidaasna uu cudurka gacmaha kula faafinayo, in ka badan haddii uusan haysan lahayn af-dhawre.

Af-dhawre waa in loo arkaa in uu dhameystir u yahay tallaabooyin kale oo udub dhexaad u ahay yareynta faafitaanka cudurka. In uu qofku guriga joogyo marka uu leeyahay calaamado cudur iyo in si fiican loo nadiifiyo gacmaha waa in mar walba lagu dhaqmaa, waana muhiim in meheradaha iyo dadku ay midba goonidiis u qaataan mas’uuliyadda masaafo isu jirsashada gudaha iyo dibadda dhismooyinka. Laakinse waxaa dabcan jiri kara xaalado ay adagtahay in laga fogaado ciriiriga iyo in leesu dhawaado waqti dheer. Halkaas oo uu af-dhawrku noqon karyo wax qiimo leh, sida ay qabto Hey’adda caafimaadka bulshadu.

Marka aad safreysid waxaa dhici karta in shardi laga dhigo af-dhawre, tusaale ahaan garoonka diyaaradaha iyo marka aad diyaarad saarantihid.

ID3

Ka fogaw in aad jir ahaan dadka isu dhawaataan

Da’da weyn waa arinta khatarta ah ee ugu badan in qofka ay ku dhacaan calaamado khatar ah haddii cudurkan ay qaadaan. Sidaas darteed haddii aad ka weyntahay 70 sano waxaa lagugu baraarujinayaa inaad:

• Xadee xiriirka u dhawaanshaha dadka kale.
• Iska ilaali meelaha dad badan joogaan sida tusaale ahaan dukaamada ama gaadiidka dadweynaha.
• Dadka kuu dhow iyo kuwa aad jeceshahay kula xiriir telafoonka ama kambiyuutarka.
• Soo lugee guriga banaankiisa.
• Caawimaad codso in laguu soo iibiyo raashinka iyo fulinta arimahaaga. La xiriir degmadaada haddii aanad haysan qof ku caawin kara.

ID46

Haddii cid qoyska ka mid ah ay leedahay calaamad cudur ama covid-19 la xaqiijiyay

Marka uu qof cidda ka mid ahi qabyo cudur wata feebaro, qufac ama calaamadaha kale ee covid-19 waa in uu guriga isku takooraa. Haddii ay suurta gal tahay waa in qofku uu isku takooro qolkiisa.

Ciddi calaamad cudur leh waa in ay xitaa isku sameysaa baaritaanka PCR-ta si loo eego in ay wuxu yihiin covid-19.

Ha illoobin in:

  • Aad isku daydid in aad masaafo ugu yaraan gacan dhererkeed ah u jirsatid qofka buka.
  • Aad ugu yaraan 20 ilbiriqsi gacmaha ku dhaqdid saabuun iyo biyo intii ugu badan ee suurta gal ah.
  • Gacmaha dhaqo mar kasta cuntada ka hor, marka aad cunto farafareynsid iyo marka aad musqul ka soo baxdid.
  • Ku qufac, kuna hindhis laabatada xusulka ama istiraashada sanka oo warqad ah. Mar kasta istiraashada sanka ee warqadda ah ku tuur salladda qashin qubka, dabadeedna gacmaha dhaqo.

Haddii aad la deggantihid qof qaba covid-19 aad bey muhiim u sii tahay in aad u feejignaatid haddii aad calaamado cudur isku aragtid. Waxay taasi khuseysaa inta uu qofka soo ridanayo cudurku oo dhan (2-14 maalin, sida badanse 5 maalin). Haddii ay suuraggal tahay gurigaaga ka soo shaqey.

ID4

Kooxaha khatartta ku jira

Dadka qaar haddii uu dhacyo covid-19 waxay yeelan karaan calaamado cudur oo ad-adag, gaar ahaan caabuqa sambabaha iyo neefsashada oo ku adkaata. Maadaama uu cudurku cusubyahay lama hayo aqoon dhan walba dabooleysa oo ku aaddan kooxaha khatarta dheeriga ah ugu jira in ay aad ugu xanuunsadaan.

ID69

70 jir iyo ka badan

In aad loo xanuunsado khatarteedu tartiib-tartiib ayey u sii kordheysaa mar kasta oo ay qofka da’diisu sii weynaataba. Khatarta in raggu ay aad ugu xanuunsadaan cudurka una dhintaan wey ku labalaabantaa qiyaas ahaan tan dumarka. Waxaa intaas dheer in haddii uu ninku qabyo wax ka mid ah waxyaabaha soo socda ay khatartu ay sii kordheyso mar kale. Midba midka uu liiska uga sarreeyo waa uu ka khatar badanyahay.  

  • Xubin ku tallaalid.
  • Cudurrada kansarka dhiigga, mid iminka jira iyo mid hore.
  • Cudurro dareemayaasha la xiriira (tusaale ahaan MS, Parkinson, Myastenia gravis).
  • Buurnaan (mar kasta oo uu qofku sii buurnaadaba waa ay sii kordheysaa khatartu).
  • Kaadi macaan (khatartu waa ay yartahay haddii si fiican loo daweeyo).
  • Kansar daweyn iminka socota.
  • Cudur xagga sambabaha ah oo joogto ah (neefta waa ay ku jirtaa, laakin haddii si fiican loo daweeyo aadbey khatartu u yartahay).
  • Faallig/kharaf.
  • Cudur ama daweyn kale oo xannibeysa difaaca jirka.
  • Xanuun xagga baarka ah.
  • Shaqada keliyaha oo hooseysa.
  • Cudur xagga wadnaha- iyo xididdada ah.

ID70

Ka yar 70 sano

Dadka ka yar-yar 70 sano sidoo kale waa ay kordhi kartaa khatarta ah in ay aad u xanuunsadaan haddii ay qabaan:

  • Mid ama dhawr ka mid ah cudurrada kor lagu xusay.
  • Cudur kor u qaadi kara khatarta cudurka haddii ay jiraan infekshinno xagga neefmareenka ah.

Carruurta aad bey u yartahay in ay aad ugu xanuunsadaan, xitaa haddii ay qabaan mid ka mid ah xaaladahaas ama cudurrada khatarta ku kordhinaya dadka waaweyn iyo dadka da’da ah.

ID32

Hel caawimaad iyo taageero

  • Haddii aad u baahantihid in lagaa caawiyo cunto soo iibsasho ama dawo soo qaadasho waxaad la xiriireysaa degmadaada. Kala bar oo bar degmooyinku waxay iskaashi la leeyihiin Kooxo keyd ah oo iskood isu xilqaamay oo ka kooban ururro difaac oo iskood isu xilqaamay oo degmooyinka ka caawiya in ay u soo adeegaan kooxaha khatarta ku jira.
  • Degmooyinka aysan ka jirin kooxo keyd ah oo iskood isu xilqaamay waxaa ka jira xal degdeg ah, halkaas oo Laan-qeyrta cas, Badbaadi carruurta, Urur diimeedka masiixiga ee magaalada, Kaniisadda Iswiidhishka iyo Ururka qaranka ee isboortigu ay wax caawin kara. Dhawr degmo waxay hayaan xal kale. Wac ama e-mail u dir degmadaada si aad wax dheeraad ah uga ogaatid sida aad caawimaad ku heli kartid. Haddii aadan Iswiidhish ama Ingiriis dad kula xiriiri karin, qof qaraabo ama saaxib ah ha kaa caawiyo in aad la xiriirtid.
  • Waxaa leesku qori karaa hawlsha uu billawyay ururka kireystayaashu ee Deris wanaagsan haddii uu qofku u baahanyahay in tusaale ahaan laga caawiyo cunto soo iibsasho, ey dibad u bixin, dawo iyo baakad soo qaadasho iyo wax la mid ah. Haddii aadan Iswiidhish ama Ingiriis dad kula xiriiri karin, qof qaraabo ama saaxib ah ha kaa caawiyo in aad la xiriirtid.
  • Bogga intarneetka ee Uppdragpsykiskhälsa ayaad ka heleysaa macluumaad la ururiyay oo ku aaddan taageerada iyo kheyraadka loogu tala galay dadka da’da ah. Boggu waa af-Iswiidhish.

ID33

Xuquuqdaada daryeelka caafimaadka

  • Bogga 1177.se ayaad ka akhrisan kartaa sida aad daryeel caafimaad u raadsaneysid, xeerarka ama sharciyada shaqeynaya, lacagaha ay tahay in aad khidmo ahaan u bixisid iyo xuquuqda aad leedihid kuwa ay yihiin.
  • Haddii aadan daryeelka ku qanacsaneyn waxaad marka hore la xiriireysaa rugta qaabilaadda ee aad xiriirka la lahayd. Waxaa intaas dheer in uu gobal walba ka jiryo guddi bukaan oo ku caawinaya haddii aadan ku qanacsaneyn daryeelka. Guddiga bukaanku wuxuu tusaale ahaan kaa caawin karyaa in aad la xiriirtid shaqaalaha laamaha caafimaadka ee mas’uuliyadda leh. Si aad wax dheeraad ah u ogaatid la xiriir gobalkaaga.

ID10

Hoyga dadka waayeelka ah

Mamnuucidii booqashada hoyga dadka waayeelka ah waxay joogsan doontaa 1 Oktoobar. Ilaa iyo inta ka horeysa, inta mamnuucida booqashada weli ansax tahay, waa suurtagal in la iska qaleeyo mamnuucidan haddii ay jiraan xaalado gaar ah.  La xiriir degmadaada ama cidda hawsha mas’uulka ka ah ee arrinta ay hoygu khuseyso si aad u ogaatid waxa ansaxa ah.

Dad laga reebay mamnuucidda booqashada

Talooyinka guud ee ku aaddan dadka laga reebay mamnuucidda booqashada waxaa la cusbooneysiiyay bishi Luulyo oo iminka qofka da’da ah hoygiisa waa lagu soo booqan karaa. Talooyinka Hey’adda hagta caafimaadku waa in ay markaas booqashadu ka dhacdo dhismooyinka dibaddooda. Waxaa sidoo kale mamnuucidda booqashada hoyga dadka da’da ah laga reebi karaa qofka aan lahayn calaamado cudur ee leh unugyada difaaca jirka ee ka dhanka ah covid-19. 

Waa qofka hawsha hoyga mas’uulka ka ah cidda qiimeyn ku sameyneysa in ay booqasho suurta gal tahay iyo in kale iyo in hoygu u fulin karyo si aamin ah iyo in kale. 

Marka laga hadlayo difaaca jirka iyo booqashada hoyga dadka da’da ah, in qofka uu infekshin horay ugu dhacyay maaha qiil ku filan si dhismooyinka gudohooda uu dad ugu booqdo, ayey Hey’adda hagta caafimaadku u aragtaa marka la eego talooyinkeeda.

Hey’adda hagta caafimaadka, ku saabsan booqashooyin aamin ah oo lagu tago hoyga dadka da’da ah (boggu waa af-Iswiidhish)

ID6

Talooyin ku socda dumarka uurka leh


Waqtiga iminka ah waxaa jira macluumaad kooban oo ku aaddan covid-19 iyo uurka. Ilaa iyo hadda ma jiraan wax muujinaya in uurku uu keenayo khatar keeneysa in dumarka uurka leh ay aad ugu xanuunsadaan covid-19.

Laakiinse khatarta ku aaddan cudurka khatartiisu wey kordhi kartaa haddii uu qofku horay u qabyay waxyaabo khatar ah sida tusaale ahaan buurnaan, dhiigkar ama kaadi macaan. Sidaas darteed waxaa habboon in dumarka uurka leh ee qaba waxyaabahaas khatarta ah ay taxaddiraan oo ay la tashadaan umulisooyinkooda ama dhakhaatiirtooda, ayna intii suurta gal ah xadeeyaan xiriirrada ay la leeyihiin dadka kale ee qoyska ka baxsan.

Sidoo kale waa muhiim in aad ka fogaatid in cudurka lagu qaadsiiyo dhalitaanka ka hor maxaa yeelay infekshinka neefmareenku marka uu dhalitaanka soo dhawaado wuu dhib badnaan karyaa, khatar ayaana ugu sugnaan karta haweeneyda uurka. Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay sidaas darteed ku talineysaa in dumarka uurka leh laga billaabo usbuuca 36 ay si dheeraad ah u taxaddiraan, si buuxdana u raacaan talooyinkeenna guud.

Infkeshinka covid-19 uma muuqato in inta uurka la leeyahay loo gudbinayo uurjiifka. Carruurta waa la qaadsiin karaa covid-19 laakin waa wax aad dhif u ah in canug markaas dhashay iyo carruurta laga helo calaamado cudur oo khatar ah. Sidaas darteed looma baahna in khatar cudur qaadsiin awgeed carruurta si buuxda u caafimaad qabta laga fogeeyo hooyada dhalitaanka ka dib. Sida ku cad diraasadaha iminka la hayo caanaha naaska cudur lagama qaado, sidaas darteed ma jiraan wax nuujinta xannibaya.

Haweenka uurka leh iyo covid-19 dhanka goobta shaqada

Haweenka uurka leh maaha in loo dhiibo hawlo shaqo oo micnaheedu tahay in ay hor wajahaan faaryaska koroona ee cusub.  Shaqaalaha uurka leh maaha inay ka shaqeeyaan daweynta ama daryeelida bukaan socodka ama dad daryeel la siiyo oo la hubo inay leeyihiin caabuqa covid-19.  Tani waxaa sabab u ah khataraha gaarka ah ee lagu xiriirin karo qofka uurka leh.  Mabda’aa taxadarka waa inuu shaqeeyo, micnihii in talaabooyin ilaalin ah oo dhowr ah la qaado intii kuwa yar la qaadi lahaa.

ID81

Lacag bukaan oo ka hortag ah

Kooxaha khatarta ku jira qaarkood si gaar ah ayey ugu jiraan khatar ah in ay aad ugu xanuunsadaan covid-19, sidaas darteed waxay si ka hortegid ah xaq ugu leeyihiin lacag bukaan si ay uga fogaadaan in la qaadsiiyo cudurka.

Waxaad lacagtaas qaadan kartaa haddii aad:

  • shaqo heysatid laakin aad qabtid cudur keenaya in aad si aad ah u xanuunsatid haddii uu kugu dhacyo covid-19, aadanna
  • heysan fursad aad guriga uga soo shaqeyn kartid, shaqabixiyuhuna uusan ku siin karin hawlo kale oo shaqo oo shaqadaada ku jira, ama aan xaaladda shaqada ee goobta shaqada la waafajin karin duruufahaaga si looga fogaado faafitaanka cudurka,
  • heysatid caddeyn dhakhtar oo xaqiijineysa in aad ka tirsantihid koox khatar ugu jirta covid-19.

Macluumaadka Hey’adda caafimaadka bulshada ee ku aaddan shuruudaha lagu qaadan karo lacagta bukaanka ee ka hortagga ah (boggu waa af-Iswiidhish)

Uppdaterades